Sergio Aguero Iyo Lionel Messi Oo Guul Ku Hogaamiyay Argentina Kulanka Isreebreebka Koobka Adduunka.

0
Wednesday November 16, 2011 - 13:58:02 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sergio Aguero Iyo Lionel Messi Oo Guul Ku Hogaamiyay Argentina Kulanka Isreebreebka Koobka Adduunka.

    Sergio Aguero ayaa dhaliyay goolka guusha ciyaarta oo lix daqiiqo ay ka harsan tahay ka dib markii goolkii barbaraha ee Lionel Messi ay ka caawisay Argentina inay 2-1 ku garaacaan xulka Colombia, taasoo dib ugu soo celisay hogaanka sarre ee isreebree

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sergio Aguero ayaa dhaliyay goolka guusha ciyaarta oo lix daqiiqo ay ka harsan tahay ka dib markii goolkii barbaraha ee Lionel Messi ay ka caawisay Argentina inay 2-1 ku garaacaan xulka Colombia, taasoo dib ugu soo celisay hogaanka sarre ee isreebreebka koobka adduunka ee Latin America. Messi, ayaa qol badan oo la siiyay markii tababare Alejandro Sabella uu istcimaalmay Aguero.

Colombia ayaa hogaanka qabatay dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta markii bulisiyoon uu soo tuuray ciyaaryahanka khadka dhexe Darlon Pabon ay ku dhacday Javier Mascherano taasoo daba martay goolhaye Sergio Romero.

Guushaan ay gaartay Argentina ayaa waxa ay ku dhibco yihiin xulka Uruguay oo ay wada leeyihiin 7 dhibcood, inkastoo xulka Copa America heysta aysan ciyaarin isreebreebka koobka adduunka oo kulan uu u baaqday.

“Waxaan doonaynay inaan aarsano, sababtoo ah wixii dhacay kulankii Bolivia. Waxaan inaan badinay sababtoo ah waxaan iska dhaadhicinay inaan cid walba garaaci karno” ayuu Aguero u sheegay suxufiyiinta ciyaarta ka dib.

Argentina ayaa ciyaartan ku bilaabatay iyagoo feejignaan qaba madaama ay dhaleeceyn weyn kala kulmeen markii ay Venezeula ka badisay bishii hore, islamarkaana ay Buenos Aires barbaro 1-1 ah kula galeen jimcihii xulka Bolivia.

Kulamada kale ee isreebreebka koobka aduunka ee Latin America, xulka Ecaudor ayaa labo gool iyo waxba waxa ay direen xulka Peru, halka Chile ay natiijo midaas la mid ah ku garaacday xulka Paraguay, Venzuela ayaa iyadana waxa ay hal iyo eber ku tuntay Bolivia.


xigasho laacib.net

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip