(SHEEKADII DIINKA IYO DAANYEERKA) 'Waxa Tarjumay Dr Xirsi'.

0
Thursday December 10, 2009 - 22:55:17 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (SHEEKADII DIINKA IYO DAANYEERKA) 'Waxa Tarjumay Dr Xirsi'.

    Aqristayaasha Qiimaha iyo Qaayaha lahow kusoo dhawaada Qormadeena cusub ee tobobaadkiiba laba mar aan idinku soo gudbin doono Sheeko hadba aan kasoo xulanay bahweynta sheekooyinka somliada iyo Carabta intaba iidinkoo inagala socon kartaa shabakada wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqristayaasha Qiimaha iyo Qaayaha lahow kusoo dhawaada Qormadeena cusub ee tobobaadkiiba laba mar aan idinku soo gudbin doono Sheeko hadba aan kasoo xulanay bahweynta sheekooyinka somliada iyo Carabta intaba iidinkoo inagala socon kartaa shabakada warsheekha maalmaha Qamiista iyo Isniinta

(SHEEKADII DIINKA IYO DAANYEERKA) 'Waxa Tarjumay Dr Xirsi,
 
Waxaa qoray: Cabdullaahi ibn al-Muqafac
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre

waxaa la yiri daanyeer baa boqor u ahaa daanyeerada, kaas oo magaciisa la yiraahdo maahir, wuxuuna ahaa mid gaboobay oo duqoobay, daanyeer dhallinyar oo qoyska reer boqor ka mid ahaa ayaana ku kacaamay, oo maamulkii ka faramaroogsaday, kolkaas buu cararay oo hortiisa u baxsaday, intii uu xeebta ka gaaray, halkaas oo uu ka helay geed ka mid ah geedaha berdaha, kolkaas buu fuulay oo hoy ka dhigtay, asiga oo maalin maalmaha ka mid ah berdihii ka miraysanaya ayaa berde gacantiisa ka dhacay oo biyihii ku dhacay, kolkaas buu ka maqlay cod iyo jabaq, wuxuuna billaabay in uu marna cuno marna tuuro, taasina way bururisay, markaas buu mirihii berde biya ku dhex tuuristoodii badshay, diin qubo ayaana mirihii soo dhacaba hoos ka cunayay, markii sidaasi in badan socotay baa diinkii mooday in uu taas asiga awgiis u yeelayo, kolkaas buu jeclaystay in uu waday la noqdo, wuuna dhawaystay, wuuna la hadlay oo midiba midkii kale ayuu weheshaday.
 
Hase ahaatee diinku ooridiisii ayuu in door ah ka maqnaaday, wayna ka welweshay oo deriskeeda bay arrintaas uga sheegatay, waxayna ku tiri; waxaan ka baqayaa in wax ku dheceen oo dileen, waxay tiri: ninkaagii xeebta buu joogaa, daanyeer bayna is weheshadeen wuuna la cunaa oo la cabbaa, asiga ayaana ninkaagii kaa gooyay, agtaadana kuma nagaan karo intii dhagar aad daanyeerkaa ku disho aad ka helayso.
 
Waxay tiri; oo sidee yeelaa?.
Deriskii waxay tiri: haddii uu kuu yimaado is jirri, haddii uu ku waydiiyana ku dheh, dhaqtarradu beer daanyeer bay ii qoreen.

Kolkaas baa diinkii in ka dib aqalkiisii aaday, wuxuuna arkay xaaskiisii oo bukta, oo murugaysan, wuxuuna ku yiri; waa sidee si baan kuu arkaaye ?.

Tii deriskeeda ahayd baa u war celisay oo tiri: ooridaadu way bugtaa oo waa bisteed, dhaqtarraduna waxay u qoreen beer daanyeer, baan kalena ma leha.
Diinkii: taasi waa arrin culus, xaggee baannu beer daanyeer ka helaynaa annaga oo biyahan dhex joogna, hase ahaatee, wadaygay baan dhagrayaa.
 
Kadibna xeebtii badda ayuu aaday, kolkaas baa daanyeerkii ku yiri: walaalow, maxaad iiga maqnaatay?.

Diinkii wuxuu ku yiri: xishood aan kaa xishoonayo ayaan kaaga maqnaa, maxaa yeelay garan maayo si aan samafalkii aad ii gashay kaaga abaal mariyo, waxaanse kaa doonayaa in aad samafalkaaga ii dhamaystirto, oo aad aqalkayga igu soo booqato, waxaanna degganahay jasiirad aad u mira wanaagsan, ee dhabarkayga soo fuul si aan kuula dabaasho, daanyeerkiina taas wuu jeclaystay oo wuu soo degay, diinkii buuna dusha ka fuulay, wuuna la dabaashay, kolkii uu bartamaha biyaha geeyay, buu xumaantii uu u qarinayay ee dhagarta ahyd u soo bandhigay wuuna hundhursaday.
 
Daanyeerkii: maxaa kugu dhacay oo aad la murugootay?.

Diinkii: murugadaydu wax kale ma aha e', waxaan xasuusty in ooridaydii aad u jirrantahay, taasina waxaysan ii ogolaanayn in aan si wanaagsan kuu dhaqaaleeyo oo kuu wanaajiyo.

Daanyeerkii: inta aan dadaalka aad dhaqaalayntayda ugu jirto ka ogahay, ayaa deeqda dhibkeeda kaa baajinaysa.
 
Diinkii: waa hagaag, daanyeerkii buu in kale la dabaashay, dabadeedna wuu la istaagay, kolkaas baa daanyeerkii dhiillo gashay, wuxuuna is yiri, diinkani waxa uu la joogjoogsanayo wax kale ma aha ee arrin baa kolley jirta, mana hubo in laabtiisu iga gaddoontay oo jacaylkaygii ka baxay oo uu jab ila doonayo iyo in kale, maxaa yeelay, wax laabaha ka fudud oo ka gadgaddoon badani ma jiraan, waxaana dhici karta in la yiraahdo, ninka wax garadka ah waxaa la gudboon in uusan illoobin la tashig xaaskiisa, walaalihiis, wadaygiis arrinkasta oo timaada, uuna la tashado goorwalba, weer walba, marka uu istaagi rabo, iyo marka uu fariisanayo, iyo markastaba, maxaa yeelay intaas oo dhami waxay ku marqaati furayaan waxa laabta ku jira, indheergarataduna waxay tiri, haddii wadaygu ka labalabeeyo wadaygiis si geesinima leh ha uga feejignnaado, ilbiriqsiyada iyo gooraha uu marayana arrintaas ha iska baaro, haddii maladiisu rumowdana nabadgelyo buu helaa, haddii ay beenowdana go'aan hore buu u gaaray taasina wax dhibaato ah uma keento.
 
Diinkii buu markaa ku yiri; maxaa ku joojiyay maxayse tahay murugada iiga kaa muuqata?, waa adigan u eg wax isla hadlaya e'.

Diinkii: waxaan la murugoonayaa waa in aad aqalkayga tagto sida aan jecelahay si aan ahaynna aad arrintayda u aragto, maxaa yeelay naagtaydu way xanuunsantahay.

Daanyeerkii: waxba ha murugoonin, murugo wax kugu tari mayso e', ee raadso wax ooridaada baaniya oo daawo iyo cunto ah, maxaa yeelay waxaa la yiraahdaa, ragga hodonka ahi hantidooda afar meeloodba ha ku bixiyeen, deeqda, gooraha baahidu jirto, carruurtooda iyo xaaskooda.

Diinkii: waa runtaa, waxayse dhaqtarradu dheheen, baan aan wadne daanyeer ahayn ma laha.
 
Kolkaas baa daanyeerkii is yiri; tollahay, dadaal iyo hunguri waynin baa duqnima igu helay, intii aan uga dhacay hoog iyo wareer, runbuuna sheegay ninkii yiri; ninka hunguri iyo laab samaada, degganaan iyo nabad buu ku noolaadaa, kan dadaalka badan ee hunguriga waynina, inta uu noolyahay dhib iyo daal buu ku noolaadaa, aniguna maanta maskaxdayda baan u baahnahay, si aan u helo illin aan kaga baxo dabinka aan ku dhacay, kolkaas buu diinkii ku yiri; oo maxaad iigu sheegi waysay arritaas intii aan aqalkaygii joogay si aan wadnahaygii u soo qaado, maxaa yeelay tani hidde bay inootahay haddii aan nahay bah daanyeer oo marka qof naga mid ahi u baxo in uu waday soo booqdo wadnihiisa wuxuu uga soo tagaa reerkiisa ama aqalkiisa, si haddii aan eegno qofka aan soo booqanayno xaaskiisa aan u eegno annaga oo aan wadnaheenna sidan.
Diinkii: oo wadnahaagii xaggee buu hadda jiraa?.

Daanyeerkii: geedkii baan uga soo tegay ee haddii aad doonayso geedkii inoo celi, si aan kuugu soo qaado.

Diinkii arrintaas wuu u bogay, wuxuuna yiri, wadaygay wuu i afgartay aniga oo aan dhagrin, kadibna daanyeerkii buu halkii ula noqday, kolkii diinkii xeebta u dhawaaday buu dhabarkiisii ka booday oo geedkii fuulay, kolkii uu diinkii ka daahay, baa diinkii u yeeray oo yiri: wadaayow, wadnahaaga soo qaad oo soo deg dibbaad ii dhigtaye'.

Daanyeerkii: waligeedna, ma waxaad i moodaysaa in aan ahay sidii dawacadii ku andacootay in uusan dameer wadne iyo dhega lahayn.

----------dhamaad--------------------

Fiiro gaar ah wixi talo iyo Tusaale noogu Soo hagaaji sheeko@warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip