Ciidamo ka tirsan DFKMS oo isugu jira boolis & milatari taba barana usoo dhamaadee

0
Monday July 14, 2008 - 10:09:43 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2769
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo ka tirsan DFKMS oo isugu jira boolis & milatari taba barana usoo dhamaadee

    War aanu ka helnay wasaarada-gaashaan-dhiga ee DFKMS ayaa waxaa lagu xusay in ciidamo farabadan ku soo fool leeyihiin dalka Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War aanu ka helnay wasaarada-gaashaan-dhiga ee DFKMS ayaa waxaa lagu xusay in ciidamo farabadan ku soo fool leeyihiin dalka Somalia.


Warkan oo ah mid aanan aad loo sii faah faahin ayaa waxaa lagu sheegay inay ciidamadaani ay ka soogalayaan dhanka Dowlada Ehtiiopia, gaar ahaan xuduudka uu gobolka baay la leeyahay Kililka shanaad ee ismaamulka somalida ee ethiopia, waxaana la sheegay inay ciidamadaana ay kusoo galayaan dalka safar dhanka Lug ta'ah(gawaari).

Mas'uul ka tirsan wasaarada-gaashaan-dhiga ee DFKMS oo uu xiriir la sameeyey warsidaha caalamiga ee mareeg.com xafiiskiisa baydhabo diidayna in magaciisa la sheego ayaa xaqiijiyey imaan shaha ciidankani wuxuuna ms'uulku intaasi raaciyey inay ciidankani ay isugu jira Boliis iyo Milatari.

Mas'uulka ayaa sheegay inay ciidamadani kusoo tababarteen wadama UGANDA&Ethiopia, wuxuuna
intaasi ku daray in ciidankani ay ka howl galayaan magaalada muqdisho.

Mus'uulka ayaa mar aanu weydiinay inta ay tirada ciidanka dhan tahay ayaa ku jawaabay"Waa howl ciidan oo lama sheegi karo balse waa ay badan yihiin" wuxuuna intaasi raaciyey inay ciidankani badankoodu kusoo tababarteen wadanka Ethiopia.

Mas'uulka ayaa sidoo kale ka gaabsadey inuu noo xaqiijiyo waqtiga ay dalka imaanayaan ciidankani wuxuuna sheegay inay iyaduna tahay howl milatari.

Ciidamada ku soo taba bartay wadanka ugandha ayaa ah kuwo u badan boolis waxayna soo gaareen wadanka ethiopia dhamaadkii bishii hore ee Juun, waxaana magaalada Addis ababa loogu sameeyey xaflado kaladuwan oo ay u sameeyeen jaaliyada somalida ee Ethiopia.

Wararkale oo hoose oo aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan inay ciidankani u badan yihiin ciidankii ka tirsanaa Guutadii Afraad ee bur burtay,kadib markii laga saaray magaalda xeebta kutaal ee kismaayo.


 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip