Cakuye!! waa caamadii, oo la yaaban Culumadii, !!! (By C/qaadir Dulyar)

0
Saturday November 28, 2009 - 21:33:39 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1097
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cakuye!! waa caamadii, oo la yaaban Culumadii, !!! (By C/qaadir Dulyar)

    Umadda soomaaliyeed waa bulsho muslim ah 100% sida ku qoran diiwaanadda,waxa ayna ka ab-ka ab aheyd mid iska soo dhaxleysay tan iyo markii ay geeska Africa soo gaareen culumadii fidinta diinta Islaamka qarniyaal ka hor.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Umadda soomaaliyeed waa bulsho muslim ah 100% sida ku qoran diiwaanadda,waxa ayna ka ab-ka ab aheyd mid iska soo dhaxleysay tan iyo markii ay geeska Africa soo gaareen culumadii fidinta diinta Islaamka qarniyaal ka hor.


Culumadu waxa ay bulshadda u ahaayeen, qaarkoodna weli u yihiin astaan ay kaga daydaan:-xagga- akhlaakhda,xag- cibaaddo, xag- cadaalad, xag- nabadgalyo, xag- daacad-nimo, wanaaga iyo cabsida Alle,iyo tusaalooyin kaloo badan,sidoo kale waa kuwa miyi iyo maagaalaba ka suurta galiyay mowlacyo, dugsiyo iyo Masaajiddo, lagu cibaadeysto laguna barto diinta islaamka, intaa kuma koobneyne waxa ay culumaddu ahayed kuwa lagu baxsado marka xaajo xumaato, iskana xilsaara xalinta khilaafaadka bulshada miyi iyo magaalaba, iyadoo go’aanada ay soo jeediyaana ahaayeen kuwa aan laga daba hadlin qadarinta loo hayay awgood.

Marka la jaleeco doorka culumadu ay ku leeyihiin Tarbiyadda ubadka soo koraya,oo aheyd arin soo jireen ah, waxaa lagu cabiri karaa in ay tahey kaalin aad u culus, oo dabooli jirtay ama kaabi jirtay kaalintii waalidka looga baahnaa, maadaama waalidiinta badankoodu ay mashquul ku yihiin raadinta nolol maalmeedkooda,ama la oran karo waxaaba ku yar aqoonta ay u leeyihiin tarbiyenta ubadkooda.
.
Dugsiyada Quraa’nka oo ahaa kuwa ku yaalay dalka oo dhan,hadaan ka soo qaato kuwii M/muqdisho oo tira beelka ahaa, ayaa la oran karaa waxa ay ahaayeen meelaha ubadka soomaaliyeed lagu barbarian jiray, maadaama macalimiintu ay yihiin waalidka 2-aad, ayaa waxa aan xasuustaa gaar ahaan in macalimiinta Quraa’nku,ay kormeer joogta ah ku heyn jireen,oo xataa la oran karo si aaneey waalidiintu ula socon ilmahooda ayey ula socon jireen dhaq-dhaqaaqooda.

Balse waxaa xusid mudan in waqtigaa macalinku uu ahaa mid u idman tarbiyeynta caruurta uu gacanta ku hayo, waxaana dhici jirtay waalidiinta qaar marka ay u taag waayaan qaladaadka caruurtooda, in ay ugu hanjabaan, {waayahay, hadaanan macalinka kuu sheegin !!}markaana ay ilmuhu dib uga laaban jireen waxa ay faraha kula jiraan,kana codsan jireen waalidka in aan arinkan macalinka la gaarsiin.

Marxaladahaa aan ka soo sheekeeyay oo tan iyo bur-burkii soo maray heerar kala duwan, maanta waa layskala soo gudbay,oo waayoo !! hardanka u dhexeeya culumadu waxa uu sii xoojiyey in ay xirmaan dhamaan dugsiyadii,iyo in lagu tilmaamo meel lagu duufsado maskaxdana looga badalo caruurta, si ay uga qeyb qaataan dagaalada,waxaana waalidiin fara badani shaki ka muujiyeen in ay ubadkooda geeyan, dugsiyadii iyo madarasooyinkii islaamka,{subxaana-laah !!! waa arin Qatar ku ah mustaqbalka jiilka soo koraya.

Waxa ay sidoo kale dhibaatadu saameysay waalidiintii caruurtooda kula cararay dibadaha, kuwaasoo ka sokow wal-walkii ay ka qabeen in laga fasahaadiyo, maadaama iyagoo muslim ah oo jaahil ah ay u tageen mujtamac gaalo ah, oo dhan walba ka horeeya, hadana waxaa ayaan daro noqotay in maanta ay soo wajahday cabsi kale oo kaga timi, halkii ay maciinsanayeen oo ah wadaadadii, ka dib markii ay ku baraarugeen wiilashoodii oo ka qeyb qaadanaya dagaalada soomaaliya,kaaga darane waa sidii ay gaaladu rabtaye,iyagoo ka faa’ideysanaya cadeymo yar yar oo lagu helay kooxo wadaada ah oo dan gaar ah watay, hase yeeshee aan ka fikirin,dhibaatada caamka ah ee ku imaan karta sharafta iyo nolosha islaamka, ayaa waxaa faraha lagu taag- taagay goobihii cibaadada iyo barashada diinta,

Waana hubanti in waalidiintii ay oranayaan , kaan u dhiibtayba maaha !!!! xalkiina uu noqday in ay caruurtooda ilna kaga waardiyeeyaan gaaladda, isha kalena kaga ilaaliyaan wadaadadda dagaal geynaya.

Sidoo kale,falalka dhacaya, waxa ay sababeen in albaabada loo laabo masaajido iyo madarsooyin furnaa,kuwa kalena ay iminka Qatar ugu jiraan, iyo in xabsiyada loo dhaadhiciyo wadaado fidin jiray diinta, oo laga yaabo in danbi la’aan loogu mar-marsiyooday dhacdooyinkan,in dabagal iyo baaritaano lagu soo rogo soomaalida, in lagu dhibaateeyo safaradooda, in kalsoonidii lagala laabto, ka dibna lagu tilmaamo dad qal-qal ku haya amaanka dalka martigaliyay iyo la duudsiiyo xuquuq fara badan oo ay kala mid noqon lahaayeen bulshada ay la nool yihiin,

Hadii aan dhanka kale eegno, iskooladdii waxbarashada aasaasiga ah oo iyaguna ahaa halka laga toosiyo ubadka, aqoon iyo wadaniyadba,laguna kala ogaan jiray aadaabta iyo fahamka ubadka, ayaa qaar ka mid ah waxa ay noqdeen Akadeemiyo ciidan oo laga soo saaro dhalinyaro dagaalanta,dhamaan arimahaasina waa farsamooyin ka yimi qaar ka mid ah culumadda iyo xeeladdo xukun doon ah oo u qarsoonaa, hase yeeshee ay iminka la yaaban yihiin caamadu.

Aan u daadago marxalad kale iyo doorka culumada ee maanta, uma baahna sheeka dheer sida ay ku yimaadeen wadaadadu,iyo isbadaladii ay soo mareen,iyo weliba sida loo taageeray,balse waa hubanti in Qof waliba uu sawirtay in dhibkii dhammaaday mar haddii wadaadadu taladii dalka qeyb ka mid ah qabteen,sidoo kale, in la gaaray waqtigii ey soo afjarmi lahaayeen colaadaha Soomaaliya, in la joogo xiligii dib loogu noqon lahaa cadaaladii, in uu soo dhawaaday waqtigii laga sheekeyn lahaa wixii dhacay xilliyadii dagaallada ahliga, in ay tahay saacadii dib u midoobidda iyo is jaceylka bulshada,iyo sidoo kale waqtigii soomaalidu dib u dhisan laheyd dalkii ay iska bur-burisay, si ay u higsadaan asaagood,la iskuna xukumi lahaa kitaabka Alle,laakiin waxaa badalay dhamaan rajooyinkaas fiican ee la filayay, wax aan marna qof ku fikirin in ay dhici doonaan.waloow qadarta Allana gaar aheyd.

Waayoo!!! Maanta waxa ay taagan tahay in wadaadadii oo la kala baxay magacyo,islamarkaana ah kuwii horay ugu sheekeyn jiray in ey yihiin rag ka damqaday dhibaatada shacabka lagu hayo, oo fiirsan waayay boobka masaakiinta, una dulqaadan waayay dadka macna darrada la isaga dilayo,ka hurdi waayay gafka diinta loo geysanayo,iyo dhaqan xumada bulshadu ku jirto,in ey iyagii ku dagaalamayaan dalkii,iyagoo aan cid kale eersaneyn, marka laga reebo faragalinta shisheeyaha ee soo jireenka ah iyo ajaaniibta qola waliba wadato,

Shacabkii shalay u hiiliyay afkii baa juuqda gabay, ka dib markii ay bartanka u galeen dagaalo silsilado ah, marti u noqdeen qax ka daran kii hore, nasiibna u yeesheen in ay marqaatiga aamusan ka noqdaan, dilal qorsheysan oo dhacaya inta badana laga fulinayo Masaajidadda iyo suuqyada ilaa la gaaray heer laga baqo in cibaado loo tago iyo dukaameysiba, is qarxin,Gowrac iyo addimo goyn, jeedal,hanjabaad iyo qal-qal galin,xukuno naxdin leh oo mad madoow ku jiro sugnaashahooda xiligan,u kala adeegid dano shisheeye,amaro waqtigoodii laga soo hormarinayo,sida in dhaqtar soomaaliyeed loo dilo xabad sigaar ah, iyo in nin sheekh ahi yiraahdo caruurtiina masaajidada ka ceshada,,iyo qodobo kale oo dhamaantood noqday kuwa ka yaabiyay caamadii.maadaama culumo kale ay dood ka keeneen iyagoo u daliilsanaya cilimiya diini ah.dalkana ay ka dhacday cagteydooy I bixi,iyadoo loo qeybsamay qaar isku wareystay Qurbaha iyo qaar dalka ku haray oo is dabaalin ku jira,ka dib markii halkii caad laga filayay, ay ceeryaamo ka timi.

Dhanka kale, waxaa maanta wax lala yaabo ah,in rag culumo sheegta oo qaarkood aqoonta diinta meel sare ka gaaray, ayaysan is waafaqsaneyn hadaladoodii shalay iyo kuwa manta ka soo baxaya afkooda, sidoo kale ay kala hoggaaminayaan madaafiicda lagu leynayo shacabka, oo hadii wax laga weydiiyo, dowlad iyo mucaaradba ay iyagoo qosolaya oo kaftamaya oranayaan,{ anaga ayaa howl-galkaa fulinay waxaana nooga shahiiday 2-mujaahid, gaaladiina waan ka guuleysanay},iyadoo markaana mid waliba uu raacinayo Aayado Quraan’ah iyo Axaadiis, si uu u muujiyo in uu dhankoodu ku saxan yahay,markaa ayaa is dhaafsiga hadaladani waxa ay ku noqdeen caamadii wax maskaxdooda ka weyn iyo in ay ku jahwareeraan saadaalinta dhanka saxan, maadaama dhinac walba ay hogaaminayaan dad culuma ah, oo dagaaladooda waafajinaya diinta islaamka, nin la amakaagay sida wax u dhacayaan oo dad u sheekeynaya ayaa waxa uu soo qaatay murti xiligii jaahiliga laga soo min-guuriyay, hase yeeshee marxaladda maanta lagu qotomin karo, taasoo aheyd sedan:-

!!!Hadda kahor baa Islaan da’ ah oo baadi waxareed ey ku jirto laga sheegay “ Illaahow waxarteyda ha geyn xero wadaad, {Middi uu ku gowracdana waa heystaa, cilmi uu ku baneystana wuu yaqaan}!!!! Markase taariikhda dib loogu laabto, ma aha arin ugub ku ah shacabka in lagu howl galiyo carab iyo niyad aan wada socon iyadoo lagu beer dulucsanayo diin, dabadeedna lagu balan furo, horay ayey qaar ka mid ah hogaamiyayaashii jabhadaha ee ka hor yimi dowladii Kacaanku, inkastoo ay hab qabiil u abaabulnaayeen ,hadana ugu owr kacsadeen {Allaahu Akbar}maxaase ka danbeeyay!!! Tanina waa mid la mid ah marka dhan laga eego,waayoo Maxakamadaha halku dhigoodu waxa uu ahaa {Tagbiir!!! Allahu akbar!!} iyo in ay cadaalad iyo nabad keenayaan,iyagoo u maraya ku dhaqanka Kitaabka Alle, maantana waxaa muuqta in iyagii ay xukunka isku hayaan,is riix-riixa u dhexeeyana u marayo heer ay Qudhoodu kitaabka Alle iska kala xigsadaan, xaaladiina ay noqotay mid ay uga dareen,ilaa ay gaartay in shacabku markii la soo xasuusiyay, xaal siiyo hogaamiye kooxeedyadii shalay,oo hoosta ka leh iyaguna {waxeey nagu hayeen shalay, iyagaa maanta isku haya}

Oday soomaaliyeed oo caana ah kana mid ahaa odayaashii aadka ugu ololeyn jiray kacdoonkii wadaadadda,oo markii danbe isaga lafihiisii la baxsan waayay, ayaa isagoo warbaahintu ay su’aalo ka wediineyso marxaladan, waxa uu yiri:- {Hadii caamo dagaasho waxaa hishiisiiya culumada, hadiise culumadu dagaasho, waxaa hishiisiiya cadaabta} taasina waa mid muujineysa marka aad eegto halka la kala taagan yahay mabda’ahaan iyo awood ahaanba,in aaneey jirin cid hishiisiin karta kooxo diimeedyada soomaaliya isku haya,iyaguna aaney ku kala adkaaneyn waqti dhow,in Ilaaheey quluubtooda burcad isku mariyo mooyee.

Ugu danbeyntii,macanaha qoraalkeyga iyo sifayaasha aan tilmaamay ee ka yaabiyay caamada, ulama jeedo in ay ku idil yihiin Culumada soomaaliyeed,balse waa mid u gaar ah raga maanta iyagoo ilaaheey baray cilmiga diinta Isalaamka, hadana aqoontoodii ku kala difaacaya dagaalada ka socda soomaaliya.

Waxaana xusid mudan in ay jiraan culumo badan oo sida caamada la yaaban waxa taagan,kuwa isku xil-qaamay in ay sameeyaan musaalaxo, oo laga diiday,kuwa naftoodii ku waayay ka dib markii ay si cad u sheegeen dagaalada socda iyo shareecadda islaamku waxa ay ka qabto,iyo qaar kaloo ka aamusayba.

Sidoo kale, kagama soo horjeedo qalinkeyga, in dalka lagu xukumo kitaabka Alle iyo sunadda Nabi Maxamed {NNKH] qof kasta oo diinta iyo dadka ka gala danbina la waafajiyo shareecadda,iyo in lala jihado gaalada nagu soo duushay,waana tii markii horaba aan ku taageeray dhaq-dhaqaaqa islaamiga ah ee ka curtay K/soomaaliya, balse maanta xaalka taagani ma aha kii loo fadhiyay,waana mid ay culumadu gees kastoo loo qaadaba kaga yaabiyeen caamadii.

C/qaadir Maxamed Faarax {Dulyar}
Dulyar21@hotmail.com
Neyrobi—Kenya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip