Nuur Cade, Cali Khaliif, iyo Xasan Abshir oo Fariin udiray Dowlada

0
Monday November 08, 2010 - 12:15:56 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 769
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuur Cade, Cali Khaliif, iyo Xasan Abshir oo Fariin udiray Dowlada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddex mas'uul oo horay u soo qabtay jagada Ra'iisal Wasaaraha xukuumadihii dalka soo maray wixii ka dambeeyay sanadkii 1991-kii magacyadoodu kala yihiin Prof.Cali Khaliif Galleyr,Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Xasan Abshir Faarax ayaa iyagoo ka qeyb galay barnaamij ka baxayay Idaacadda VOA-da waxay uga hadleen marxaladihii ay soo mareen mudadii ay soo qabteen jagada Ra'iisal Wasaaraha ee xukuumadihii ay madaxweynayaasha ka ahaayeen C/qaasim Salaad iyo C/llaahi Yuusuf Axmed.


Prof. Cali Khaliif waxa uu ka digay in isku dhacyada caadiyan ka dhex dhaca Ra'iisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha aanay wax saameyn ah ku yeelan xukuumada Ra'iisal Wasaare Farmaajo, oo uu sheegay inay dhaceyso kala fikir duwanaansho ka dhex dhacda Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaarihiisa ay arrimahooda si hoose u dhameystaan, wuxuuna baaq u jeediyay Golaha Baarlamaanka KMG ah, kuna booriyay inay la shaqeeyaan Ra'iisal Wasaaraha.


Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa isna ka hadlay xaaladihii ay soo mareen xukuumadihii hore, oo uu sheegay inay xukuumadaan cusub ku qaadato waaya aragnimo, isagoo kula taliyay Golaha Baarlamaanka iyo madaxda sare ee Xukuumadda KMG ah inay meel iska dhigaan khilaafyada isla markaana ay la yimaadaan waxqabad mudada yar ee ka hartay jiritaanka dowladda KMG ah.


Sidoo kale Xasan Abshir Faarax oo isagu Ra'iisal Wasaare ka ahaa xukuumadii Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan ayaa sheegay inaysan waxba soo kordhin doonin haddii Ra'iisal Wasaare Farmaajo uu yareeyo Golaha Wasiiradiisa iyo haddii uu yareeyo isla markaasina aanay qancin doonin Golaha Baarlamaanka iyo madaxda sare, hase yeeshee waxa uu tilmaamay Xasan Abshir Faarax in muhiimadu tahay wada shaqeyn daacadnimo huwan oo dhex marta dhammaanba Golayaasha Xukuumadda KMG ah, gaar ahaan Baarlamaanka ayuu sheegay inay la shaqeeyaan Ra'iisal Wasaare Farmaajo.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip