Xildhiban Maxamed Jaamac Furux ayaa uga digay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya inay waqtiga doorashada Gudoonka marka la gaaro inay cod siiyaan amaba ay doortaan Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Furux ayaa saxaafada u sheegay in ay khalad tahay in la doorto mas’uul ku can baxay sida uu sheegay lunsashada hantida shacabka Soomaaliyeed ka dhexeysa, isagoo ula jeeday Shariif Xasan oo ka mid ah musharixiinta u tartamayesa xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka .
Xildhibaanka ayaa sheegay in Mudane kasta ee cod siiya Xildhibaan ku eedeysan lunsasho hanti Qaran uu danbi ka galay ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna Xildhibaanada Baarlamaanka ku booriyay inaysan Cod siinin.
Mudane Furux oo aan si toos ah u magacaabin Shariif Xasan ayuu hadana in badan tilmaamayay inuu jiro mid ka mid ah Musharixiinta oo ku eedeysan inuu lunsaday hanti Qaran,islamarkaana hore xildhibaanadu ugu soo oogeen danbi ah inuu lunsaday hanti Qaran.
Dhanka kale xildhibaanada Dowlada KMG ah qaarkood ayaa saxaafada u sheegay in wasaarada Maaliyada iyo lacagta raga wasiirada ka ah ay lunsadeen hanti Qaran, islamarkana lala xisaabtami doono.
Xildhibaan Furux oo ka digay in la doorto Shariif Xasan Sheekh Aadan