(Nasashada Jimcaha) Qiimaha Wakhtiga Ilaahay Na Siiyay & Qadarin La'aanteena!!

0
Friday August 29, 2008 - 12:10:27 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (Nasashada Jimcaha) Qiimaha Wakhtiga Ilaahay Na Siiyay & Qadarin La'aanteena!!

    Waa markale iyo Maqaalkeeni aan ugu magac darnay Nasashada jimcaha oo Jimco waliba aan idinku soo bandhigo Qormada Nasashada oo aan ugu talagalnay in ay Aqristayaasheena kala qeyb qaadato Nasiinada Siidul Ayaamka (Jimco)..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa markale iyo Maqaalkeeni aan ugu magac darnay Nasashada jimcaha oo Jimco waliba aan idinku soo bandhigo Qormada Nasashada oo aan ugu talagalnay in ay Aqristayaasheena kala qeyb qaadato Nasiinada Siidul Ayaamka (Jimco)..


 

Bismi laahi. (inalxayaata Daqaa"iqun wasawaanin)(Nolasha oo dhan waa daqiiqado & ilbiriqsiyo)

Ma'ogtahay walaalkayga akhristaha ahaw in Wakhtigaagu yahay shayga ugu qaali san oo aad haysato, ma daree'san tahay inaad haysato Sanado, Saacado, Daqiiqado iyo ilbiriqsiyo tirsan, oo hadii ay kaa dhamaadaan aadan helayn ruux si kaste oo uu kuu jcelyahay ama aad u jeceshay kusiiya xataa hal ilbiriqsi .?

ma ogtahay inaadan wakhtiga joojin karin, dibna u dhigan karin badalina karin oo aadan lahayn wax khiyaar ah inaad wax fiican kuqabsato mooyee?

ma'ogtahay inuu yahay Nicmo ilaahay ku siiyay isla markaana ah shayga ugu horeeya oo ilaahay ku waydiinayo markaad hor istaagto maalinta Qiyaamaha, sida Nabigeenu ku yiri xadiis Naxariis iyo Nabad galyo korkiisa ha ahaateeeee ( kama
suulayaan adoon labadiisa Gomadood Maalinta Qiyaamaha ilaa laga waydiiyo 4shay oo kala ah Cimrigiisa wuxuu ku tagsiiyay Dhalin yara'nimadiisa wuxuu ku duugaysiiyay,maalkiisa meeshuu ka kakeenay iyo meeshuu ku bixiyay,cilmigiisa wuxuu uga camal falay.)

hadaba sida xadiiska ku cad Ruux kaste ilaahay wuxuu siiyay wakhti xaddidan waxaana lagula xisaabtamayaa wakhtigaas wixii uu ku qabtay. marka ruuxii uga faa idaytsa wakhtigiisa wax anfaca aduun iyo aakhiro waa ruuxa liibaanay, Ruuxaan u daymo lahaan ee dayacay wakhtiigisana waa khasaaray jawaabna ma hayo maalintaas khasaaro allahaa naga koriyeeh marka walaal yaal soo muhiim maahan inaan wakhtigeena aanaan dayicin oo aan uga faa idaysano sida ugu wanaagsan dabcan jawaabtu waa haa maadaama nolasha oo dhan yahay daqiiqado iyo ilbiriqsiyo!

Sidee wakhtigaa uga faa idaysan kartaa?

Macnaha ka faa idaysiga wakhtigu waa inaan wakhti kaa lumin isla markaan aadan howl dayicin ee aad isku miizaanto sida ugu haboon taa waxaa ku gaari kartaah sida soosocota :

1. taxliil al wakhti) oo ah inaad wakhtigaaga u xisaabiso si aad daqiiq u ah adoo isticlaamaya nidaamka jadwalka tusaale usbuucii waxaad haysataah 168 saacadood bishiina waxaad haysataah 720 saac markaaad saad u cadayso saacadaha aad haysato waxaa muhiim ah inaad qorato Howsha aad rabto inaad wakhtigaas ku qabato iyo sida ay ukal muhiim san tahay.

2. marka xigta waxaad samaynaysaa qorshaynta wakhti kaste iyo howshiisa,tusaale imisa saac baad ilahay caabudaysaa immisaad shaqaynaysaa imisaa wax baranaysaa imisaa hurdaysaa iyo wixii la mid ah adoo maskadaada ka saaraya waxa aan micno badan lahayn hadana wakhti muhiim ah lumiya sida hurdo badan TV.NET iyo sheeko badan waa inaad iska ilaalisaah khiyaali oo aadan qorshayn wax aadan qaban karin taas oo hadhow fashil iyo niyad xumo kuu keeni karta..

3. (fulinta waxaad qorshaysatay) Runtii wax micnaa ma leh qorshayn iyo qalin wax lagu qoro hadaan fulin la helin sidaas daraadeed hadaad rabto inaad gaarto guulo dag dag ah nolashaada waa inaad isku daydaa inaad fuliso howsha aad go'aan satay si kaste oo ay u adag tahay waa inaad is bartaah ku dhaqmida waxa aad dagsato waxayna u baahan tahay go;aan adayg iyo samir ogowna ma jiraan wax si sudfaa lagu gaaro.kana saar maskaxdaada raaxo jecli aan meel ku gaarsiinayn iyo wahsi badan.

4. Qeymaynta qorshahaa usbuuc kaste ama biul kaste saad rabaty ma u socdaa misa waa fashilan yahay ma qorsha macquul ahaa misa

laab lakac iyo jacayl baa ku qaaday ee suurta gal maahan misa wakhti badan baa soobaxay oo aadan qorshayn.

waxaa hubaal Tilaabooyinkaas hadaad raacdo sida tahayn u fuliso inaad dareemayso is badal dag dag ah.

TALO SIIN.

Hadaan rabno inaan wakhtigeena si fiican uga faa idaysano waa inaan tix galin siinaa qodobada soo socda:

1. Jooji sida ugu dhakhsaha badan nidaamka loo yaqaan (taswiif Biriyeen) yacnii dib u dhigid howl kaste iyo biri baan qaban doonaa hana u dibdhigin howl maanta aad qaban karto biri ogow'na waa furaha wahsiga iyo fashilka xayaatada.

2. ku dar qorshahaa waxyaabaha kadis ku dhic kara siina wakhti ugaar ah .iyo waxyabha ijtimaacigaa ee daruurigaa.

3. iska ilaali sxb.timada dad aan wakhtiga tix galin siin.

Gabo gabo

Waxaa hubaal ruxii wakhtigiisa saan uga faa idaysta inuu gaarayo guulo waa wayn oo lama filaan ah nolashiisa, asaagiisna uu ka hormarayo.taas oo keenta hor marka bulshada oo dhan mana jirto bulsho Hor'umartay ilaa wakhtigoodey ka faaidaysteen Bulshadii bur bursan sideenoo kalana walkhtigaan xisaabta ugu jirin!!!!!!!.

Ruxii wakhtiiga ka faa idaysta wuxuu helyeaa sacaada nafsia farxa iyo dareen wanaagsan, halka ruuxa wakhtigiisa lumiuya murugaysan yahay inta badan.

Marka akhristaha qaaliga ahow wixii tagay tage aan hada ka wada faa idaysano wakhtigeena si aan aduun iyo aakhirba u liibaano.

W.Q. Muxiyadiin sheikh C/Laahi,
E-Mail
Muxiaydiin8@hotmail.com

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip