Kadib kulan dhawr saacadod qaatay oo ay magaalada Addis-Ababa ku yeeshen madaxweynaha dawqlada KMGS Sh, Sha,Axmed iyo Ra’isal wasaaraha wadanka Ethiopia Meles Zenawe ayaa waxay kaga wada hadleen arrimaha amaanka wadanka Somalia.
Meles Zenawe ayaa waxaa uu u sheegay warbaahinta kadib kulankii uu madaxweynaha Somalia la qaatay in xalka Somalia lagu xalin karo oo kaliya in tilaabo Millitery loo adeegsado xoogaga dawlada ka soo horjeeda oo uu shegay inay dhawr mar diideen inay wada hadal la galaan xukuumada KMGS.
Ra’isal wasaaraha Ethiopia waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in xoogaga Somalia ka dagaalama ay yihiin kuwo xiriiro la sameysanaya ururka Al-Qaida ee uu hogaamiyo Sh, Osama Bin Laden waxaana uu intaa ku daray in ujedkoodu yahay inay wadankaqabsadan sida uu hadalka u yiri, waxaana uu madaxweynaha DFKMGS uu ku dhiiro galiyay im dawladiisu qaado tilaabooyin ay amaankawax uga qabaneyso, waxaana uu intaa raaciyay in qalalaasaha Somalia ka jira ay ka dambeeyaan xoogag uu ku shegay inay xiriir dhaw la leeyihiin wax uu ugu yweeray inay argagixiso yihiin.
Dawlada Ethiopia ayaa ciidamadeeda Somalia u so dirtay sanadii 2006,da iyagoona markii ay gudaha Somalia u soo galenna ay weeraro xoogan kala kulmeen xoogagii Maxkamadaha oo uu xilligaasiu hogaaminayay madaxweynaha xilligaan ee dawlada KMGS Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Mila Sanawi oo markale ku cel celiyay Xaalada Somaliya in ay ubaahantahay Talaabo Militari