MAANSADAAN AAN UGU MAGAC DARAY (DOON-DOON) WAXAY TILMAAMEYSAA IN DHIBAATOOYINKA DUNIDA HORAY USOO MARAY IYO KUWA HADDA KADHACAYAA AY SALKA KU HAYAAN HALMEEL, TAASOO AH NAF IYO SHEYDAAN, OO AY CADAWNIMADOODA DIINTEENA ISLAMKA KAWARANTAY, NABIYADII LEYSU SOO DIRAYNA WAX BADAN KADIGEEN, BALSE NASIIB DARRO TAN IYO BERIGII ABUUNAA AADAM IYO XAASKIISII XAAWO JANNADII UDGOONEYD LAGA SOO SAARAY SABABTOODA DARTEED ILAA HADDA OO AAN MAREYNO AAKHIRKII DUNIDA WAXAAN BADI KUSUGANAHAY DAMAC NAFSAANI AH IYO DABIN IBLEYS DHIGAY.
MARNA MAANSADU WAXA AY JAWAAB UDIREYSAA, ABWAAN BASHIR (DIRAAC) OO SU’AALO HORAY USOO WEYDIIYEY MADASHA (DEELLEYDA QARNIGA 21AAD).
DOON-DOON
Hadal daah-furkiisiyo
Murtidii daleysneyd
Waxaan dalan-dalkeediyo
Dudmadeedi kaga jaray
Dahab dhawaq waa suugaan
Deeleydu waa madal
Dooddeedu waa fahan
Dooqeedu waa sharaf
Dalabkeedi lama helin
Dadaalkeedi lama garan
Dariiqeedu waa hiyi
Damaceedu waa nolol
Dawadeedu waa nabad
Shalay dara-markeediyo
Doonsinkeedi koowaad
Maanta bey ka darantahay
Duulaanku waa koow
Dantu waa middii guud
Dulmi xaaja kama lihi
Cidna duubka uma xiran
Daan-daansi kuma kaco
Isduriinku waa ceeb
Dulbaax iyo ismaag-maag
Damiirkeygu ma ogala
Sideey diintu nagu tiri
Aadmiga waxaa dilay
Waxaa dowdi seejiyey
Durdurkii janada iyo
Kasoo saaray degelkii
Rabbigood udoorbiday
Naf kudaaban sheydaan
Hamigeedu doon-doon
Damacaan lagaareyn
Yiri dabada uun haay
Wax ladiiday raacdee
Waligaa daleel maran
Dhidid kaagu haku da’o
Waxa adiga kuu daran
Daalkaagu haku ba’o
Dooqaagu sidu rabo
Darbi yuusan kaa xirin
Dhulka doogga laga helo
Cidi yeeysan kula degin
Duxda adigaba iska leh
Doorkaagu waa koow
Dalabkaagu waa keen
Hadeey daadaneeysoo
Dhinacyada ka diistana
Duruuftedu waa abid
Nin daboolay lama helin
Daliil waxaan uheystaa
Kitaabbaa kusoo dagay
Ambiyadii lasoo diray
Digniinbeey kakeeneen
Daldalooladeediyo
Hagar-daamadeediyo
Diiftiyo dhibkeediyo
Waxeey daanno leedahay
Diirkeey kaqaadeen
Sida dayaxa nuureey
Xaq na daalacsiiyeen
Diraacoow hayeeshee
Cadaw diiday baa jira
Dacwadiyo wixii eey
Darsiyaal dhigaayeen
Duqii ugu horeeyee
Dadku eey kabeermeen
Waa tuu kadilay curad
Dhaqan ugub ah doojiyey
Jid kadhigay dunuub adag
Dulmi uu usahantagay
Dab ushiday ba’ iya hoog
Inta daran kadhigay malab
Amar daa’inkii faray
Iska diiday beri hore
Misna dhaar kudaba daray
Inuu doocin kuwa kale
Wacad duug ah kula galay
Ma dib dhaca had iyo jeer
Dardar buu kujoogaa
Dabinnuu maleegaa
Ruuxduu ladaahaa
Niyadduu laderisyahay
Nimuu daaya lama arag
Ambiyuu dil ku xukumay
Alle wuxu dad uga dhigay
Dogob geeda laga jaray
Intuu dagay xisaab maleh
Intuu dilayna tira maleh
Duulaamadiisii
Garasheey dabooleen
Caqlibeey dulleeyeen
Insaanki doornaa
Diin-laawayaal iyo
Duunyeey kayeeleen
Mana daalin wali oo
Durbaankiisu waa kaa
Damdamtiyo rigleyntiyo
Danankiisu baxayee
Damaashaadka dhagarta leh
Kudabaal degaayee
Dambas hoos kanool iyo
Doonkaa banaanka ah
Nagu daalinaayee
Dawadiyo isfahamkii
Dusha sare kulalayee
Dirirtiyo isleeyntii
Dabci wacan kadhigayee
Danihiyo heshiiskii
Hanka doqonka yiriyee
Dakaniyo colaaddii
Diracsami kusheegee
Nabaddiyo dulqaadkii
Fulaynimo kudaahee
Jahligiyo damiinkii
Xilkasnimo udooree
Garashiyo dadkeedii
Dabacsani kuriixee
Diintiyo xadkeedii
Dib-jirnimo uheystee
Deeqaha ilaaheey
Xaaraan kadoortee
Dumar qaawanaantii
Ilbaxnimo kadoonee
Daroogiyo xashiishkii
Farxad kaga dalaalee
Dhiig daadintiisii
Sahal kaga dulboodee
Doofaar cunkiisii
Dalam-dalamsanaayee
Ribo daaqisteedii
Dalqadiisu baratee
Zino lagu dayoobiyo
Tumashada udoolee
Dusduskiyo khiyaanada
Darajada kudhiibee
Ninba tiisi daayacay
Dunida u wakiishee
Dabaabaad wax laayiyo
Diyaarada ku xoojee
Amarkiisu diritiyo
Degdeg uu ufulayee
Ciddii daba mareeysana
Daldalaad uqoolee
Dambi yahay wanaagii
Dadkuna badi ufoofaan
Dar ibleyska dhaanshiyo
Halka lagu dayoobee
Lagu daba xumaadee
Lagu duur-galoobee
Lagu cirib duleeysmee
Duul naga horeeyiyo
Kulumeen dad badanoo
Diinteena warisaye
Diraacoow ujeedkiyo
Duuduubay nuxurkii
Dulucdina waxaan iri
Dood iyo su’aaliyo
Dacwa nooma aay harin
Diintii ilaah iyo
aayaad nin diidana
hadal deeqi karayaa
dibnaheenna meey oga
halka laga dayaayee
waxa helay dalkeenii
nabsi daahay weeyee
dadaal waa halkiisee
duca iyo waaniyo
dikriyaa inoo furan
dawaduna ilaahbaa
garan doowligeedee
yeeynaan dambaabine
baryadiisa daa’ima….
W/c: ABWAN C/RAXMAN MAXAMED BASHIR(KARAMA)
E-MAIL:WARYAA114@HOTMAIL.COM
MAANSADII DOON-DOON Ee Diiwaanka Deeleyda (By Karaama)