
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Dowladda KMG ah G/Sare Xasan Maxamed Nuur (Muungaab) oo dhageysanayay eedeymaha loo soo gudbiyay Maxkamadda, kuwaasi oo halyey Maxamed Dheere ku soo eedeeyay inuu geystay dil toogasho ah, hase yeeshee mas'uuliyiintii soo eedeysay aanay ka soo xaadirin qaadista iyo dhageysiga dacwadda ay ku soo oogeen.
Maxkamadda markii ay dhageysatay qoraalka ay soo gudbiyeen hay'adahaas oo aan dhameystirneyn isla markaana aanay la socon wax caddeymo ah oo muujinaya inuu Maxamed Dheere uu galay dembiga ay ku soo eedeeyeen ayaan waxaa goobta ka cadaanin inuusan wax lug ah ku lahayn arrimahaas lagu soo oogay.
Sidaasi darteed Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee G/Banaadir markii ay u cadaatay in dembiga lagu soo eedeeyay Halgamaa Maxamed Dheere uu yahay mid aan waxba ka jirin isla markaana la waayay marqaatiyaal si buuxda ugu caddeeya waxay Maxkamaddu go'aamisay in Maxamed Dheere uu xor ka yahay waxyaabaha lagu soo eedeeyay, sidaas darteedna dib loogu celiyo xorriyadiisii, ciidamada Amnigana ay ku hubsadaan gurigiisa, Maxkamadda agteeda uu xor ka yahay.
Intaa kaddib xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa soo jeedisay in halyey Maxamed Dheere maadaama dembigii lagu soo eedeeyay lagu waayay, marqaatiyaalna aysan goobta imaan isla markaasna uu yahay nin mas'uul Qaran ah loona geystay sharaf dhac iyo xorriyad ka qaadis, waxay xeer ilaalintu soo jeedisay in tacadigaas lagula kacay darteed 10-Milyan Dollar loo siiyo magdhaw ahaan.
Halgamaa Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo ay taageerayaashiisa barbar socdeen ayaa mar qur ah waxay ka soo muuqdeen albaabka hore ee xabsiga dhexe, iyadoo isla markiiba warbaahinta oo ku sugneyd goobta ay la raaceen qalabkii ay wateen kuna jeediyay Maxamed Dheere Kaamarooyinkii iyo Maykarafoonadii ay wateen, taasoo taageerayaashiisa u suurtagelin weysay inay u hambalyeeyaan.
Maxamed Dheere oo wejigiisa ay ka muuqatay farxad iyo reyn reyn aan la qiyaasi karin ayaa albaabka hore ee xabsiga dhexe Saxaafadda shir jaraa'id ugu qabtay, isagoo ugu horeyn u mahad celiyay Saxaafadda, Maxkamadda iyo Taliyeyaasha ciidamada, wuxuuna sheegay in xaqa uu mar walba koreeyo, baadilkana uu hooseeyo.
Halgamaaga waxaa kale oo uu intaasi ku daray in muwaadinka looga baahan yahay inuu isku kalsoonaado isla markaana uu ka shaqeeyo cadaaladda, sidaa darteed ayuu yiri "Waxaan leeyahay dhammaan intii gacan ka geysatay sii deynteyda, bulshadii Soomaaliyeed ee bannaanbaxa ay ku dalbanayeen dhowrka maalmood, saxaafadda madaxa bannaan.
Dhinaca kale boqolaal dadweynaha Muqdisho ayaa ku sii qulqulaya guriga halyey Maxamed Dheere si ay u soo booqdaan isla markaana ugu hambalyeeyaan sii deyntiisa, waxaana xirmay gebi ahaanba waddooyinka gala hoygiisa oo hareeyay buuq iyo sawaxan dadweyne oo suugaan kala duwan ku rakibtay hareeraha guriga halyey Maxamed Dheere.
Muqalada Soo Deesmadi M/Dhere iyo Dabal Dega Tagerayashisa