Xasan Daahiroow Calaacal Col kaama Celiyo (By: Asad Cali Axmad)

0
Thursday February 04, 2010 - 13:19:55 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 850
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Daahiroow Calaacal Col kaama Celiyo (By: Asad Cali Axmad)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus


Xasan Daahir waa Oday waayeel ah oo aan ku waansamin Cilmiga iyo waayo aragnimada uu ka kasbaday noloshiisa, maxaa yeelay waxaan maqalnaa Callaacal joogta ah oo marba kasoo yeera kamana guul keeno caqabad walba oo hortimaad, laakiin waxuu caado u leeyahay inuu muujiyo inuu yahay Hogaamiye Mowqif adag oo aan la loodin karin, taase waxaa muuqata in ay meesha kasii baxeyso maalinba maalinta ka dambeysa.
 
Xasan Daahir dadka qaar waxuu isugu muujin jiray waagii Maxaakiimta inuu yahay Hogaanka kala wada Maxaakiimta waxuuna si cad dadkii kulamada la qaatay ugu sheegi jiray inuu yahay Hogaanka ugu sareeya Maxaakiimta, waa markii uu ahaa Gudoomiyihii Shuurada, waxa uuna waagaas ka badin waayay inuu Guri-ceel iska Fadhiisto oo uu Beelaha Goboladaas kaaba Qabaailkooda u Xoolo qalo.
 
Markii Asmara la tagay ee uu maqlayna in Did loosii Caleemo Saaray Sh shariif waxaa uu bilaabay Hardan kusoo gabagaboobay inuu sheegto inuu xilka ka qaaday Sh shariif Eryayna, kuna badalay Dr Cumar oo uu islahaa waa Masaar aad ku kasban karto Ciidamadaii faraha Badnaa ee Maxaakiimta abuurtay taasna waa uu ku hungoobay, waxeyna ka furasan weyday inuu naf ahaantiisa Sheegto inuu kala wareegay xilka Dr Cumar markii ay ka hor yimaadeen Beelihii laga filaayay taageerada ugu badan in ay Xizbigiisa u noqdaan.
 
Hadaba maxaa ka dhashay is magaacibitaanka Xasan Daahir inuu yahay Gudoomiyaha Xizbul-Islaam oo aan aheyn inuu Calaacal iyo Ciil ku hadaaqo maalin kasta iyo hadalo aan mira dhal laheyn oo uu la galay Alshabaab oo la ogyahay in aysan ku qancin wax aheyn in la raaco oo lagu milmo.
 
Lagasoo bilaabo Maalintii uu Dalka yimid Bool uun baa sii jaba Ciidamadiisiina waxaa la dhaafiyay Xuduudaha waxaana kasoo yeera hadalo jiljilcan xataa hadii lagau daro hadalkaan ugu dambeeyay, waloow uu labis Milatari soo gashaday, laakiin muxuu soo kordhin karaa Labis hadii ay Ciidamadiisii kala noqdeen kuwo la dilay, kuwo la Xabistay, kuwa Xuduudaha laga tilaabiyay, iyo kuwo nafta ku kaliftay in ay ku biiraan Alshabaab?.
 
Jawaabtu waa waxba!, laakiin waxaa laga yaabaa inuu ula jeeday markan inuu asaga Hogaamin doono Dagaalka dhex mari doona kooxdiisa iyo Alshabaab, taasoo macnaheedu yahay waa saacadihii ugu dambeeyay Xizbul-Islaam iyo Xasan daahir ee Saaxada Soomaliya, waxaana dad badan aad u sugaayaan maalinkaas inuu imaan doono taasna ay tahay qeyb weyn oo soo dadajineysa Jidka dheer ee loo mari doono Xalka nabada Soomaliya, waayo waxaa si toos ah isugusoo hari Doona Doowlada Soomaliya oo damacsan talaabooyin wax ku ool ah in ay u qaado xaga nabada iyo Alshabaab oo Cadeystay inysan aheyn Soomali ee ay gacan kale u adeegaan Ciidana u yihiin.
 
Marka waxaa kulan talin lahaa Xasan Daahir hadii uu doonayo dagaal uu lagalo Alshabaab oo natiijo keena uma furna wax aan aheyn inu Doowlada ku biiro, hadii uusan Dagaal Dooneyna waxaa la yaab leh waxa uu u xertay Dharka Milatari oo uu u eedeynayo Alshabaab maadaama ay si cad ugu xoog sheegteen?!!
 
Waxaan ku soo gabagabeynayaa : Xasan Daahiroow waxaan dadku qaar moodeen mise waxaad noqatay mise waxaan loo noqon Doonin!!.

Waxaa dad badan moodeen Hogaamiye hal adag oo aan la loodin karin, Wuxuuse noqday Ciil iyo Calaacal ma daaye, waxaanse loo noqon Doonin in mar dambe wax la moodo goodi aan dhamaan iyo guuguul aan Cawga lagala hortagin.
 
Waxaa diyaariyay Asad Cali Axmad
asadcnx@hoitmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip