
Waraka ayaa waxa ay ay sheegayaan in ay dadkaas ay ka soo raaceen gaari wayn o UD ah waxa uuna geeyay meel bartamaha ka ah saxaraha oonleeyda ah kadibna ay baarteen nimankii waday ee sudanese ka ahaayeen iyagoo daadiyay maalintii 10 aad kadib billowgii safarkooda,
Waxa ay ka qaateen dhamaan wixi sahay u ahaa inkastoo sahaydu ayba markii hore gabaabsi ahaayeen nasiib wanaag waxaa u yimiday ayagoo nafta ku dabayartahay gaari lancruser ah oo darbaal uu ku dadan yahay oo ay soo direen nimankii markii horebe muqalasiinta ka ahaa,waxa uuna ka yimid dhanka libya
Tirada muhaa jiriinta soomaliyeed waxa ay soo raaceen gaarigii iyadoo tiradooda ay gaarayso 57 qofood oo wiliba kuwa tabarta daran la dhigay sakxadda gaariga,mar aan la hadlay mid ka badbaaday oo soo gaaray libya ayaa waxa uu ii sheegay inuu arkay qaar la tuuray iyaga oo nafta ku daba yartahay, waxa kaloo noosheegay wiilkaan inuu gacantiisa ku duugay sadax kale oo ay markii horebe iska soo raaceen wadanka south africa,
Wiilkaan aynu ku wareeysanay qadka taleefanka ayaa xattaa fahmi kari waynay codkiisa waxaan waydiinay hooyadiis magaceeda waayo waxaa gaaray dhib aad u fara badan dhaqaatiir joogtay isbiltaal uu ku jiray wiilkaan nayaa noo sheegtay wiilkaan inuu qaarka dambe ka yahay mid aad u baaba,san,nasiib darrese shalay oo axad ahayd ayaa wilkii ku jiray cisbitaalka oo bukaanka ahaa ayaa asna ku timiday tii rabbi innaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun
aniga oo bakistaan ah waxaan ka aqaanaa afar wiil oo aan kawada shaqayn jirnay isku magaalo magacyadoodane waa sida tan:
1 awees jaciir (malafaayo) oo la aasay
2 cabdi maxamed cismaan oo la aasasay
3 awees xuseen rooble laga tuuray gaariga asaga oo ay nafta ku dabayartaha 4 xuseen maxamuud makaraan (dhagaweyne)
Marxuumkaan afaraad waa midkii ku dhintay cisbitaal ku yaalo xadka libya ay la wadaagto saxaraha sudan waana wiilkii aan ka soo xiganay sida ay wax u dhaceen asagoo xattaa ay dhib badan tahay in la fahmo codkiisa
Warar kale ayaa axa ay sheegayaan in lugu arkayay saxaraha dhaxdiisa maydad fara badan oo aan xataa asturneeyn oo daadsan saxaraha dhaxdiisa hadaba waxaan eebihii na abuurtay ka baryeenaa inuu dhamaantood ka waraabiyo janadiisii fardowsa aamiin innaa lillahi wa inaa ilayhi raajicuun
Maxamed Xasan Bakistaan
Bakistaan2010@hotmail.com
South Afrika
Muhaajiriin Somaali oo ku Dhamaatay Saxaraha Liibiya iyo Suudaan (Warbixin Murugo Leh )
Warar aan ku helnay qadka talkeefanka ee magaalo ku taalo xadka libya ay la wadaagto saxaraha dhirirka badan ee u dhaxeeya sudan iyo libya ayaa waxaa ka soo baxaya inay ay jiraan dad lugu sheegay inay kor u dhaafayaan 40 oo u badan muhaajiriin soomaa