Xalad nolol xumo oo ka taagan magalada Dhusamareeb

0
Sunday January 17, 2010 - 12:45:09 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xalad nolol xumo oo ka taagan magalada Dhusamareeb

    Dadkaan ayaa ah kuwii dhawaan ka barakacay magaalada dhusamareeb ayaa xiligaan waxa soo wajahay xalad nolol xomo tii ugu darneed, waxayna sheegtay in loo baahan yahay in dadkaasi ay helaan gar gaar Bini'aadanimo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadkaan ayaa ah kuwii dhawaan ka barakacay magaalada dhusamareeb ayaa xiligaan waxa soo wajahay xalad nolol xomo tii ugu darneed, waxayna sheegtay in loo baahan yahay in dadkaasi ay helaan gar gaar Bini'aadanimo.



 
Waxa ay ku nool yihin dadkaasi duleedka  magalada xarunta u ah gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb kuwaas oo ay fara ba’an ku hayaan  Gaajo, Oon, Qorax iyo Dhaxan.


Dadkani waxa ay isugu jiraan Haween, Caruur iyo dad  Wayeel ah, waana dad aney jirin wax daqaale ah oo ay gacanta ku hayaan taas oo ay ugu samata bixi karan dhibatada soo wajday sida ay inoogu warbixisay .xiriiyaha  ururka sswc ee degmada Dhusamareeb ee Gobolka Galgaduud Xawo Cabdulle Barre oo tagtay goobaha dadku ku barakaceen.
 
Qaar ka mid ah dadkaan ayey  noloshood horay ugu xirneed ka xoogsiga suuqa taas oo hada gabi ahaan aysan suurta gal  u ahayn marba hadii  ay joogaan meelo ka fog goobihii ay ka xamaalanayeen taas oo sababo u ah dagaalada ka dhacay magalada Dhuusamareeb ee ay ku noolaayeen.
 
dagaalada Soomaaliya ayaa inta badan ah kuwo saameyn ku yeesha Haweenka iyo Caruurta Soomaaliyeed ee ku nool gobolada  dalka Soomaaliya kuwaas oo ah dhibanayaal aysan jirin cid uga naxda dagaalada dushooda ka dhaca had iyo jeeraale mudooyinkan danbe.
 
Ururkan SSWC ayaa sheegay in ay dadkan ay u baahan yihin cawimaad deg deg ah si loo samata bixiyo Hawenka iyo Caruurta ku dhibsteysan daafaha magaladaasi, Xawo C/lle ayaa sheegtay in gooboha dadkani u barakaceen ay muddo 4-sanno  ku dhawaad ah ay wax roob ahi ku da’in geedihina ka qalaleen.
 
Ugu danbeyn xiririyaha ururka SSWC Xawo C/lle Barre aya shegatay in dadkan hadii aysan  helin muddo isbuuc gudihiis kalmo Bini’adanimo ay halis badan soo wajihi karto, waxa kaloo ay Illahey uga barisay in uu bad badiyo dadkani marasta ah ee dhibaataysan.

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip