Wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya Moses Wetangula ayaa sheegay in dowladdiisa ay aqbashay in ay maxkadayso kooxaha burcad badeeda Soomalida ee lagu tuhmo dhaca maraakiibta mara gacan biyoodka cadmeed.
Dowladda Kenya ayaa waxay diyaar utahay inay maxkamad soo taagto kooxaha burcad badeedka Soomalida ee ay soo qabtaan maraakiibta ku sugan xeebaha Soomaliya.
Mr Moses Wetangula oo la hadlayay war fidiyeenada maanta oo arbaco ah ayaa sheegay in go'aankaan ay dowladda Kenya qaadatay ay ka dambeysay kadib markii ay la kulmeen madaxa arrimaha dibadda iyo nabad galyada ee Midowga Yurub Catherine Ashton oo socdaal shaqo ku marayso dalal ku yaala bariga afrika.
Dowladda Kenya ayaa joojisay maxkamadaynta kooxaha burcad badeeda Soomalida ee ay soo qabtaan maraakiibta Midowga yurub iyo maraakiibta kale ee ku sugan xeebaha Soomaliya kuwaas oo sida ay sheegeen la dagaalamaya burcad badeeda caadaystay in ay qafaashaan maraakibta mara xeebaha Soomaliya iyo gacan biyoodka cadan.
Kenya oo Ogolaatay In Gudaha wadankeeda lagu Maxkamadeyo Burcad Badeeda