Adaa Dibnaha duubtayee
Maxaad iga danbaajihee
Minaad gaalo la diriree
Deyniile dal ibleys miyaa
Minaad gaalo la diriree
Daantii galbeed ma aaddidoo
Wahaabiyaa ku soo dirtee
Deyniile dal ibleys miyaa
Dalkeygu doqosh maahinee
Iga dareersha daallumkaan
Dadnimo Dif ima dheeridee
Ilmaad dagtaad duggaashehee
Dadaad laaluushaad ku duntayoo
Dufan bartaad duggaashehee
Diintiinnu xaq minaad waddiin
Dowdarradaas ma duufsateen
Diintiinnu xaq minaad waddiin
Wada-hadalka ma durteen
Nin dalkiisii daafacahaa
Gafuurka duub ma saarayeen
Wahaabiyaa ku soo dirtee
Dibnaha duub ma saarateen
Salafiyaa ku soo dirtee
Gafuurka duub ma saarateen
Asxaabadii ma duubanee
Maxaa gafuurka loo dadaa
Wax badanaan idiin dignee
Duxdii soohaad ma daacateen
Wax badanaan idiin dignee
Duxdii Faaruuq ma daacateen
Wax badanaan idiin dignee
Duxdii Umal ma daacateen
Wax badanaan idiin dignee
Duxdii Coloow ma daacateen
Dowlaan rabnaa anunkuye
In lay duuduubo doonimaa
Danyarta dowladaa u roon
Dadkoo idilna waa Docdaas
Dadkiiba waa kala dudyee
Diintaan yaa loo duggaalihaa
Ninkii dhadhaab dammoodayoo(xeryaha qaxootiga)
Dabna ridaaya waa dameer
Diinteennu dadka wow dhaxeys
Dalkaanse maaha dal carbeed
Wadaadki gaalo deeyayoo
Muslinna dooxay waa dareen
Dadkaan kala dareerayoo
Dunida yaacay waa dareen
Dabo dadoow dabooliddeed
Adoon dadneynin waa dareen
Nimaan shisheeye dooxinoo
Sokeeye daadshay waa dareen
Dadkii i diida waa riddoow
Daliilka keenay waa dareen
Nin is dilaa daartii jannaad
Sidow ku doonay waa dareen
Duulkaan duulkii wax soo baroo
Noo soo dardaarshay waa dareen
Doqontaan layska duufsadoo
Lasii dabraayo waa dareen
Saddaxda degmo dowladdaan
Wixi ku duubay waa dareen
Duulkaan digrii laheyninoow
Wixi ku doortay waa dareen
Danteenna guud dadaan jeclayn
Wixi u daabay waa dareen
Dabinnadaan is dabayaal
Wixi noo daadshay waa dareen
Waxaan isku wada dilnoo
oon isku diidnay waa dareen
Wixii na kala duujiyoo
Na kala duudshay waa dareen
Dowlado goboleedyadaan
Muhuu danbeysa waa dareen
Dimuqu-raaddi-nimadaan
La’isku diirtay waa dareen
Adduunyadaan duggaafaddaa
Dambaaburteedu waa dareen
Damceerreey gaalka daaqsadoo
Lagu daqraayo waa dareen
Dayac kalaa dammootiyee
Anuu danteyda waa aqaan
Waxaanse ku daweey lahaay
Ha layska daayo dabshidkaan
Haddii la isku daalana
Dadku waa is dabaqabtaa
Sidii dugaag lama rabee
Dadku ways dabaqabtaa
Waddani daallanaan ehee
Dowgaan dowgiisa Allow kheyr
Dibadaan ku dhammaadayee
Dowgaan dowgiisa Allow kheyr
Waxaanse ku dulxaadihaa
Duca sanoo dacniga taal.
Shirib: "Dalkeygu doqosh maahinee Iga dareersha daallumkaan" By Shaaciye