Dagaalada Muqdisho iyo Qasaaraha Soo Gaaray Shacabka (Dawo sawiro Naxtin Leh)

0
Thursday June 04, 2009 - 22:18:21 in Left-side by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalada Muqdisho iyo Qasaaraha Soo Gaaray Shacabka (Dawo sawiro Naxtin Leh)

    Dagaalada iyo duqeymaha joogtada noqday ee u dhaxeeya kooxahan siyaasad ahaan iska soo horjeeda ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac fara badan oo dadka rayidka soo gaaray, haba ugu badnaatee madaafiic ay labada dhinac is weydaarsadeen, kaasoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalada iyo duqeymaha joogtada noqday ee u dhaxeeya kooxahan siyaasad ahaan iska soo horjeeda ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac fara badan oo dadka rayidka soo gaaray, haba ugu badnaatee madaafiic ay labada dhinac is weydaarsadeen, kaasoo ay ku dhinteen dad rayid ah oo qaarkood bulshada magac ku lahaa.

 




Shaqaalaha isbitaalka oo Ugurmanayo Dadka Dhibaateesan

Madaafiic ku dhaceysay Xaafado ka tirsan Yaaqshiid iyo Kaaraan ayaa waxaa inta la hubo ku dhintay dad ka badan boqolaal  ruux, waxaana dadkaas ahaayeen kuwo madfac ay ugu dul habsadeen iyagoo war moog ahaa.

Dadka dhibaatada soo gaartay inta badan ayaa ka dambeesya ka gadaal marka xaafadaha ay degan yihiin dadka rayidka ah lala bartilmaameedsaday qoriga loo yaqaano hoobiyaha oo sida ka muuqata magaciisa aanan citin reebeen.



Dadka Dhibaatada Kaoso Gaartay Dagaalada Muqdisho

Xaafdaha Tookiyada Yaaqshid, Miinjiska, Jiiragaroob, Saldhiga Yaqashid, Ceel Tubaweyne, Fagax, Kaah , Sheekh Cali C/lle, jamhuuriya, Sanca, Siisii, iyo deegaano kale oo fara badan oo ka wada tirsan Degmooyinka Yaaqshid iyo kaaraan ayaa ahaa kuwa ugu bad nee dhibaatada kazoo gaartay dagaalada aan dhamaadka laheen ee ka burqanaya magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Hadaba Maalinimadi shalay ayaa waxa Isbitalka Keysaney oo ah isbitaalka ugu badan ee la gaarsiiyo dadka kusoo wax yeelabay dagaalada kasocda deegaanadanai ayaa wax auunoqday mid faraha ka baxay xaalada bani aadamnimo ay ka jirto halkaasi iyadoo si gurmad ahloo geeyaydhamaan ardayda wax ka dhigatay dugsiyada caafimadka ee degmooyinka Gobolka banaadir.



Saraakiisha Takhaatiirta oo ku howlan Qaliinka Bukaanada

Da’ud Macalin C/laaahi oo kamid ah kalkaaliyaasha Caafimad ee sida gurmadka ah uga howlgala Isbitaalka Keysaney ayaa Shabakada Warshekeh uxaqiijiyay dhibaatada bani aadaminimo ay heesato dadka kusoo waxyeeloobay Dagaalada,

Mr Da’ud ayaa intaa ku daray in howlwadeena isbitaalka keysaney hadii ay yihiin ay diyaar uyihiin wax uqabashada dadka dhibaateesan wallow oo niyad jab umuujiyay dagaalada wili sii socda ee aafeenayo shacabka dhibaateesan ee soomaaliyeed kuwaasi oo aad durba arkeeso diifta heesato kolka aad booqato goobaha lagu baxnaaninayo.

Iyadoo dagaaladi udambeeyay maanta ay si saa’id ah usaameeyeen
Isgoyska Sanca, Xaafada Jamhuuriya iyo meelo kale, waxaana madaafiicdaas habowga ah ay ku habsadeen meelo mehrado ganacsi.


Qoriga Wax Dhibaateeya ee Hoobiyaha

Dadka Dhibaatada Kasoo Gaartay Dagaalada Muqdisho

Madfac ku dhacay Xaafada SII SII ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 3 ruux oo uu ku jiro Gudoomiyihii hore ee xiriirka Olimbikada Xaaji Cabdulle, iyadoona geeridees ay ka naxeen dad fara badan.

Rasaasta wiiftada oo aheyd tan ugu daran ee qasaaraha ugu badan dhalisay ayaa waxaa la sheegay inay gaareysay xaafado ka fog goobaha lagu dagaalamayay waxaa ay sababeen dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalada ka socda Degmada Yaaqshiid ay yihiin kuwo aan wax horumar ah laga sameyn, iyadoona wali uu dagaalka ka socdo halkii uu horay ugu bilowday.

Gawaarida gurmadka deg deg ah ee loo yaqaan Ambulance ayaa waxay ka qaadeen Xaafadaha Degmada Yaaqshiid dhaawacyo ka badan 60 ruux, kuwaasoo dhamaan ahaa dad rayid ah, waxaana tani ay sii kordheyneysaa dhaawacyadii horay u jiifay Isbitaalada.



Dadka Ku Naf Waayay Dagaalada Muqdisho oo Muuqaal Naxtin leh Ah.

Cusbitaalada Muqdisho gaar ahaan isbitaalka Keysaney  ayaa ah ku ay aad u buux dhaafiyeen dhaawacyada dadka rayidka, iyadoona ay qaati ka taagan yihiin dhaawacyada kale ee wali lagu soo wado, bacdamaa dagaalo ay wali ka ololayaan Caasimada iyadoo durba la bilaabay sida ay ukala fudud yihiin dhaawacyada in loogu noqo guryahodoodi iyadoo maamulka isbitaalka ay wadaan dadaal weyn oo xataa ay ku dareen isbitaalka qeybo cusub oo dadka la jiifiyo.

Ka sokow dagaalada ka socday Degmada Yaaqshiid, waxaa galabta dagaal cusub uu ka qarxay Degmada Hodan, kaasoo ay isku fara saareen Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga ka soo horjeeda, waxaana dagaaladaas oo ay bar bar socdeen duqeymo ay dhaliyeen dhimasho iyo dhaawac.

Madaafiic ku dhaceysay Xaafadaha Aftican Village, KPP, Tarabuunka iyo nawaaxiga Suuqa Bakaaraha ayaa inta la og yahay waxaa ku dhintay ilaa shan ruux, iyo dhaawaca tobaneeyo kale hadaba waxa circa isku sii shareereeso qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca soo gaarayo dadka rayidka ah oo aan heesan gurmad dhab ahoo kasamata bixin karo xaalada aykujiraan iyadoo ugu sii daran sicirr barar iyo macluul heesato inta badan shacabka ku dhaqan magaalada muqdisho.



Inkastoo Sawir Gacmeedka kor kuxusan yahay mid ka turjuamayo xaalada iminka ka jirta goobaha caafimad ee muqdiho oo ay tahay  Gurmadka ay sameenayaan Isbitaalada muqdisho qaarkood iyo Gawaarida Gurmadka deg dega ayaa hadana waxa jirto shuruudo la weydiiyo ehelada bukaanka ama qiimeen lagu sameeyo bukaanada lalasocda kolka la geeyo isbitaalada iyo bukaanaa aan ehelka la joogin iyadoo lagu xiro shuruudo xaga qarashaadka ah oo ay ku xirantahay gacansiinta bukaanka hadba inta ay la egtahay dhaq dhaqaaqa qarashka uu heesto taasi oo noqoneeso mid ka baxsan xaalada bani aadamnimo iyo wararka ay baahiyaan agaasimayaasha marka laga wareesto xaalada caafimad.


W/D: Abdirahman Sheikh Abdullaahi
Webmaster Shabakada Warsheekh
E-mail: farxad95@hotmail.com Ama webmaster@warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip