Kadib ganacsatada sida jabdeesan taageerada balaaran usiisa Ururka Alshabaab ee ganacsiga xoogani kuleh suuqa bakaaraha ayeey xarakada alshabaab is tusisay iney ku yartahay dhaqaalaha xooga leh ee kasoo gala gudaha suuqaasi iyagoo yara sara kiciyay xajmigi ay ka heli jireen ganacsatadaasi
Wararka hoose ee laga helayo guuxa ganacsatada suuqa bakaraha ayaa waxa sidoo kale lagu ogaaday in alshabaabi ay ganacsatadaani hore uga qaadan jirtay dhaqaale udhigma ama ka badan kan ay dowlada somalida uga qaadato canshuurta dekedda iyo Airoborka Somaliya taasi oo wehliso lacagaha ku waajibay Zakaadka.
Madaxda ururka Alshabaab iyo horjoogayaasha Ganacstada cabsan maxabada Alshabaab ee ka xamaasha gudaha Suuqa bakaaraha kulan ay ku yeesheen gudaha suuqaasi looga dalbaday ganacstaada lacag ka badan Tobaneeyo Malyan Doolarka mareykanka taasi oo sida la sheegay qeyb ka qaadaneeso waxa loogu yeeray jihaadka dalka looga sifeynaayo cadawga kusoo duulay.
Gudiga ganacsatada Suuqa bakaaraha oo hore u ahaa kuwa aan haba yaraate wax diidmo ah kasoo celin dalabaadka Alshabaab ayaa tani waxa ay ku noqotay wax aysan liqi karin iyagoo durba bilaabay caga jiid udhigma, ” Waa Diidnay”, maadaama aysan jirin cid si toos ah ugu cadeen karto dareenka Ganacsatada marki hore dhinac maray oraahda caan baxday ee , ” Ninki Bar baarshay Bahal Nool, Kabaxsay ama Buqno Goy”
Hadaba caga jiidka Ganacsatada ee bixinta lacagta la dul dhigay ayaa xarakada oo si kulul uga qiirootay arinkani waxa ay door biday talaabooyin dhowr ah kuwaasi oo gunti danbe madaxda xarakada isku raacday in dagaalada ku wajahnaa waqooyiga muqdisho ee laga gaaray hadafki loo unkay ee ahaa in la cirib tiro ama la dabar gooyo bulsho lagu tuhmayo in si mug leh ugaranayaan ahdaafta danbe ee ku howlgasho ururkani taasi oo ay u arkeen inta ay noolyihiin bulsho taqaano afkaartooda aysan dalka maamuleen, Waxeyna is tuseen in la gaaray xiligi loo soo wareejin lahaa dagaaladaani dhanka iyo afaafka hore ee suuqa bakaaraha taasi oo jawabta ka dhalataa noqoneeso ” Ganacsigi Suuqa Bakaaraha , Gaw iyo Gash Maleh”
Ma Ogtahay Aqrostow in maalinti Sadexaad uu xiran yahay guud ahaan Ganacsiga Suuqa bakaraha, ujeedadi dadka iyo duunyadi somaliyeed loo baabi’inayo sadexdaa maalina tahay un xageena soo mariyay qadaadiicdi aad hore noogu taageeri jirteen.
Hadaba maxa la gudboon ganacsatada ku naajaxda dhiiga iyo Dhiicaanka Shacabka somaliyeed ee la daala dhacayo qaajada iyo dagaalada joogtada ah ee maanta marayo ,” Cidna uma Maqna, Ceelna Uma Qodna”.?
W/D: Cabdisamad C/qaadir
E-mail: Qubanaha@hotmail.com
Capetown Konfur Afrika
"Maxaa Galay Suqa Ganacsiga ee Bakaaraha" (Warbixin Xasaasi Ah)