Giriiga oo darbi ka dhisanaya muhaajiriinta Africanka ah

0
Sunday January 02, 2011 - 20:54:15 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Giriiga oo darbi ka dhisanaya muhaajiriinta Africanka ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Giriiga ayaa waxay sheetay inay qorsheyneyso inay darbi dheer ka dhidto xadka ay la wadaagto dalka Turkiga si ay iskaga celiso dadka tirada badan ee muhaajiriinta Africantaah ee Somalida u badan oo dalkaasi ku sii qul qulaya kadibna uga gudbaya wadamada kale ee Qaaradda Yurub.


Saraakiil u hadashay wasaaradda arrimaha gudaha dalka Giriiga oo la hadlay wakaala wararka dalkaasi u faafisa ee ANA ayaa waxay sheegeen inay dajiyeen qorshe darbi aad u dheer looga dhisayo xadka u dhaxeeya wadamada Giriiga iyo Turkiga si looga hor tago dadka sida weyn ugu qul qulaya dalkaasi Giriiga ee ka gudbaya dalka Turkiga kuwasoo u sii gudba wadamada Yurub si ay nolol uga raadsadaan.

Wasiirka Wasaaradda Jnsiyadaha dalka Giriiga Christos Papoutsis ayaa u shegay wakaaladda wararka ee ANA in qorshuhu yahay in muddo 6 bilood ah lagu dhameystiro darbigaasi waxaana uu intaa ku daray inay barnaamijkaan kala kaashanayaan ururka Midawga Yurub.


Christos Papoutsis waxaa uu wareysigiisa ku sheegay inay dhisayaan dhul dhirirkiisu yahay 206 KM inta hartayna ay geyn doonaan ciidamo xaduuda illaaliya si loo hor joogsado muhaajiriinta African ah ee Somalida u badan ee ka gudbaya xaduuda labada dal.


Sanadkii tagay ee 2010 ayaa waxaa la sheegay inay ka gudbeen xadka u dhexeeya Giriiga iyo Turkiga dad ka badan 33,000 oo ruux oo tahribayaal ah kuwaasoo badankood ka tageen wadamada Somalia,Al-geria,Afhanistan, Ciraaq iyo Pakistan.


Mas'uuliyiinta xukuumadda Athens ayaa sheegay inay maalin walba ay xadka ka gudbaan dad 200 oo qof ka badan waxaana hadda ku jira xeryo qaxooti oo Geriiga ku yaala 300,000 oo qaxooti ah kuwasi oo dad Soali ah ku jraan.


Dad badan oo qaxooti Somali ah oo ka cararay dagaalada Somalia ka jira ayaa ku dhibaateysan wadamada Turkiga iyo Giriiga kuwaasoo ay halkaasi ku heystaan daruufo nololeed oo aad u liita.


Dhawaana war ay soo saartay laanta Q,M u qaabilsan dhinaca qaxootiga ee UNHCR ayaa waxay ku sheegtay inay dib u eegis ku sameyneyso dadka qaxootiga ee ku sugan dalka Turkiga.


Tahribayaasha Somalida ayaa safaro ku maraya wadamada Turkiga iyo Giriiga waxayna uga sii gudbaan wadamada kale ee Yurubta si ay nolol wanaagsan uga helaan hase ahaatee waxay la kulmaan dhibaatooyin adag oo xagga nolosha ah.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip