Ciidamada Dowlada oo si buuxda ula wareegtay Degmada Hodan

0
Monday October 04, 2010 - 16:33:16 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 701
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowlada oo si buuxda ula wareegtay Degmada Hodan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Degmada Hodon Maxamed Maxamuud Dhabaney ayaa sheegay in Dowladda KMG ah ay si rasmi ah u bilowday sidii ay magaalada Muqdisho ula wareegi lahayad isla markaana uga bixin lahayd gacanta kooxo uu ku tilmaamay inay ku soo duuleen dalka iyo dadka.

Waxa uu sheegay in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay dowladdu bilowday howlgaladeeda ay ka waddo magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in ciidamada Dowladda KMG ah ay ku tallaabsadeen guulo dagaalada ay kula jiraan kooxaha mucaaradka ah oo ay ka qabsadeen aagag dhowr ah oo ay ugu horeyso nawaaxiga Tarebuunka, Isbitaalka Xoogga iyo guud ahaan degmada Hodon oo dhan.

“Guud ahaan Degmada Dowladda ayay gacanta ugu jirtaa” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Dhabaney oo ku sugnaa xaruntii hore ee Isbitaalka Xoogga, halkaasi oo ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen maalinimadii shalay.

Dhinaca kale isagoo la hadlayay Warbaahinta Guddoomiyaha Degmada Hodon waxaa kale oo uu sheegay in ciidamada Dowladda KMG ah ay gacanta ku dhigayaan degmooyinka kale maalmaha soo socda, wuxuuna tilmaamay in dowladda KMG ah uu ka dhammaaday dulqaadkii iyo rajadii ay ka qabeen kooxaha mucaaradka ahi inay aqbalaan baaqyada dib u heshiisiinta iyo wadahadal in lagu xaliyo khilaafka ui dhaxeeya Dowladda iyo mucaaradka, hase yeeshee taasi ay ka suurageli weysay dhinaca mucaaradka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip