Madaxweyne Sheekh Shariif Iyo Amiirka Qadar Oo Kullan Balaaran Qaatay.

0
Friday August 28, 2009 - 16:31:01 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Sheekh Shariif Iyo Amiirka Qadar Oo Kullan Balaaran Qaatay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowladda FKMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay gaaray Magaalada Doxa ee wadanka Qatar ayaa kula kulmay halkaasi Amiirka Qatar iyo madax kale oo ka tirsan Xukuumadda Doxa.

Kulan ay ku qaateen xarunta Madaxtooyada ayaa waxa ay kaga wada hadleen xaaladda labada wadan iyo arrimo kale oo ku saabsan Soomaaliya.

Waxaa goobjoog ka ahaa Kulanka uu la qaatay Amiirka Qatar Sheekh Xaamid Bin Khaliifa Aala-thaani, wasiirka arrimaha dibadda ee qadar iyo madax kale, waxaana ay kawada hadleen calaaqaadka labada dal.

Sidoo kale waxa ay kawada hadleen waxyaabaha kasoo cusboonaaday saaxada carabta iyo tan Beesha Caalamka oo ku aadan tixgelinta ay siinayaan Soomaaliya.

Safarka Sheekh Shariif ee Doxa uu kujoogo ayaa lagu soo waramayaa in ay qaadan doonto dhowr maalmood waxaana kulamadooda illaa iyo hadda aanan la shaacin waxyaabaha kasoo baxay.

Madaxweyne Shariif ayaa safarkani uu ku baxay sidoo kale kusoo mari doona dalal kale oo carbeed maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee ramadaanka isla markaasina lagu soo waramayo in kaalmo uu u weydiin doono shacabka Soomaaliyeed.

Gelinkii dambe ee shalay ayay aheyd markii uu gaaray doxa isla markaasina ay kusoo dhaweeyeen garoonka madax kamid ah Dowladda Qatar iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Doxa Ismaaciil Qaasim Naaji.

 

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip