Macnaa gabaygu kala leeyihiyo jiriyo miidaane
Laysuma marduufee markaan miimka ka higaadsho
Masa'looyinkaygii haddaan maayada u laliyo
Haddaan maago maantaba inaan mariyo luuqdeeda
U meermeeri maayo tixaan meel dhaw ku ogaaye
Miyirsada anaa tu' aan yarayn idinku maashayne
Moqor malaha geeluba hadday mayayga waayaane
Maalkuba caleen kama heleen milicda dayreede
Anna waxan maleeyaan sidii milicda muujaaye
Miyirsada anaa tu' aan yarayn idinku maashayne
Miidaan la soo xidhay shirkuu rag isku maan dhaafo
Isagoo muxtaad loo yahay baan muunadayn jiraye
Markaasaan muquuno u baxshaa arar leh miisaane
Midh la yeerku goortuu bartaan kaygi meel dhigaye
Miyirsada anaa tu' aan yarayn idinku maashayne
Afartaa wax la iskuma maro e miim ma ka higaadshay
Maxlal hadalka wow odhan jiree ma u masa'lo sheegay
Malyan dheerta arartuu ahaa macallinkaygiiye
Mudanii Aflo iyo sidii Muxumad ma u yeedhshay
Micna micna kalana waa hadaladay muhatay laabtaydu
Sida Maxamadow mugul kaliil maangad lagu ooday
Oo mayay gu'oo hoora iyo maax biyo leh waydey
Oo waa mawaashiye saqdhexe maa ka tiri beesha
Madoobaadayey xalay miyay murugtay laabtaydu
Sida mayl ka soo baxay Hindia marinnadii Jaawa
Uu macallinkii weday xukumay mood in laga buuxsho
Oo maalmo badan soo dhexoo meel marso leh gaadhin
Oo minwaar quusaa u dhigay maynka lagu goosmo
Oo wixi makhluuqaad ku jiray maalku kala soormay
Madoobaadayey xalay miyay murugtay laabtaydu
Sida Naag ninkeedii mudnaa mowdku kala qaaday
Oo Macangeg liitaa u hadhay yeeshay meherkeeda
Oo inay ka meermeeriyaan magane doonaysa
Madoobaadayey xalay miyay murugtay laabtaydu
sidi carab macdaar wacan dhigtoo mihindisoonaaya
Oo maqayil xaafad tegay waa lagama maarmaane
Uu tuug musmaarrada guray uu taabay maqalkiisa
Oo aan milliim lagaga tegin mulug wuxuu haystay
Aan madhax dambiyo raasamaal meel ka dayanaynin
Madoobaadayey xalay miyay murugtay laabtaydu
Sida maahir geeloo diraac madax sare u boodday
Oo gubad magoolliyo tigaad nuruqle soo daaqday
Haddaan madoobow ratiga heeryo lagu miisin
Milmil iyo haddaan loo carrayn miridh xadhaadhowe
Midiix ololku waa gare hadday miridhna daynwaydo
Uu kala melmelo jeelku waa mehereddiisiiye
Ninkii maali jiray waa xaqiiq inay masoobaane
Madoobaadayey xalay miyay murugtay laabtaydu
Sida inan mabsuudoo rug wacan maalig ka abuuray
Oo oday masaa'ibi dhalay oo laga mildhaabaayey
Magri ma laha naago e hadday madda hayn waydo
Oo inay hablaa wada maraan milicda doonayso
Uu inan ku meeraysan jiray meel fog ka ilaaqday
Uu habar malcuuna u diray ooy moqodhinka u saartay
Oo aan ka maanicin wuxuu uga muraad yeeshay
Oo lays muwaafaqay kolkuu maya ka dhowraayey
Oo farakh makaankeeda galay madax wareeraysa
Madoobaadayey xalay miyay murugtay laabtaydu
Hadduu muruqa bowdadu ku go' waad makalntaaye
Ninkii midigta laga taabayow bidixdu waa maafe
Markaba daarka waxa loogu tolay meel ha joogsadoe
Waxa maraqa loo seesayaa maahir yay jiqine
Miraalaha hortiibaa guryaha layska moosaaye
Mareegtaaba loo sii guntaa maqasha nayloode
Ayaan hadalka muurmuurinine waxan ku maydaamay
Micnihiyo ujeeddada ninkii maaxiyaa garane
*Jiiftadan waxaan ka soo qaadannay buuggii uu qoray Boobe Yuusuf ee cinwaankiisu ahaa (Maasadii Timacadde) Wakaaladda Madbacadda Qaranka Muqdisho 1983kii.
*Afsoomaaliga lama kala badsho, hase yeeshee, ninkii garan waaya erayada jiiftada ku soo arooray qaarkood in uu nasoo waydiiyo waxba kuma jabna.
Wixi talo ah noogu soo dir sheekh@warsheekh.com
kala soco xubintaan Talaado walba Shabakada Warsheekh
Mac Macaanka Murtida Somalida iyo xubinti Todobaadka Gabaygii C/llaahi Suldaan Timacade
_________ "Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed"______ Waxaan Toddobaadkan ku soo qaadanaynaa: Jiiftadii Halkudheggeedu ahaa [Madoobaadayey xalay Miyay Murugtay Laabtaydu] Waxaa tirshay Allaha U naxariistee: Cabdullaahi Suldaan Timacadde: