Shirib Shaaciye: Shacab= wahaabiyadaan waalanoo, wardigi diiday maad wadiin

0
Monday June 14, 2010 - 10:20:32 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirib Shaaciye: Shacab= wahaabiyadaan waalanoo, wardigi diiday maad wadiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

marka hore waa shirib kasocdo shacabka kuna socdo dhamaan ururada iyo dowlada
 
dhamaan siyaasiyiin ama hogaamiya kooxeed intaas ayuu kahadlayaa lasoco shiribka
 
waxaa hadlaya siyaasi iyo shacab marka hore waa shacabka oo lahadlaayo siyaasiga
 
 
shacab =  sadax walxaata maad wadaa, masa sadax kaloo kutaal wow
 
 
shacab=wahaabiyadaan waalanoo, wardigi diiday maad wadiin
 
shacab=masa nin wow qureen dhigo, walima aadahaad wadiin
 
shacab=masa nin waran tuurahoo, waayeelki laayay aad wadiin
 
shacab=nin waalay wadankaan laheyn, wacdigi diiday maad wadiin
 
shacab=masa nin wacad qaadayoo, ka weecdayaad u wanqalee
 
 
intaas kadib waa shirib kale oo afar geesood ah waxuu udhexeeyaa
 
ahlu sunah iyo alshabaab iyo dowlada iyo shacabka lasoco shiribka
 
ahlusunah=wardigyaad kaweecatee, amaad wahaabiya tihiin
 
alshabaab=wardiga eebe waa wanaag, waxaad wadiinsa waa wareer
 
 
ahlu sunah=wacdi nin diiday wiligiis, wijiga naarta wow wadyaa
 
 
alshabaab=yakuu waxyooday wiligaa,  wax-magartaad    wareerisee
 
 
dowlada=ahlu sunaya alshabaab, yaa afmac  yaasa aayaroon?
 
 
shacab=ahlu suna alley taqaan , waana ka edeb roonyihiin
 
 
alshabaab=aduunka weydin anfacnaa , aakhirana allaad qabtiin
 
 
ahlu sunah=inaad agoonta iil dhigtiin, ooy ooyda maad ku anfacdiin?
 
 
dowlada=ahlu sunaya alshabaab , waa ururaan  itaal     laheyn
 
 
shacab=islaan ma ahan alshabaab,  idina waad ka aamusteen
 
 
ahlu sunah=iilkey qodeyso  alshabaab,  ma ugu uur fayowdihiin
 
 
alshabaab=sadax walxaata qaaf kutaal , sadax kaleento qaadamaa
 
 
alshabaab=qudbasiraya quud dadooq,    qabuura qaa qan qaadamaa
 
 
alshabaab=quraan akhris  qamiis gashow , naag qeyliheyso qaadamaa
 
 
alshabaab=qiiqiskaad kuqaraabatiin  , qiil aan uhaayaa   qaadamaa
 
 
ahlu sunah =sadax walxaata  qaaf kutaal,  sadax kaleento qaadamaa
 
 
ahlu sunah=inaad qabriya soo qodoo,  qandi kuqaado qaadamaa
 

ahlu sunah=inaad qayaanta  quud dadow,  ood qeybsataana qaadamaa
 
 
shacabka oo lahadlaayo  al dad qalato ama alshabaab  waa ugu danbeyn
 
 
shacan=  qabuurahaad qodi jirteen, dadkaad qaleysay qiil ukeeen   
 
 
waa mahadsantihiin dhamaan lasoco shiribka xigi doono
 
 
 
shaalaleey1992 iyo barbaarta gaashaaman
 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip