Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay wiil iyo gabar uu jaceyl ka dhaxeeyey kuwaasoo isla gaaray ilaa heer guur balse ku kala tagay si’aanan wanaagsaneyn. Lamaanahaan ayaa waxaa lagu kala magacaa Mustaf iyo Nasra. Mustaf ayaa xiriir lasoo sameeyey wariyayaasha Barnaamijka Isha Dhacdooyinka Caalamka, isagoo inooga waramay sidii ay wax u dhaceyn. Waxayna ku bilaabaneysaa sidatan.
Waxan ku dhashay degmada Baraawe ee gobolka Shabeeladda Hoose, sanadka markuu ahaa 1980-kii, waxaan kusoo bar-baaray magaaladda Baraawe, nasiib daro waxbarasho fiican maanan ka helin dalkayna Soomaaliya iyadoo ay ugu wacneyd dagaladdii sokeeye.
Sanadkii 1996-kii ayaa waxaa tagay dalka Kenya, anigoo u tagay inaan kasii dhoofo. Sidoo kale waxaa Kenya ka bilaabay shaqo ku saabsan tolida dharka. Xilligaas waxaan bartay gabdho aad u fara-badan balse gabdhahaasi waxaa kamid aheyd Nasra. Nasra waxay aheyd gabar aad u kibir badneyd iyadoo aad moodo in’ay wax dheer tahay gabdhaha Soomaaliyadeed. Sidoo kale Anna waxaan ahaa nin kaftan badan oo fur-furan, dadka qaarna waxay igu tilmaami jireyn inaan ahay nin aad u qurxoon, waloow quruxda loogu tala galay haweenka.
Nasra waxay imaan jirtay goobtii aan dharka ku toli jiray, iyadoo si’aad ah iga heshay. Nasiib daro xilligaas sida aan maanta u isticmaalno teleefanada looma isticmaali jirin.
Aniga iyo Nasra si wanaagsan baan isku baranay, inkastoo ay barashadayna ku saleysneyn qaab walaaltinimo ah. Balse taasi waxay isku badashay jaceyl dhab ah kadib markii aanu iska helnay.
Nasra dadka kale waa ay u darnaan jirtay balse aniga waxay ii aheyd mid aad u macaan, mid aad u dagen taasoo ay ugu wacan tahay jaceylkii faraha badnaa ee ii qabtay.
Mudo aanan sidaasi u sii dheerayn Nasra waxaa soo doontay wiil ay qaraaba ahaayeen inkastoo ay iyana ku gacan saartay.
Maalin maal-maha kamid ah ayaa waxan xasuustaa Nasra in uu soo doontay mid kamid ah ganacsatadii Soomaaliyadeed balse caanka ka ahaa magaaladda Mombassa, in uu ku yiraahdo Nasra waalidkayda waxaan idinka doonaayaa Nasra. Waalidkii dhalay Nasra ayaa waxay ku yiraahdaan dhawr jeer waad diiday rag fara-badan oo kusoo doontay balse ninkaan sidee u aragtaa mise waa caadadaada inaad diido nin walba. Halka ay Nasra ugu jawaabtay hooyo aniga nin dooni maayo ee arag ninka kaliya ee aan kuu-keeno. Hooyada dhashay Nasra ayaa waxay ku tiri habaar ama duco mid dooro, hase ahaatee Nasra waxay aheyd gabar madax adag iyadoo waalidkayda ku tiri ninka aan guursanaayo adinka iima soo dooqeysaan ee aniga ayaa soo dooqanaayo, haddii aad taasi xujo iga dhigeysaan iskakay habaara oo habaarka baan qaadanaayaa intii madaxa la’i-gelin lahaa nin aanan dooneyn.
Si walba oo ay Nasra u dabeecad kululeed anigu waxay ii aheyd mid sida barafka oo kale ah.
Bilowgii sanadkii 2002-dii ayaa Nasra waxay nasiib u yeelatay in’ay hesho sharcigii ay ku tagi laheyd dalka Maraykanka. Balse aniga waxay i soo bandhigtay inaan guursado weliba qaab hoose oo aan la-ogeyn. Hase yeeshii waan ka diiday, balse Madax adeega Nasra ayaa wuxuu sabab u noqday inaan mahersado, weliba qaab hoose oo aan cidna ogeyn.
Waxay tagtay dalka Maraykanka waxayna bilowday waxbarasho iyo shaqo, sanadkii ugu horeeyay habeen aanan ismaqlin maba jirin, waxaa kaloo dhici jirtay in’ay si wanaagsan iigu biili jirtay dalka Kenya. Balse sanadkii labaad taasi maysan dhicin oo waxay bilowday in’ay iga gaabsato, mar walbo oo aan weydiiyana waxay igu jawaabi jirtay
This is U.S.A not Kenya (Halkani waa maraykanka ee maaha Kenya). Waxan ku irri maxaa iga galay waxay doonto ha-noqotee ?waxaa tahay xaaskayga waxaan ahay ninkaaga ee i sheeg sida ay wax u jaraan, oo xaq baan u lee-yahay wax walba oo noloshaada kusoo kordha inaan ogaado. Hase yeeshee waxay jawaab iiga dhigtay Now Im A busy (hada waan mashquulsanahay ).
Dabadeed waan yaabay wax aan dhaho ayaa garan waayey.
Balse 24 saac kadib ayaan wacay waxan islahaa daji bal haddii ay ku qaboobeyso. Nasiib darose taasi maysan dhicin oo hadal aanan ka malaysanayn bay igu tiri oo muxuu ahaa? Walaalow waxaan rabaa inaadan igu adkeenin dalaaqdayda ee ii fududey. Waayo Nin iga dheer waxba u sheegi maayo. Durbadiiba waan ilmaayay oo maxaa u ilmeynaayaa? Sababtoo ah waa naftayda oo aad baan u jeclahay, dadka qaar waxay igu dhihi jireyn jaceylka aad u qabto gabadhaan jaceyl waa mooday ee nin yahow Qur’aan isa saar.
Iyadana waxay jawaabtayda ka dhigtay nin iga dheer waxba u sheegi maayo. Taasi xaq Alle miyaa?
todobaad kadib waxaa i soo wacday Nasra habaryarteed oo iyadana ku nooleyd dalka Maraykanka waxay igu tiri ‘haddii aad inoo furi weydo gabadhayna meeshii aad geli laheyd sii diyaarso”
Wax walba waan sameeyay oo aan ku difaaci karo jaceylkayga balse Nasra ayaa aad igu xumeysay, iyadoo i dhihi jirtay waa kuu-dan inaad iskakey furto.
Waxaan ku dhahay waxa aan ahay waad ogayd, ninkaagana inaan ahay waad ogtahay
Maanta maxaad sidaan igu rafaadineysaa soo qof Islaam ah matihid. Waxaan islahaa xooggaa waa ay ku naxariisan doontaa laakin taasi waxay noqotay riyo oo waxay markii danbe ku guuleysatay inaan furo, bacdamaa ay aad ii dhibtay. Hadda waxaan ahay nin iska bukaan socod ah, gabdhaha Soomaaliyadeed-na waxay noqdeen kuwo ku gal galsha wiilasha Soomaaliyadeed, waxaana ugu baaqayaa in’ay wax ka badalaan dhaqankaan foosha xun ee hada lasoo baxeyn. Mustafa ayaa intaasi kusoo gaba-gabeeyey qasadii naxdinta laheyd uu kala kulmay xaaskiisa Nasra.
Hadaba waxa fursad siineynaa dhalinta Soomaaliyadeed bal in’ay kasoo kala dhiibtaan wixii fikrahadooda ah anagoo gaarsiin doona Mustaf Insha’Allah.
Cidii dooneysa inay la-xiriirto wariyayaasha Barnaamijka Isha Dhacdooyinka Caalamka waxay kala xiriiri karaan wardoon114@hotmail.com ama wardoon114@live.com
Xasan Cadde
Isha Dhacdooyinka Caalamka
Laacib143@hotmail.com
Gabar Mucaashaqad aheyd oo Xiriirka u Jartay Ninkii ay ifka Ugu Jeclayd