.
Akhritayaashada Qiimaha lahow maanta barnaamijkaynii xiisaha badnaa ee Kororso Aqoontaada, waxaan kusoo qaadan doonaa 10-kii Su’aaladood ee aan idin weydiinay Jimcihii lasoo dhaafay jawaabahooda.
1-Su’aal Sheeg Suuradda ay laba aayadood oo Sujuud ah ay ku jiraan?
1-Jawaab: Waa Suuratul Xaj.
2-Su'aal Sheeg Suuradda Aayadaheyda lagu sheegay Magaca (Yathrib) ee kamid ahaa magacyada Magaalaadda Madiina?
2-Jawaab: Waa Suuratul Axzaab.
3-Su'aal Sheeg Suuradda Dhamaan Aayadaheyda ku dhamaadaan Xarafka Siin?
3-Jawaab: Waa Suuratul Naas.
4-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhacay dagaalkii Qandaq?
4-Jawaab: Wuxu dhacay sanadkii 8-aad ee Hijriyadda.
5-su’aal sheeg Dhaqtaradii ugu horeysay ee Islaam-ka?
5-Jawaab: Waa Rufeydah Bintu Sacad.
6-Su’aal sheeg yaa-calanka u waday Dagaalkii Beder ciidanka Islaamka Guud ahaan?
6-Jawaab: Waxa u waday Muscab Bin Cumeyr.
7-Su’aal Sheeg Ninkii ugu horeeyey ee Islaam-ka laga dilay?
7-Jawaab: Waa Camar Bin Yaasir.
8-Sheeg Sheeg Sacad Ibnu Maalik imisa axaadiis ayuu Nebiga (NNKH) ka wariyey?
8-Jawaab: Wuxu ka wariyey 1170 Axaadiis.
9-Su’aal Sheeg halka uu ku dhashay Sayid Maxamed Cabdule Xasan?
9-Jawab: Wuxu ku dhashay Tuuladda Sac-madeeq ee degmada Buuhoodle.
10-Su’aal Sheeg halgankii Axmed Gurey uu kaga soo horjeeday Xabashida sanadkii u dhamaaday?
10-Jawaab: Wuxu dhamaaday sanadkii 1542-kii.
Dhextaal Gaaban
Haddii aad tahay qof cusub, doonaayana inuu kamid noqday bahda ku taxan barnaamijkaan xiisaha badan ee Kororso Aqoontaada Su'aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud, la-xiriir baashi053@hotmail.com si'aad u heshid casharadii horey ku dhaafay. Anagana waxaa
ku balan-qaadeynaa inaad hesho wixii horey ku dhaafay Insha'Allah.
Kororso Aqoontaada Su'aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud...
Waa barnaamijkii aad inooga barateen Maalin walbo oo jimca ah, Wuxuuna xanbaarsan yahay macluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso