Beesha Mudulood oo maanta shir culus uga soconayo Magaalada Muqdisho

0
Monday March 29, 2010 - 17:32:15 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Mudulood oo maanta shir culus uga soconayo Magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkaan oo beryihii ugu dambeeyey si weyn ay qaban qaabadiisu u socotey ayaa daqiiqado kahor daaha laga rogey, waxaana goobta ku soo xaadirey boqolaal isugu jira Iimaamyo, Ugaasyo, Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad, iyo Saraakiil Ciidan, iyo dadweyne aad u fara badan.

Weriyeyaasha ayaa soo sheegaya in ay shirka soo xaadireen ruug caddaa siyaasadeed oo caan ah waxaa kamida:
Wasiirka Lacagta ee Dowladda Inj. Yariisow, Guddoomiyaha Gobolka banaadir Inj. Nuune, Xildhibaan Xuseen Caraale, Cabdulahi Geedi shadoor, Maxamed Dheere, iyo rag kale oo badan, waxaana sidoo kale xaadir ku ah Ugaaska beesha iyo Imaamka beelaha Hiraab.

Shirkaan ayaa ah mid ay beeshu uga arrinsaneyso Xaaladaha cakiran ee ka taagan wadanka Soomaaliya, gaarahaan magaalada Muqdisho, dowladda ilkaha la, ee hilbaha loo tumo, degaanada ay beeshu degto oo aaney masuuliyiintoodu ka talin ee ay Alshabaab heystaan, iyo fagashadii lafahii culimadii qadarinta weyn ku dhex lahaa beesha ee hortooda lagu bililiqeystay, ee weliba loogu daray in ay lafahaasi caabudaan, taaso ah jarriimo weyn oo aan qof Islaam ah lagu tilmaami karin.

Shirweynahaan Beelweynta Mudullood ayaa laga dhowrayaa in ay ka soo baxaan go,aano dhaxal-gal ah oo lagu wajaho sidii Shacabka Mudulood ay Xorriyaddoodii dib ugu heli lahaayeen.

Wixii ka soo kordha kala soco shabakada warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip