Kabtan Gerrard oo ku hadaaqay in Liverpool aysan cabsi ka qabin kulanka City ay la yeelanayaan 3 January

0
Sunday January 01, 2012 - 13:34:47 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kabtan Gerrard oo ku hadaaqay in Liverpool aysan cabsi ka qabin kulanka City ay la yeelanayaan 3 January

    Kabtanka Kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa waxaa uu u digay dhigiisa kooxda Manchester City in aysan wax cabsi ah ka qabin kulanka ay Etihad Stadium kula kulmayaan sanadkaan cusub bilaawgiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kabtanka Kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa waxaa uu u digay dhigiisa kooxda Manchester City in aysan wax cabsi ah ka qabin kulanka ay Etihad Stadium kula kulmayaan sanadkaan cusub bilaawgiisa.
Ciyaaryahaankaan 31 jirka ah ee Gerrard ayaa habeenki jimacaha kooxdiisa ka caawiyey guushii ay kooxda Newcastle ka gaareen garoonkoosa Anfield oo ay 3-1 kusoo idlaatay kadib markii uu kursiga keydka kasoo kacay isagoona u dhaliyey goolkii u dambeeyey ee kooxdiisa dhaliso sanadka 2011.

Kooxda Reds waxa ay kulanka soo socda ciyaari doonaan 3 january iyagoo u safraya Kooxda hogaanka u heysa Premier League ee Man City kulankooda labaad waxaana City ay maanta la ciyaari doontaa Kooxda Sunderland.

Kabtanka Merseyside ayaa maqnaa kulankii lugta hore oo ay laba kooxda kulmeen kasoo kusoo idlaaday 1-1 bishii November ee sanadkii hore kulankaas oo ahaa mid xiiso gaar lahaa oo ay Reds ku dhawaatay aaqirkii ciyaarta in ay guul gaarto balse uu dhuunta u galay Goolahayaha Kooxda City ee Joe Hart.

"Waa Team Cajiib ah oo qatar ah kuwaasoo ku bilaawday xilli ciyaareedkaan si wanaagsan laakin annaga wax cabsi ah kama qabno iyaga” sidaas ayuu Kabtan Gerrard u sheegay liverpoolfc.tv.




W/D: Abdi Shiine Moalin
E-mail: shiine173@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip