Daneyste & Daacad, SHIRIB: Shariifka shaatigow dhigtee..amowba sheelarey rabyaa.

0
Thursday August 19, 2010 - 18:27:16 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 967
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daneyste & Daacad, SHIRIB: Shariifka shaatigow dhigtee..amowba sheelarey rabyaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DANEYSTE IYO DAACAD
SHIRIB: Shariifka shaatigow dhigtee..amowba sheelarey rabyaa.


Daneyste:
Ramadaanu Kariim.
Daacad: Waa haddii lagaa helo.
Daneyste: Haye maxaa cusub?
Daacad: Ma maqashay in Madaxweynuhu shalay yimid?
Daneyste: Shariif socdaal waan maqlay oo laba maalmood kaddibna wuu baxaa wuuna yimaadaa.
Daacad: Horta waxaan kaa ilaabay, ma maqashay in Ahlu Sunna, Dowladda, IGAD iyo beesha caalamkuba ay ku heshiiyeen in wax laga qabto fidnada Muqdisho.
Daneyste: Oo kolkaa ma dagaal hor leh baa la iclaaminayaa?
Daacad: Cidii soo joog laga waayo soo jiifaa laga helaa.
Daneyste: Shariifku hadduu sidaa gartay waa dan iyo xeeshii.
=SHIBI=
Daacad: Shariifki shaatigow dhigtee...Amowba sheelarey rabyaa
Daneyste: Shahiidiin iyo Al-Shabaab...Shariif ma sheelarey rabyaa.
Daacad: Shariifku waa sharci yaqaan...Shantowse wax ku sharibaa.
Daneyste: Shariifka shandadow sitaa...Oow shilimaad ku shabsahaa.
Daacad: Ar joog.....joog sharka cowdu billaahiye, ma heysaa nin ka mudan oo maanta marxaladaan dalka ka bixin kara?
Daneyste: Taasi waa ruwaayadii Tarsan oo kale oo raba inuu xilligan Muqdisho ka dhigo magaalo nal ka wada ifaya sida London oo kale, mise oga miyaa in shirkado Koronto ay bishii Dollar kugu dalacahayaan?
Daacad: Guddoomiyuhu siduu jecel yahay ayuu ka hadlay, waase haddii la helaayo, ee xey yihiin xafiisyada sakawaadka?
Daneyste: Waa goobo loo cayimay in ganacsatada iyo dadka wax heysta ay ku bixiyaan sekada iyo sadaqada.
Daacad: Marka waa baad iyo leejo la cusbooneysiiyay oo shaar loo geliyay.
Daneyste: Adeer taasi waa waajib oo ma jirto cid seko qofkey doonto siineysa iyadoo maamul halkaa ka jiro.
Daacad: Ka gudube iiga warran xaaladda Puntland iyo xuquuqda saxaafadda?
Daneyste: Puntland xadgudub bay ku heysaa saxaafadda madaxa bannaan oo xukun iyo ganaax isugu dartay weriye wareystay wadaadka Atam.
Daacad: Allaha kaa cafiyo howlo kaloo argagixisaa lagu heystaahe ma maqashay in Dekedda iyo Airoporka dayactir lagu sameynayo?
Daneyste: Taasi ima quseysee iiga warran daadadka Pakistan dadka ku qaaday?
Daacad: Ma Pakistaanaan xoog u helaa Banaadiraanba dhinaca kale ka tegi karine macasalaama.
 
Waxaa Diyaariyay:
Maxamed Wadani
E-mail jeri114@hotmail.com


 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip