Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada caalamka
*Kooxda Ac Milan ee wadanka Talyaaniga ayaa qorsheyneysa dalab ay u dirto weeraryahanka kooxda Sampdoria xidiga lagu magacaabo Antanio Cassano.
KooxdaMilan ayaa dooneyso in A.Cassanoay kubuuxiso booskaxidiga reer Brazil Ronaldinho hadiiuu ka tago garoonka sansiro bisha janaayo .
xiriirka u dhaxeeya Ronaldinho iyo macalinkiisa ayaa mudooyinkii danbe mugdi ku jiray taasi oo soo dedejisay in Xidigii hore ee kooxda Barcelona uu ka fîkiro mustaqbalkiisa ciyaareed.
*Goolhayaha kooxda Mancheter United Edwin Van Der Saar ayaa mar kale ku caliyay in uu garoomada gebi ahaan faarujin doonto marka uu dhamaado xili ciyaareedka hada socda.
xidiga u dhashay wadanka Holland Van Der Sar oo 40 jir ah ayaa ku sugnaa garoonka Old Traffold ee kooxda Manchester United 5 tii sano ee la soo dhaafay isagoo kula guuleestay kooxda shayaadiinta cas cas koobab badanoo uu ka mid yahay koobka Horyaalada Yurub.
*Daafaca kooxda Arsenal xidiga lagu magacaabo Thomas Vermaelen ayaa la shaaciyay in uu garoomada ka maqnaan doono inta ka harsan sanadkaan.
Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay in daafaca u dhashay wadanka Belgium-ka uu dhaawaciisa qaadan doono ugu yaraan mudo bil ah.
Vermaelen ayaa waxa uu dhaawaca ka soo gaaray kulan uu xulkiisa kal hore la yeeshay wadanka Turkey 7 September .
*Macalinka kooxda Tottenham Harry Redknapp ayaa lala xiriirinayaa in uu badalo booska uu baneyn doono macalin u dhashay wadanka Talyaaniga ee leyliya qaranka wadanka England Fabio Capello.
xiriirka FA wadanka England ayaa si cad u sheegay in macalin Redknapp yahay shaqsiga ugu cad cad xiligaanin uu kursiga kala wareego Capello marka uu shaqada ka tago wixii ka danbeeya koobka qaramada qaarada Yurub oo lagu qaban doono wadamada Ukraine iyo Poland sanadka 2012-ka.
*Kooxda Juventus e wadanka Talyaaniga ayaa digtaanow adag waxa u gashay sidii ay garoonka Olympic ee magaalada Torino u keeni laheyd xidiga weerarka kooxda Sampdario Giampaolo Pazzini,
Pazzini oo 26 jir kana tirsan xulka qaranka wadanka Talyaaniga ayay kooxda uu macalinka u yahay L. Del Neri ayaa waxa ay ku heysaa il gooniya.
xidigaasi hore ee kooxda Fiorantina ayaa waxa uu ka mid yahay weeraryahanada ugu xariifsan horyaalka Serie A Talyaaniga xiligaan ka ciyaaro.
*Macalinka Kooxda Liverpool ee wadanka Ingriiska Roy Hudgson ayaa aduun gaarayo (£10 million) waxa uu ku baadi doonayaa xidiga kooxda Fulham Clint Dempsey.
Ciyaaryahan oo u dhashay wadanka Mareykanka ayay kooxda ka dhisan garoonka Anfiel waxa ay dooneyso in ay soo xiro galiso marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda qaarada Yurubbisha Janaayo.
Cabdiqani Cali Dalmar
riyaale10@hotmail.comBern-Switzerland
Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada caalamka
Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada caalamka