Xubnaha uu la kumay ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiye ku xigeenka ahna ku simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, Gen. Nuur Shirbow, Guddoomiyaha dhawaan loo magacaabay Gobolka Shabeellada dhexe Cali Jowhar, Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxyadiin Xasan Jurrus iyo Xildhibaan Maxamuud Geeddi Hilowle.
Maareeyaha Dekedda ayaa uga warbixiyay Mas’uuliyiinta howlaha Dekedda Muqdisho oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn oo ay dowladdu ka hesho dhaqaalaha, isagoo sheegay in xaaladda dalka ay tahay mid u baahan in wax laga qabto.
Kulanka ayaa kusoo xirmay jawi wanaagsan, iyadoo mas’uuliyiintii isugu yimid ay isla fahmeen waxyaabihii ay kawada hadleen, waxaana kulankan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo Maareeyaha Dekedda uu la yeesho mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo tiradoodu intaan gaarayso.
Dhanka kale, Xildhibaan Maxamuud Geeddi Ow-Hilowle oo dhawaan dalka kusoo laabtay ayaa wuxuu kulammo la qaatay Madaxda dalka sida Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Mudane Hilowle ayaa sheegay inuu kala hadlay xaaladda dalka, isagoo ka codsaday inay dhameeyaan khilaafaadka dhexdooda ah, ayna u wada-shaqeeyaan si ay dalka uga saaraan dhibaataada uu ku jiro.
Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Maareeyaha Dekedda Muqdisho Mudane Xasan Cali Maxamed (Xasan Dheere) ayaa dhawaan hoygiisa qado-sharaf ugu sameeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia, isagoo kala hadlay xalaadda dalka uu marayo.