Siyaaradi Sheekh Maxamed Bin Faqih Abubakar (Sheekh Faqay Aboor) Daawo,Sawiro

0
Tuesday August 19, 2008 - 14:04:38 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradi Sheekh Maxamed Bin Faqih Abubakar (Sheekh Faqay Aboor) Daawo,Sawiro

    siyaaradii caalimka weynaay al waliyul mucadam sheekh maxamed bin faqih abuubakar al sheekhul faadil al qudhbul kaamil al mulaqab (sheekh faqay aboor) oo shalay taariikhdu ahayd 17.8.2008 bisha shacbaan ahayd 15.8.1429 lasoo gabagabeeyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

siyaaradii caalimka weynaay al waliyul mucadam sheekh maxamed bin faqih abuubakar al sheekhul faadil al qudhbul kaamil al mulaqab (sheekh faqay aboor) oo shalay taariikhdu ahayd 17.8.2008 bisha shacbaan ahayd 15.8.1429 lasoo gabagabeeyey.


 

waxaa shalay daafaha caalamka lagu qatimay siyaadirii caalimka islaamka soomaaliyeed sheekh maxamed bin faqih abuubakar  ku magac dheeraay (sheekh faqay aboor)

Dalalka soomaaliya kenya talyaaniga ingiriiska sweden ameerika holand sacuudiga iyo yemen iyo wadamo kale oo dhowr ah ayaa waxa shalay ka dhacay ixtifaalooyin aad u waaweyn oo lagu qadarinaayo xuska sheekheene sheekh faqay aboor iyadoo midka ugu balaarnaay uu ka dhacay xarunta sheekha ee magaalada muqdisho 


xarun diimeedka sheekha ee magaalada muqdisho ayaa shalay waxaa lagu dhigay banaanbaxii ugu balaarnaay idaoo dhamaan ahlu dariiqa oo dhana ay ka soo qayb gashay.

iyadoo meesha lagu qaaday qasiidada sheekh faqay aboor waxaana karaamaadka iyo taariikhda sheekh faqay aboor meesha ka aqriyey sheekh cali cumar abati alfaghi

waxaa ka soo qayb galay dariiqada rufaaciya ayaa maalinimadii shalay si aad ah u soo camiray banaanka hore ee xarunta sheekha iyadoo ay ka muuqato qiirooyinka ka tarjumaaya xadaarada ee hogaanka culama,udiinka reer faqay

ixtifaalka sheekha loo sameeyo sanadkii mar ayaa waxa uu ka mid yahay ixtifaalada uga waaweyn ee ka dhaca caalamka islaamka



ugu dambeyntii waxaa meesha duca ugu soo jeediyey sheekh cali munye oo ka mid ah dariiqada rufaaciya ahna beesha asharaafta  isagoo ku tilmamay magaalada muqdisho in ay tahay madaxa umada soomaaliyeed
isla markaana aad ugu cel celiyey shariif cali in uu alle ka dhigo magaala nabadeed bijaahi mustafa ayaa shariifku ku cel celiyey isagoo alena uga baryay in uu bidcada iyo inta xun umada uu ka qabto
 ummada soomaaliyeed iyo caalamul islaamka towfiiq caam ahna alle na siiyo 

waxaana siyaarada ka soo qayb galay gudoomiyaha dariiqada rufaaciya ahna culamada reer faqay sh cabduraxmaan xaaji axmed  sheekh saalim cumar weli sheekh caydaruus cumar weli sh samow sheekh sufi maxamed abuukar , sh muruudi abba sheekh sh cali faqay duqa culumada reer faqay dr .maxamed cabdulqaadir maxamed sh aweys  sh cali munye 



fiiro gaar ah haddii beri alle yiraahdo waxaan idin soo gudbineynaa taariikhda sheekh faqay aboor  waxaa diyaariyey weriyaha beesha reer faqay mudane cali cumar abati alfaghi email
ao_abati@hotmail.com

Shabakada Islaamiga ee Ahlusunna Waljamaac

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip