kooxda ac milan oo gurigeeda kumarti qaaday parma ayaa caawa ciyaartii dhex martay durbadiiba waxaa gool quxbadan,kadhaliyay parma C. Seedorf iyadoo ciyaartu socota in kayar 8 daqiiqo, Seedorf ayaa xiliyadii udanbaysay kumaqnaa dhaawac soo gaaray ,iyadoo sidoo kale oo milan usoo kacay ciyaaryanka nesta, oo qudhiisa cafimaad daro lamaqnaa,
goolkii labaad caawa waxaa ac milan usaxiixay Antonio Cassano oo goolkiisii 1aad u dhaliyay Milan tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Sampdoria horaantii sanadkan, milan oo 2kulan oo aan soo dhaafnay horyaalka talyaaniga aan kaxaa xabin sedax sedax dhibcood kadib markii ay iskugu xigsatay laba kulan oo bareeja ah taasina lagu tilmaamay farsamo xumo dhanka macalinka ah, maadaama kooxdu ay haysato ciyaartay fiican,macalinka milan
,max allegri ayaad mooday in uu wax kabedelay qaabkii hore iyadoo caawa uuna soo safin xidigiisa Zlatan Ibrahimović oo uu ureebtay ciyaarta kusoo foolka leh ee ay milan la ciyaari doonto Champions League ee, Tottenham ,wareegii 16aad
labada laacib ee reer barzil ee milan ay ku tashato pato iyo rubinho ayaa caawa qaytii hore ciyaarta la,arkayay iyagoo fadhiyaan kurisiga loogu tala galay keydka inkastoo ciyaarta qaybtii danbe lasoo geliyay, waxaana caawa ciyaarta soo afjaray rubinho oo labadii gool ee udanbaysay ku quusiyay kooxda parma laba gool oo isku xig xigay islamarkaasina kala dhaliyay daqiiqadihii 62'aad iyo 65'aad ciyaartana waxay kusoo geba gebowday 4 waxba sidaasina ay parma uga qul qushay san siro guuldaro xanuun badan. Milan kuma ayan guuleysan horyaalka talyaaniga tan iyo sanadii 2004ta, waxaana sanadkaan ay ku jirtaa tartan xoogan.oo in ay qaado horyaalka talyaaniga.
sodoo kale waxaa caawa quus geliyay as roma kooxda kaalinta labaad kujirta horyaalka ee napuli kadib markii ay 2 iyo waxba ay kusoo quusisay kooxda roma. ciyaartan oo kadhacady garoonka kooxda Roma Olympico ayaa waxay aheeday mid aad uxiisa badan islamarkaasina adkeed,iyadoona qaybtii hore ee ciyaarta aan waxba leeska dhalin oo lees mari waayay hase ahaatee qaybtii danbe ciyaarta ayaa waxay napuli dhalisay gool rigoore ahaa oo uu dhaliyay ciyaar yahanka Edinson Cavani daqiiqadii 50'aad ee qaybtii danbe ciyarta, intaasi kadib ayay ciyaartu aheeday mid sii kululaatay waxaana calamada jalaha ka qatay napuli E. Lavezzi iyo cavani, goolka labaad ayaa waxa udhaliyay napuli isla cavani daqiiqadii 83'aad Edinson Cavani ayaa dhaliyay goolasha ugu badan ee horyaalka asigoo dhaliyay intii uu horyaalku socday 21gool
iyadoo sidaasina ay ku quusatay kooxda Roma oo todobaadkii labaad lakulantay guuldaro xanuun badan iyadoo isbuucii horana ay kasoo badisay intar milan
napuli ayaa kujirta kalinta labaad ee horyaalka talyaaniga iyadoona leh 49 dhibic halka milan ay ku hogaaminayso horyaalka 52dhibcood kaalinta sedaxaadna waxaa kujirta inter milan oo ay udhimantahay sedax kulan oo ay ugu soo horayso kulanka juvantus habiindanbo
maxamuud cigale
maxamuudcigalle@hotmail.com
masuulsare114@hotmail.com
bari-itly
Ac Milan oo goolal ku waraabisay Parma iyo napuli oo quus gelisay As Roma
Ac Milan oo goolal ku waraabisay Parma iyo napuli oo quus gelisay As Roma