Muqdisho:Wariyasha idaacada BBC-da ee magaalada Muqdisho oo shaqa doodii joojiyey..

0
Monday June 22, 2009 - 17:13:32 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 14220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:Wariyasha idaacada BBC-da ee magaalada Muqdisho oo shaqa doodii joojiyey..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar hoose oo loo soo dusiyay Shabakada Warsheekh.com ayaa sheegaya in  Wariyaasha idaacadda BBC-da laanteeda afka soomaliga ah ee magaalada  Muqdisho ay joojiyey tabinta wararka ka jira caasimada Muqdisho.

Shaqa joojintani ay ku dhaqaaqeen Wariyaasha idaacada BBC-da ayaa timid ka dib markii ay hanjabaadyo badan kala kulmeen Xoogaga Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda dowlada Somalia kuwaasi oo u sheegay in ay ugu yeeraan magac ay maal mahan saxaafada barayeen hadii kale ay talaabo lagu qaadi doono.

Xarunta weyn ee BBC-da Bush House ee laga maamulo idaacada kuna taala Magaalada London ayaa ku talisay in wariyasha magaalada muqdisho ay joojiyaan shaqadooda inta wax iska badalayaan hanjabaadaha qaawan ee lagu haayo saxaafada soomaliya.

Dhagaystayaasha idaacada BBC-da laanteeda afka Soomaliga ayaa tabay wariyaashaasi oo idaacada aanan u soo waramin ku dhawaad todobaad balse ay idaacada ay la xiriiraysay wariyaal madax banaan.

Saxaafada Soomaliya ayaa soo wajahday cabsi fara badan ka dib markii hanjabadyo dil isku badala loo geysto wariyasha soomaaliyeed ee ka shaqeya caasimada halkaasi oo ay ka socdaan dagaalada aan dhamaadka lahayn

M.M.Noor
 

 

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip