Gudoomiyaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir Axmad Xasan Cadow (Axmed Daaci) ayaa ka warbixiyay qaraxyo Habeenadii la soo dhaafay ka dhacay deegaano hoos yimaada Maamulka Degmada Wadajir, kuweaasi oo gaystay dhimashada hal Ruux iyo dhawaaca dad rayid ah.
“Qaraxyada waxaa gaystay kooxaha fulayasha ah ee shaarka diimeed gashan, waxaana ku guulaysanay inaan habeen hore qabanay, nin u labisan sida Haweenka oo sitay Jalaabiib iyo Indhoshareer xabsiga ayaana u taxaabnay” ayuu yiri Axmed Daaci oo intaasi raaciyay inay wax wayn ka qaban doonaan sugida ammaanka.
Md. Axmed Daaci ayaa ugu baqay dadka degan deegaanka iyo kuwa ku soo qaxay inay gacan ka gaystaan sugida Ammaanka oo aan lagu soo dhaxdhuuman, wuxuuna wacad ku maray inay gacan bir ah ku qaban doonaan kooxaha ku soo dhax dhuunta shacabka nabadda jecel.
“Kooxaha qaswadayuaasha ah waxay ku xajiimoodaan Meelaha nabadda iyo deganaashaha ka jirto, taasi oo ah mid iyaga dhibaysa, waxaana ku dadaali doonaan inaga iyo shacabka oo iskaashanaaya inaan la dirirno oo aan gacan bir ah ku qabano” ayuu yiri Axmed Daaci Gudoomiyaha Degmada Wadajir.
Gudoomiyaha Degmada wadajir ayaa ugu baaqaay in dadka degmada Wadajir ay ku dadaalan sidii ay isaga kaashan lahaayeen Sugida Ammaanka, wuxuuna sheegay inay ciidamada Deegaankaasi ay heegan ugu jiraan sidii loo sugi lahaa amniga Degmada.
Degmada Wadajir oo kamid ah degana Dowlada maamusho oo ay ruxen Qaraxyo qorsheesan