Culuma’udiin, Aqoonyahano iyo Dhamaan Bulshada Reer Nairobi oo saakay isugu soo aruuray Hoygii Alaah Unaxariistee Macalin Nuur (Daawo Sawiro)

0
Thursday October 29, 2009 - 17:28:30 in Tacsi by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Culuma’udiin, Aqoonyahano iyo Dhamaan Bulshada Reer Nairobi oo saakay isugu soo aruuray Hoygii Alaah Unaxariistee Macalin Nuur (Daawo Sawiro)

    Alaah unaxariistee waxa Xalay saqdii dhexe ku geeriyooday Magaalada Nairobi Macalin Nuur Maxamed siyaad oo kamid ahaa culuma’udiinka ahlusunnah waljamaac kuwooda ugu waa weyn naxatiisti jana eebe hasiiye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alaah unaxariistee waxa Xalay saqdii dhexe ku geeriyooday Magaalada Nairobi Macalin Nuur Maxamed siyaad oo kamid ahaa culuma’udiinka ahlusunnah waljamaac kuwooda ugu waa weyn naxatiisti jana eebe hasiiye.

 

 



Culuma’udiinka, Aqoonyahanada, Dhaqanka, Dhalinyarada iyo hooyooyinka soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa saakay isugu soo aruuray hoygi oo ka degnaa magaalada Nairobi macalin Nuur Maxamed Siyaad alaah Unaxariistee.

Hadaba culimadi halka isugu timid ayaa ugu horeyn waxa ay uga tacsiyeeyeen ehelka iyo qaraabadi oo macalinka ka geeriyooday oo halkaa kusoo dhaweeyay masha’iqda iyo dhamaan bulshada soomaalida Kenya oo saakay soo buux dhaafiyay hoyga Macalin nuur ee Magaalada Niarobi.




Sheekh Cisman Sh: Cumar ( Xidig) oo kamid ah Culuma’udiinka soomaaliyeed ahna aqribada macalinka ayaa ugu horeen waxa duco iyo tusaaleen halkaa ugu soo jeediyay umadi isugu timid guriga macalinka ee runttii la tiiraanyeesneed dhimashada naxtinta leh ee kutimid Macalin Nuur Maxamed Siyaad.

Intaa kadib ayaa waxa sidoo kale halkaa ka hadlay  Xaaji Xasanley Maxamed Joqof  oo kamid ahaa qulufada Macalin Nuur ayaa ugu horeen waxa uu ka warbixiyay alaah unaxariistee geeridi kutimid macalinka iyo dar daaranka oo macalinka horay uga dar daarmay halka lagu aasayo.




‘ Macalinkeeni alaah unaxariistee hadii aanu nahay owlaadi macalinka hadii ay ahaan leheed kuwii nasabka iyo kuwii diinka  waxa uu ka dar daarmay in lagu aaso Masjidka Macalin Biimaalow hasa yeeshee marxalada wadanka maraayo iyo dhibka ka jiro awgiis ayaa waxa la isla gartay in lagu aaso Mowlac macalinka ku leeyahay Degmada Madiina ee Gobolka Banaadir’

Xaji Xasanley ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in meydka macalinka loo duulin doono magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya maalinimada sabtiga inta ka horeesana la sugayo qaar kamid ah caruurta macalinka oo codsaday in lala sugo aaska aabahood macalin nuur maxamed siyaas taasna ay isla garteen hadii ay yihiin owlaada Macalin nuur.


Qaliif Xaaji Xasanley ayaa intaa kadib waxa duco iyo bogaadin ujeediyay marti sharafki kala soo qeyb galay tacsida sheekha isagoo itnaa kadib ugu baaqay in dhamaan fasaxan yihiin ayna ka qabaan hadii ay yihiin reer macalin tacsidi ay la wadaageen.




Sidoo kale waxa duco qaas ah uduceeyay Culimadi halkaa kasoo qeyb gashay owlaada Macalinka oo uu horkacayay Sh: Aweys  Macalin nuur iyo Sheekh C/qaadir Macalin nuur oo kamid ahaayeen owlaada sheekha ee saakay xaadirka ku aheed hoyga ayaa waxa  faataxada loogu maray in eebe la garab galo xilka culus ee uyaaalo samir iyo iimaana ka siiyo geeridi kutimid Aabahood Macalin Nuur Maxamed SIyaad

Sheekh c/qaadir Macalin Nuur oo ah sheekha oo dhalay Macalin nuur Maxamed Siyaad ayaa noqon doono sheekha fariisin doona booska macalinka oo halkeedi kasii wadi doono howlihi qidmada diinta islaamka iyo faafinteeda.

 



Sidoo kale waxa halkaa ka duceeyay Macalin Cali Bood oo kamid ah qulafada macalinka iyo Macalin  Abuukar Gacal Ugaas, Macalin Balaak iyo Macalin Ijaabo oo dhamaan kamid eh qulafada macalinka oo saakay si weyn isugu howlayay isku dubaridka iyo diyaarinta howlaha tacsida Macalin Nuur Maxamed Siyaad.


Culuma;uhiinki kasoo qeyb galay Tacsida Sheekha oo aah ufara badanaa  ayaa waxa kamid ahaa

1. Sheekh Da’ud Sheekh maxamed
2. Sheekh Xasan Madoobe
3. Sheekh Xuseen USC
4. Sheekh Shanyaalow Sh: Max’ed Nuur Macalin luqmaani
5. Sheekh Cumar Sheekh maxamed
6. Sheekh Muxidiin Laashin

Waa shabakada warsheekh oo markale idin leh samir iyo iimaan dhamaan eebe haka siiyo umada soomaaliyeed gaar ahaan ehelka iyo qaraabadi oo ka geeriyooday Marxuum Macalin Nuur Maxamed Siyaad (Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileehi Raajicuun).


Fiiro Gaar ah waxa idin soo gudbin doonaa taariikhda Macalin Nuur iyo Qaar kamid ah muuqaaladiisa ee la socod wanaagsan.


W/D: C/raxman Sheekh C/llaahi
E-Mail: Farxad95@hotmail.com
Mobile:254-722-951=951
Magaalada Nairobi Dalka Kenya

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip