Hubkii Sheekh Ata moo gabi ahaan lala wareegay

0
Wednesday November 03, 2010 - 11:13:25 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 741
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hubkii Sheekh Ata moo gabi ahaan lala wareegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu soo bandhigay hub iyo agabyo kale oo ciidamada Dowladda ay ku qabsadeen dagaaladii ay la galeen maleeshiyada wadaadka mayalka adag ee Sheekh Maxamed Saciid (Atam) dagaallo ka socday muddo laba bilood ah buuraleyda u dhaxeysa Sanaag iyo Bari.

Madaxweyne K/X Puntland C/Samad Cali Shire ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay xarunta madaxtooyada magaalada Boosaaso waxa uu sheegay inay soo afjareen dagaallo ay kula jireen kooxo uu ku tilmaamay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Qaacidada dalka Soomaaliya o uu sheegay inay dhibaatooyin nabadgelyo darri ka wadeen degaanada ay maamusho Dowladda Puntland.

"Waxa sharaf ii ah inaan ka soo qeyb galo munaasabadda soo bandhigga hubkii iyo qalabkii kale ee laga qabtay argagixisadii ku sugneyd buuraleyda Galgala" ayuu yiri Madaxweyne K/X Puntland C/Samaad Cali Shire oo dhinaca kale sheegay in ilaa 8-gaadiid oo isugu jira kuwa dagaalka iyo xamuulka ay ka qabsadeen maleeshiyada Sheekh Atam.

Sidoo kale taliye Saciid Dheere wuxuu sheegay inay ka qabsadeen saanado hub isugu jira rasaasta loo isticmaalo qoryaha fudud, boobayaasha culus oo uu ka mid yahay Baasuukaha iyo waliba waxyaabo qarxa oo ay u diyaarinayeen inay ku aasaan waddooyinka iyo meelaha ay dadku ku badan yihiin.

Saciid Dheere oo ah abaanduulihii ciidamada Puntland ee dagaalada uga adkaaday kuwa Sheekh Atam ayaa isna ka warbixiyay guulihii ay ka gaareen dagaaladaasi oo uu sheegay inay ku qabsadeen in ka badan tobaneeyo maleeshiyada Sheekh Atam u dagaalamayay, kuwaasi oo uu sheegay inay dhowaan maxkamad soo taagi doonaan, iyadoo xukun dil ah lagu xukumay todobaadkii la soo dhaafay mid ka mid ah maleeshiyadii lagu soo qabtay dagaaladii ka dhacay buuraleyda Galgala.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip