Kadib Dhamaadki Ciyaaraha Aduunka oo xalay lagu soo gabagabaeeyay Magaalada Johannesburg ee Wadanka Konfur Afrika ayaa waxa mar qura Qarax weyn gilgilay goob lagu daawado Ciyaaraha iyo filimada oo ku taalo bartamaha magaalada Kampala ee Wadanka Uganda.
Qaraxyadaani ayaa ahaa laba qarax oo is xiga iyagoo ka kala dhacay Xaafadaha Ithiiopian Village oo ku taalo Bariga Magaalada Kampala iyo Xaafad kale oo udhaw dhanka Safaarada mareykanka iyadoo Tirada dadki ku dhintay Qaraxyadaani lagu qayaasay in ay sii caga cageeneeso in ka badan konton Qof.
Mid kamid ah goobaha Qaraxa ka dhacay oo aheed Howl weyn oo lagu daawado Filimada iyo Ciyaaraha ayna leeyihiin Jaaliyada Shacabka reer Itoobiya ee kunool Wadanka Yuganda iyadoo qasaarihi qaraxa ka dhashay oo faraha kasii baxayo saacadba saacada ka dambeeso.
Gawaarida Deg dega ayaa waxay si weyn wili udal dalayaan dadka dhaawacyada iyo dhimashada kasoo gaartay qaraxyadaani iyadoo sidoo kalena ay jirin warar dheeraad ah oo laga helayo xogta kusaabsan Mas’uuliyada qaraxyadaani.
Inkastoo goobaha ay ka dhaceen qaraxyadaani is barkan ay wax badan ka durugsantahay Xaafada Somalida ku badan tahay ee Kisenya hadana waxa jira baqdin xoogan oo ay muujinayaan Somalida kunool wadanka Uganda maadaama hadal heenta saakay warbaahinta ay sheegeeso in ay qaraxaani ay aad loogu maleen karo mas’uuliyadiisa ururka hubeesan ee Alshabaab oo isaga fariimo dhowr ah ku muujiyay in u duulaan ku yahay cid walba oo soo fara gilisa siyaasada Somaliya.
Dhanka kale waxa baryahaan Gudaha Magaalada Kampla ka socday kulamo udhaxeeyo madaxda booliska Dalka Uganda iyo Madaxda Jaaliyada Somalida kunool wadanka Uganda, iyadoo kulamada madaxdaani dhamaan salka ku hayay qaabka ay isula shaqeyn karaan Shacabka Somalida ee kunool Uganda iyo Waaxda Amniga wadankaani Uganda.
Madaxa Ciidamada Booliska magaalada Kampala oo ka hadlayay kulankaani dhax maray madaxda ayaa waxa uu shacabka somaliyeed ku booriyay in ay ka tanasulaan Fikrada ay kasoo minguuriyeen Wadankoodi oo ah in ay is jufa jufeestaani, waxa uuna yiri , “ Tani waxa idin keeni kartaa dhibaato Xoogan”, waayo ayuu yiri ,” Anaga Soomaali, Soomaali ayeey naga tahay ee fadlan inala shaqeeya kina xuna nagu soo wargeliyay sida ugu dhaqsiyaha badan, hadii kale waxa uu sameeyo dhamaan waa idin wada saameen Doonaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sarkaalkaan u hadlayay waaxda Nabadgalyada Magaalada Kampala ee wadanka Uganda
Shacabka Somaliyeed ee kunool gudaha Wadanka Uganda ayaa waxa soo wajihi doono Ciriiri la xiriira noloshooda waa hadii ay cadaato amaba ay sheegtaan sida hore udhici jirtay kolka qaraxyo lagu hoobtay ay ka dhacaan gobolka ay sheegan jireen Ururka Unuga ka ah ururweynaha Alqaacida ee Alshabaab.
W/D: C/raxman Sheikh C/llaahi
C/o: Kampala-Uganda
Faah faahinta Qaraxyadi Bam ee khasaaraha Xoogan ka geestay Magaalada Kampala