Intaadan Is Aqoonin Cidaad doontaba Ahaaw (By: Dr.Ali. A. Hirabe)

0
Monday February 08, 2010 - 14:44:02 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Intaadan Is Aqoonin Cidaad doontaba Ahaaw (By: Dr.Ali. A. Hirabe)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

 

Taariikhdu ma duugawdo, hadii dadka qaarkiis is diidsiiyo ama dafiro iyada ayaa dib isu qorta oo u soo noqota, haddii aad fiiriso waxa aan soo marnay xornimadii ka hor iyo ka diba waxaa quman in aan taariikhda ku waano qaadano si eey noo saxdo oo aan u noqono umada soo celisa taariikhdeeda,

Dalkaani taariikhdii uu mudulood ka soo qaatay waxaa tirtiray kuwa maanta isku sheegaya in eey yihiin hogaan mudulood,waagii hore umada waa eey is-haaysatay oo waxaa jiray heshiis bulshadeed (social contract) aragtiyada hishiiska bulshada waxaa fikirkeeda hormuud u ahaa oday dhaqameedka iyo culumada u dhalatay bulshadaa meesha kuwada nool, heshiiska waxaa saldhig u ahaa in la helo hogaan maamul oo u soo taagnaa in eeyan isku xadgudbin bulshada dhexdeeda ama xadgudub ka baxsan bulshadaa,Heshiiskaas micnahiisu wuxuu ahaa hadii aan nahay shacabka Mudulood waxaan diyaar u nahay inaan xorriyadeena u dhiibano qaarkeen kuwaas oo aan wax kale qaban danteena maahine, qidmadooda iyo waxa eey naga difaacayaan waxaa bixinaya shacabka eey madaxda u yihiin. Hadaan nahay shacabka waxaan hogaankaa iyo maamulkiisa ka rabnaa nabad, cadaalad, sinaan inaan la isku gardaroon marka uu hogaanka xumaadana aan u noqono Ilaah iyo sunada nabigeena maxmed (SCW) si aan isku saxno,waxaa eey bulshada aaminsaneeyd xiligaa in leeys faro xaqa xumahana leeyskaga digo.
 
Waxaa xusid mudan in aan wax ka sheegno hogaankii mudulood sida uu u lahaa sharaf iyo xushmada ( immunity and prevellege ) waxaa eey ahaayeen kuwo lagu soo dhaweeyo meelwalba, loo istaago, loo adeego, la maqlo, waxaa eey ahaayeen kuwa sida qidmada dowladnimo haya, wax ka qabta xaga difaaca, dhaqaalaha, siyaasada iwm,suaashu waxaa eey tahay xagee ayeey ka heleen sharaftaas iyo awoodaas ?

Runtii intaas oo dhan waxaa eey ku heleen sharaftaa shacabka eey ka dhasheen. waxaa jiray rag aad u faro badan oo runtii aan halkaan lagu soo koobi karain oo runtii ahaa kuwa bulshada dhibkeeda iyo dheefteeda sheegi jiray wacyi gelin jiray kuwa xukunka u haayana u sheegi jiray xumaantooda iyo samaantooda, sida Faarax Sefeey, Faarax Gololeey,Cabdulle Raage iwm

waxaan jeclahay in aan halkaan ku xuso in mudulood uusan weligiis noqon qabaan ama adoon u adeega umad kale, Faarax Seefey waxaa uu dhahay: Faceey Food u Xiiri Maa FalFal Abkeey Falaan Falaa oo runtii la macno ah in leeygu shaqeeysto ma rabo oo aan adoon u noqdo balse adoonimo waxaa ii dhaanta in aan fasho goofki awooyaasheey.Kuwa al-shabaab ka tirsan xiligaan waa shaqaale u shaqeeyan Bin-Ladin hadafka iyo goolka ugu danbeeyana waa gumaadka shacabka eey ka dhasheen sida oo kale xisbul sheeydaan.
 
waxaa uu dhahay:Tanyo Tacdaad Minaad Tagteen Tacab Talaaya Maaragteen,oo uu ulla jeeday dhulka mudulood nin aan mudulood aheeyn oo xukumaa ma aragteen, waxaa waagaa jiray in si xigmad ah wax leeyskugu sheegi jiray,maanta ma jirto waxaanse aad ulla dhacay markii uu dadkiisa ka daalay in uu ku waaniyo wanaaga xumahana la diido waxaa laga hayaa abwaankaa in uu ugu danbeeyn dhahay: Intaadan is aqoonin cidad doontaba ahaaw waxuu ogaaday in umada la kala wato sida maanta eey ka muuqato siyaasada Mudulood,qaar waa al-shabaab qaarna waa xisbul sheeydan kuwana waxaa eey taageersan yihiin dowladnimo.Haddaase is aqoonsataan hal ayaad noqoneeysiin.

Gabogabo

Waxaan ku soo gaba gabeeynayaa kuwa taageersan Al-shabaab ” Fuaad shongole iyo Godane ” oo runtii cadeeysatay in eey ku xiran yihiin Al-Qacida iyo kuwa walaayada Xamar sheegta ee Mudulood in aad dib isku fiirisaan ogaataan siyaasada foosha ee u adeegeeysa shisheeyaha runtii aadka ugu fog maslaxada umada iyo mida qaranka somalia in aanan guul lagu gaareeyn hadafka Bin-Laadin balse sabbab u noqon karta burbur umadeed iyo mid qaranimo, Fuaad Shongole oo ka mid ah horjoogayaasha ururka Al-Shabaab ayaa ka dhawaajiyay in ururkoodu hoos yimaado isbahaysiga argagaxisada Caalamiga ee uu Madaxda ka yahay Usaama Bin Laadin. fuaad Shongole ayaa ku baaqay in muslimiinta geeska Afrika laga xoreeyo waxa uu ugu yeeray gumaystaha kirstanka isla markaana tilmaamay in howl galadooda oo dhan ay si toos ah u hoos imanayaan

Sh Usaama Bin Laadin Mudulood Bin-Ladin hadafkiisa in lagu qaldo waa burbur iyo baaba umadeed waxaan dhihi lahaa kuwa ka midka ah ururkaa al-Qaacidad la shaqeeya fadlan ogaada waxa umada aad ka dhalateen loo gumaadayo in eey tahay fikir guracan oo aanan guul laga soo hooyn karin. horay ayuu Amiirka ugu sareeya Xarakada al-shabaab ee Axmed Godane u sheegay inay yihiin Askarta sh.Usaama ayna ku shaqeeynaayaan hadafkiisa Bin-laadin.

 Ugaas Maxamed Weli Afhayeenka Beelaha Daarood ahna Ugaaska Beesha Sede oo jimcihii dood kaga qeeyb qaata Hornafrik Radio waxaa uu si caqliga aadanaha ka baxsan ku dhahay waxaan la dagaaleeynaa USA,Rushaka Un-ka aduunka inta gaalada ah sow akhristow ma muuqato in hadafkaa uu aad u guracan yahay iyada oo la ogyahay in uu ka midka ahaa ragii Eriteria maganta u ahaa xiligii isbaheeysiga Asmara alow sahal umuuraha.

Waxaa maanta na hor yaal laba daran mid dooro umada somali waxeey ila tahay in eey cod dheer ku diideen Al-shabaab hadafka guracan eey qaateen ee ah waxaan ku xira nahay Al-Qaacida balse umada somalia waxeey jeceshahay in eey taageerto hadafka ah qaranimo iyo dowlad ku shaqeeysa hadafka nabada iyo wada jirta umada somali,umada somalia waxeey si xornimo ah ugu nooshahay aduunka daafihiisa waxeeyna aaminsan yihiin in Al-shabaab eeyan maslaxad u soo wadin dalka,dadka iyo diinta umada somalia.
 
Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip