Shiribkan waxaa la dhahaa?
muslimku ma haleey maqlaa
meeshaan rabana waa maraa
Nabadoon
1==afar walxaato miin kutaal
oo lala maagayeey maree
2==macalin diinti manciyoo
maar ku bedesheey maree
3==midmaatadiisi meriyoo
maal yarku doorsadeey maree
4==muslin muragadiisiyoo
munaafaq farxayeey maree
5==middi middi ku taag iyo
masuuliyad xumeey maree
6==mashaakil mowd fogeeysayaa
maskaxla daaliyeey maree
7==afar kaleetoo miin kutaal
inlagu maamuleey mudneed
8==musxaf in lagu maamuloo
loomaro faatexeey mudneed
9==waxeeyna noogu muuqataa
waa isku mid medebya diin
10==waala marin habaabiyaa
miisaanka shacabkeey mudneed
11==waxeeyna noogu muuqataa
midnima laga maarmimaa
12==milatari nin soomaroo
muruq adeegsadeey mudneed
13==waxeeyse noola muuqataa
miskiin wadaada oo madoow
14==waa mucjis leeysla maagayoo
meydya xayiba soomareen
15==musiiba la muteeystaya
mushkila koorle maahinoo
16==miskalaa u malxiisehee
masaaru geed ma milkiseen
17==mooryaanta diinta maldahdaa
ya mura berde macaan miyaa
18==maslaxa loo midoomaya
marleeys cafiyo waa mudneed
19==inaan macaanka dowladeed
ka maagnay eey u muuqataa
20==madfaca oo lamaanacoo
munkarla suuliyeey mudneed
21==maanta waxeey u muuqataa
miina u dhigya meyd ku faan
22==marxaladeenna maantayaa
mustaqbalkeenu waa madoow
23==miizaanka aakhira iyo
maalinta weeyn ma moogyihiin
24==kugdi u leexda meelba toog
ya middi afkeed ma moogyihiin
25==muslimku ma haleey maqlaa
meeshaan rabana waa maraa
Shaaciye.com
(Shirib, Shaaciye) Muslin muragadiisiyoo, Munaafaq farxayeey maree