DABAAL DEGA XUSKA HABEENKII LA DHEELMIYAY NABIGEENNA SUUBAN NNKH EE AL-ISRAA WAL-MICRAAJ :-

0
Saturday August 01, 2009 - 20:32:49 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2504
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DABAAL DEGA XUSKA HABEENKII LA DHEELMIYAY NABIGEENNA SUUBAN NNKH EE AL-ISRAA WAL-MICRAAJ :-

    Dadweyne fara badan ayaa habeennimadii xalay ahaa isigu yimid masjidka weyn ee jacfar oo ku yaalla xaafada bole mechael ee magalada addis-ababa ee dalka itoobiya , si ay u xusaan habeenkii la dheelmiyay nabi muaxmmed SCW oo ku beegan 27 bisha rajab e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadweyne fara badan ayaa habeennimadii xalay ahaa isigu yimid masjidka weyn ee jacfar oo ku yaalla xaafada bole mechael ee magalada addis-ababa ee dalka itoobiya , si ay u xusaan habeenkii la dheelmiyay nabi muaxmmed SCW oo ku beegan 27 bisha rajab ee sanadka hijriga .



Munaasabdda oo ay mowcidooyin diini ah ay ka soo jeediyeen culumo ayaa waxa ay siweyn ugu dheeraadeen qisadii dheereed ee habeenkaasi dhacdey ayadoo dhamaan muslimiintii halkaasi joogtana ay si weyn uga faaiideysteen .

Imaamka iyo khadiibka masjidka shiikh maxamed suufi ayaa muslimiinta ku baraarujiyey in ay aad u bartaan qisooyinka mucjisada leh ee nabigeenna SCW lasiiyey , isagoo ahaa kii ugu kheyrka badnaa umadda waxa uu sheegey in muslim walba laga rabo in uu waynaeeyo habeenada sidan oo kale kuwayn islaamka gudihiisa sida mowliidka oo ah habeenkii uu dhashay nabiga NNKH , israa walmicraaj, laylatul qadri-ga iyo munaasabadaha kale ee aadka u leh qiimaha si buu yiri loo muujiyo shicaarka diinkeenna sharafta leh uu leeyahay .

Waxaa dhanka kale wacdigii qaatay mudarriska masjidka jacfar shiikh cabdi xakiim macallim cabdi isagoo ugu horaynma muslimiinta meel walba oo ay dunida ka joogaan ugu hanbalyeeyey habeenka weyn ee al- israa wal-micraaj isagoo yiri (KULLU CAAM WA ANTUM BIKHAYR , habeen sharf badan ayaa caawa ku dhexjirnaa,caawa oo kale waxaa la badiyaa adkaarta,siirada nabigeenna SCW oolaga sheekeeyo , sadaqada oo la badiyo .

Culumadii halkaasi ka jeedisay wacdiga ayaa muslimiinta oo idil ugu duceeyey in uu ilaah ka kor qaado dhibka , gaar ahaan dalalka soomaaliya,ciraaq,falastiin,afganistan iyo wliba sudan .

Isku soo wadaduuboow , munaasbadaasi oo si habsami leh u dhacdey , ayaysan ahayn tii ugu danbaysay balse waxaa jira munaasabado kale oo ka socda guud ahaan dalkan ayadoo laga warqabo in ay muslimiintu aad ugu badanyihiin dalka itobiya isla markana munaasabadahan oo kale aad looga qadariyo , munaasabado kuwan oo kale lamid ahnna waxa ay ka dhaceen dalalka muslimiinta oo idil iyo meelaha kale oo ay ku suganyihin islaamku .

W/Q: Wariye Axmed Khadar
Email:axmedmbc@hotmail.com ama axmedmbc@yahoo.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip