Xasan Daahir Aweys oo shaaca ka qaaday Dagaalada Muqdisho in ay sii soconayaan...

0
Monday June 01, 2009 - 10:15:43 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Daahir Aweys oo shaaca ka qaaday Dagaalada Muqdisho in ay sii soconayaan...

    Xasan Daahir ayaa sheegay mar uu la hadlayay Tv-ga Al-Jazeera in ay la dagaalamayaan cadow ku soo duulay dalkooda, oo uu sheegay in ay yihiin ciidamada Midowga Africa ee ku sugan gudaha dalka oo uu sheegay in ay uyimaadeen in ay taageeraan cadowga Al

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasan Daahir ayaa sheegay mar uu la hadlayay Tv-ga Al-Jazeera in ay la dagaalamayaan cadow ku soo duulay dalkooda, oo uu sheegay in ay yihiin ciidamada Midowga Africa ee ku sugan gudaha dalka oo uu sheegay in ay uyimaadeen in ay taageeraan cadowga Alle, waa sida uu hadalka udhigaye.

Hogaamiyaha Xisbul Islaam ayaa cadeeyey in ay sii wadayaan dagaalada ay ka wadaan magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in ay xabadda joojin doonaan markii ay Ciidamada Shisheeye ka baxaan dalka Soomaaliya oo uu sheegay in ay duulaan ku yimaadeen.

xasan daahir Aweys ayaa wax laga xumaado ku sheegay madaafiic uu sheegay in laga soo riday jidka Sayidka iyo Aqalka Madaxtooyada oo ku soo dhacaysa gudaha Suuqa Bakaaraha ayna dad badan ku dhinteen, taasoo uu sheegay in ay soo ridaan dadka uu ku sheegay kuwa la qalday.

Sarkaalka ugu sareeya Xisbul Islaam ayaa la weydiiyey waxa ka dhaxeeya Xisbul Islaam iyo Al- Shabaab, isagoo ku sifeeyey Al- Shabaab in ay ka wada shaqeeyaan oo kaliya dagaalka hada socda, balse aysan howlaha hoose ee ururada aysan shaqo isku laheyn.


Si kastaba ha ahaatee xasan daahir ayaa waxa uu sheegay in dagaalo dhiig badan ku dada doono ee soo socdaan isagoon adhaliilay dowlada oo madaxweynaha ka yahay sheikh shariif

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip