Xaflada mowlidka oo si wanaagsan loo soo agaasimay oo ka dhacday Nakivale (Sawiro)

0
Sunday March 14, 2010 - 01:39:18 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 882
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaflada mowlidka oo si wanaagsan loo soo agaasimay oo ka dhacday Nakivale (Sawiro)

    Xafladaan oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay culama’udiin, Aqoonyahano, Odayaal, dhalinyaro, Hooyooyin iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed iyo qowmiyadaha kale ee la dagan somaalida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafladaan oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay culama’udiin, Aqoonyahano, Odayaal, dhalinyaro, Hooyooyin iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed iyo qowmiyadaha kale ee la dagan somaalida.

Xafaladaan oo dhacday habeennimadii Isniinta iyo maalintii xigtay ayaa waxa ay ahayd tii ugu weyneyd ee ebed ka dhacda tuulada Nakivale ee wadanka Uganda oo ah xero qaxooti oo ay ku noolyihiin kumanaan soomaali ah.

 Munaasabadaan ayaa  noqotay mid taariikhi ah ayna waliguud xasuusnaan doonaan intii ka soo qeyb gashay iyo intii maqashayba.

 

Xaflada ayaa ugu horeyn waxaa lagu furfuray aayada Qur’aanka Kariimka ah oo halkaa ka soo jeediyay Max’ed sh.Xasan Aadan Cusmaan, waxaana sida caadada u ah Ahlusunna Waljamaaca meel kasta oo ay joogaan lagu xijiyay Saliga Soobanaha(SCW) oo qaadayay sh.Mahad.

 Intaa ka gadaal ayaa waxaa bilowday xafladii qeybtiidee hore Muxaadaraadka oo aya halkaasi ay ka soojeediyeen

qaar ka mid ah Culama’udiin Ahlusunna oo ka kala yimid wadanka Uganda gobaladiisa kala duwan.

 

Sh.Max’ed Daahir Booj (sh.Deeqow) oo xiriirinayay xaflada ayaa waxa oo ugu horeyn ku wareejiyay codbaahiyaha Sh.Xasan Aadan Cusmaan(kamacle) oo soo jeediyay muxaadaro qayim ah oo dhinacyo badan taabanaysa.

 Macalin Xasan Aadan (kamacle) oo dadka markii hore ku baaraarujiyay in ay Alle ka cabsadaan meelkasta oo ay joogaan ayaa, ayaa hadana waxa oo ka jawaabay shubahooyin  ay in badan dadka ka walwalsanaayeen oo dadka qaar loogu sheegay in mowlidka xaaraan ka dhigeyso, ayaa waxa uu yiri:-

 

‘Nabiga (SCW)ayaa waxaa loo bixinayaa sadaqo taasna waxa ay xaaran ka dhigaysaa mowlidka ayay dadka ku ishkaal galiyaan qolooyinkaan diidan in la weyneeyo maalintii oo Alle subxaana wa tacaalaa ku galadeystay umadaan nimco tii ugu weyneyd oo ah maalintii oo dhashay Xabiibka (SCW), taasna wax ka jira ma lahan waayo Nabigu markii oo noolaa sadaqada ma qaadan jirin hada wali waa sidiisii ayaan leenahay, sida aad u wada jeedaan waxaa sadaqadaan la siinayaa dadka ka soo qeyb galay xaflada mowlidka ee Nabigu (SCW) qaadan mayo waxa ayna anfaceysaa intii la baxday oo sadaqa u niyeesatay’ ayuu yiri sheekha.

 Sheikh Xasan oo si aada ugu dheeraaday wacdi dhinacyo badan taabanaayo ayaa ugu dadbeyn waxa oo beeq u soo jeediyay nimanka diidan in lagu farxo maalinta oo dhashay Nabiga in ay yimaadaan barxada weyn ee loo yaqaan Net work-ga  isla markaanaa ay soo qaataan waxa ay ku beeninayaan mowlidka oo adila ah hadii aysan heyna iska ilaaliyaan inay dhex dabaashaan wax ay aqoon u lahayn.

 

Nasiib darose ma dhicin in ay galabtaasi soo xaadiraan ama iska daayaan dambiga ay ku dhex jiraan had iyo goor. Dhan kale Cula’udiinka Ahlusunna ee wadanka Uganda ayaa wali waxa ay diyaar u yihiin in ay ka badbaadiyaan dadka soomaaliyeed ee u maleeyay in ay hada diin cusub timid oo ay dadku fahmeen iyo raga masaakiinta ah ee la soo qalday laguna shaqeesanayo.

 Sidoo kale waxaa munaasaba si weyn oo cajaa’ib leh ugu hadlay fadliga iyo kheyrka faraha badan ee ku jira in la dhigu xuska maalinta oo dhashay kheyru khalqilaahi Sayidinaa wa Mowlaanaa Muxamed bin Cubdullaahi (SCW) fadiilatu sh.Max’ed-deeg Daahir Booj (sh.Deeqow) oo ka mid ah culimada ugu waa weyn wadanka Uganda.

 

Sheikh Deeqow waxa oo si ay qiiro leh  u yiri ‘Waxaa laga helaa in la weyneeyo maal maha sidaan oo kale ah jaceyl, farxad, iyo in laga xanaajiyo gaalada,bidca iyo qof kasta oo neceb Nabiga (SCW)’

 Sidoo kale waxaa oo sheikh Deeqow intaa ku daray in ay muslimiinta caalamka oo dhan ay dhigaan ixtifaalka mowlidka Nabiga (SCW) meel kasta oo ay joogaan ilaa koox yar oo bidco ah mooyee.

 ‘Waxaa arintaan kuu cadeenaya sida caalamu Islaami looga dhigay ixtifaalka sanadkaan iyo kuwii ka horeeyay’ ayoo si kulul u yiri sheikh Max’ed deeq oo ay habaankaas ay ka muuqatay xabada Nabiga (SCW).

 

Sheikh Cabdi Risaaq oo mudaris ka aqriya kitaabada masjidka weyn eek u yaal xera qaxootiga ee Nakivale ayaa ka mid ahaa culamadii halkaa ka soo jeediyay mowcidooyinka, sheikh C/risaaq ayaa waxa oo si kooban oo xamaasad leh dadkii halkaa isugu yimid ugu sheekeeyay siirada suubanaha.

 Sheikh C/risaaq ‘Culamada waxa uu waajib ka saranyahay in ay dadka u aqriyaan siirada Rasuulka (NNKH), sidoo kale dadka waxaa laga rabaa in ay iyagu isxilqaamaan oo ay bartaan siirada Xabiibka’

 Sheikh C/risaaq ayaa waxa oo ku tilmaamay wax lalayaabo in dad badan oo sheegana in ay rasuulka jecelyihiin isla markaa ay hadii la waydiiyo Nabiga abtirsigiisa aysan waxba ka garaneynin.

 

‘Soomaalida waxaa ku badan dad leh waxaan jecel nahay Nabiyu Laahi Muxamed (NNKH) isla markaana waxba kama garanayaan Taariikh Rasuulka (scw) taasina suuragal ma ahan bay ila tahay’ ayuu yiri sh.C/risaaq oo kula dardaarmay waalidiintu inay naftooda marka hore toosiyaan ka dib ayaa la heli karaa owlaad tarbiyeeysan e.

 Sheikh C/risaaq ‘ Waxaad arkeysaa aabe ama hooyo leh caruurtii ayaa iga caasiyowday oo waxbarashadii diiday isaguna waa caami aan waxba aqoon hada aan diyaar u ahayn inuu wax bartaa, marka hadiiba ay waalidku diintii ka dhigay wax aan qiima lahayn oo la’aanteed la noolaan karo ciyaalkii maxaa laga filan karo’

 


Sheikh Nuur Max’ed Faarax oo ka mid haa Culamadii halkaa ka hadashay ayaa ku nuux nuux in laga digtoonaado bidcooyinka oo in badan oo dadkii ka mid ah u horseeday gaalnimo ka dib markii ay afka ay kala qaadaanba ku hadaaqaan waxaasi waa xaaraan, kuwaasi waa gaalo.

 Sh.Nuu‘Markii ay in badan dhagaha caamadu ka badbadatay kan waa gaal kaasi waa ridoobay oo been ah ay intii wax ma garata ahayd waxa ay u maleeyeen gaalnimada wax iska caadi ah oo qof walba lagu tilmaami karo sidaasna ay diintii kaga baxeen’.

 


‘Maalinba maalinta ka dambaysa wax bey keenaan hada waxa ay keenee nimankaan bidcada ah ee diinta ku qaraabta caawana waxa ay cusub oo ah wax lala yaabo in xoolihii nimcoolayda ahaa ku tilmaamaan hilib doofaar oo kale oo qofkii cunaa xooloo mowlidka dartiis loo sadaqeystay taas oo ah arin hor leh oo ay hada keeneen bidcado aadna arki doontaan hadii aydan hada inta ay guuri guur tahay iska qaban’ ayuu sheekhu si kulul u yiri.

 Sidaas si leg xaflada ayaa waxaan ka maqney qasiidooyin Nabi amaan ah oo ay qaadayeen culimo aad u cod macaan oo gil gishay qalbiyada in badan oo ka mid ah ka soo qeyb galayaashii iyo dadkale oo meela dheer dheer ugu yimi ka dib markii ay maxabuudeen.

 Walow ay inta badan dadka reer Nakivale ay ku wada faraxsanaayeen dhalashada Nabiga (NNKH) ayaa hadana waxaa wadooyinka qaar lagu arkayay shaqsiyaad yar oo ay ka muuqato caro iyo xanaaq ay u qabaan dadkaas damaashaada, iyadoo mararka qaarna ay indhahaado qabanayaan ilmo yar yar oo qaada saliga Rasuulka (SCW) iyo qof qof aad islee dahay waxa gubaya Saliga.

 

Isku soo wada duuboo xafladaan ayaa ku soo gaba gabowday sidii loogu talagalay iyadoo habeykaas oo ahaa habey dhafar ah oo ay gaareen caashiqiintii ilaa saqada dhexe ee habeynka.

 Sidoo kale waxaa wali ka socda wadanka Uganda xafladu kala gadisan oo ka dhaca wadan gubaladii kala gadisan sida; Mbarara, Jinja, Tora iyo dhamaan wadanka oo dhan.

QABAN QAABIYAASHA XAFLADA

 1)    SH.Mahad Cali Tiifow

2)    Sh.Max’ed Daahir Booj (deeqow)

3)    Sh.Max’ed Cabdi Cali (cabdow)

4)    Sh.Max’ed Xasan Rooble

5)    Sh.Cabdi Ganey

6)    Sh.Daahir Muuse

7)    Sh.Max’ed Axmed Xirsi (Afdhuub)

8)    Sh.Abdi Shire

9)    Sh.Max’ed macalin Aadan

10)                       Iyo aqayaar kale oo fara badan oo aan halkaan lagu soo koobi Karin oo ay ka mid yihiin gabdha Ahlusunna Waljamaaca ee wadanka Uganda.


 
W/D;Faysal Yuusuf Kulane(Mr.Kulane)

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip