Gabay Dharaar
Gabaygani waxaan doonayaa inaan ugu caqli celiyo oo aan ku baraarujiyo bulshada soomaaliyeed iyo inaan sida dharaarta u cadeeyo waxyaabaha muruga keenaya ee laysku haysto iyo inaan sidoo kale ku falanqayn dooda dooda ku saabsan
'' Muqdisho yaa leh '' oo baryahan danbe noqotay wax ay idaacadaha qaarkood Sida Telefishinka Universal ciwaan ka dhigteeniyo mawduuc ay dadka ku maaweeliyaan ciwaankan (Muqdisho yaa leh)dadka lagu mashquuliyo waxaan ku tilmaami karnaa waa warxuma tashiil.Xigmada soomaaliyeed ayaa tiraahda
'' Si xun wax u sheeg sixir waa ka daran yahay'' iyada waqtigan aynu dhihi karo waa laga haboonyahay in dad waaweyn hawl ka dhigtaan meel hebla yaa leh? iyo wax la mida waayo Barrin kasta iyo bogcad kasta cidna kama dahsoona cidda leh .
In dood laga furo arimahaas waxaa ka wanaagsan in bulshada wax ka wanaagsan loo sheego ,marka waxan leeyahay cid waliba oo Soomaaliya oo wanaaga jeceli ha ogaato dhulka in sina loogu simanyahay haddana qof waliba uu ilaah deegaan gaar ah ku beeray marka Annigoo taa ka duulaya ayaan tixadan sameey tixdana magaceEda waxa la yiraahdaa ''Dharaar'' tixdiina waa sidan ee ka bogasho wacan
Madhawaaqin waayadan murtida kummana dheeraane
Dhabadeeda waa taanan marin dhowr guyoo tagay
Waataan dhanbaalkiisa gabay dhaafay waa hore ,e
Waataan ka dhowrsaday sidii laygu soo dhacaye
Hayeeshee anoo dhigay ayaa dhiilo ii timide
Bal aan dhayo halkii dhaawacee dhiigu uga yaalo
Dhamaan noolahoo idil intii eebe uu dhaliyay
Midba midab ku dhiganbaa jiroo lagu dhugtaa jeere
Dhulkana meel ayuu kaga agyahay laguna dhowraaye
Dhugiyo kaneecadu kasimiman micida dheertaaye
Dheef qura ayeey wada cunaan dhiiga noolahaye
Dhuuracasadiyo jirac kasiman dhugasho muuqiiye
Dhulkana meel kamay wada galaan kumana dhuuntaane
Dhuunyaal iyo shiniba waa labada dhooba malabkiiye
Dhir quran kamay wada guraan ubaxa dhiinkiise
Dhabtii noolahoo idil kasiman labada dhaayoode
Dhan qurana kamay wada arkaan dhool ku soo dumaye
Labadii isla dhalataa ka simin dhaxalka reeroode
Mid waliba intii loo dhiguu dhinac la aadaaye
Hadiise uu mid dheeraad la tago dhacantay maantase
Kala dhimasho woow halis midkii dheefti aan heline
Sidaa waxaa kadhigana oon ka dhicn amase dhaafsiisan
Nin dhulkiise joogee mid kale dooni dhaqankiisa
Ee raba in uu kali dhargoon dhugan walaalkiiye
Waxse aan la dhaygagay amaan dhab ula sii yaabay
Dhiiranida damciyo xumaha laysku wada dheehay
Oon dhinacna loogaga tagayn dhagarya hoosaadka
Hadiise ay dhugmadu siisay oo dhowrsi laga jeestay
Nina innaanu dhaxalkii ka tagin yaa dhab ugu sheega
Hashii maalintay dhalatay aad dhuuga ka eryaysay
Nina in aanu caaneheed dhamayn yaa dhab ugu sheega
Dheemasha howdkiyo hashaad laanta dhabi siisay
Nina innaanu gaawaha u dhigan yaa dhab ugu sheega
Hashaad dhadada waagiyo qaboow dhacay u soo jeeday
Dharaar in aadan uga seexanayn yaa dhab ugu sheega
Hashii kuman iyo dhowr sano kabadan laysku wada dhaafay
Nina innaanu kaa dhici karayn yaa dhab ugu sheega
Intaasi waa madhaafanka iyo dhumucda suugaanta
Markana waa in aan kala dhigoon dheeli ka ilaasho
Taariikda dheer iyo hadaan dhigan u soo laabto
Ma dhamaato aasaartu waa dhaqan ma guurtaaye
Waa dheeha muuqdee umadi dhaad u leedahaye
Waa geed dhex wayn oon marnaba dhigin cagaarkiiye
Dhulkan way ku taalaa hadaad dhab uga eegtaaye
Hadiise laysku dhaarsado oo dhaawac lala doono
Waa dhagax masaar lala dhaceen dhinacna soo goyne
Aloow yaa ka dhowrsada xumaha kuma dhaqaajaane
Dhilowyahanka geedkaa ka baxa laammo dhaladoode
Dhana uma ekee waa amuur eebe uu dhigaye
Hadiise ruux ilaahay dhisee dheele ka ilaalshay
Ee dheega muuqiyo xubnaha dhaawac laga reebay
Dhulkana meel u gaariyo halkuu dhawrto laga siiyay
Uu sida dhigaa jecel yahuu dooni dhalankiisa
Waa dhabano hays iyo layaab aan is wada dhaamin
Wuxuu ugu dhutiyey sow ma ahan dhalan rog qaabaysan
Ninkase geedka loo dhaarsanyiyo miraha dhoodhoobay
Iyo kii in uu dhuuqa raba sow makala dheera?
Iyadoo dhir geedo ah ninkii beer ka dhiganaayay-
iyo kii u soo dhoofi jiray sow makala dheera
Ninka dhiisha caaniyo qoryaha dhilaya soo qaada-
iyo kii dhismaha uun layimid sow ma kala dheera
Ninka dhigan walaalkii u shubay dhiito iyo caano-
Isaguna dhibaatada la rabo sow ma kala dheera?
Ninka gogosha dhigay ee martida dhab ugu sheekeeya-
iyo kii in uu dhaco u yimid sow ma kala dheera
dhabadoo mugdiya kaad dartiis dheelmad ugu jiiday-
isaguna dharaar kaaga tagay sow ma kala dheera
dhagta waaga ruuxii hurdada dhab uga soo toosay
iyo dhagarta kii ula tagaa sow ma kaladheera
dhalan dhool ninkii aad dartiis dhadida sii jidhay-
Isna dhededa aan kuugu iman sow ma kala dheera
Dhabtii aad fadhiday kii aad tiri dhinac kasoo jiifo
Isaguna dhulkii kaaga tagay sow ma kala dheera
Ninkaad dhaanki awrtaada tiri dhanac ka heryeeyso
Isaguna dhanqalan kaaga tagay sow ma kaladheera
Dheelmadkii habeenimo ninkaad bahal kadhowraysay
Isaguna dhankaaga uun larabo sow ma kala dheera
Dharbaaxad cadaawaha ninkaad dhinici taagnaatay
Isaguna ku dhaawacaya uun sow ma kala dheera
dharaartay xumaataba ninkaad dheeliga u diiday
Isaguna dhibtaadii ka talin sow ma kala dheera
Intaas oo dhan sida dhaanka owr dheega ma u saaray
Dhab ha loo hadlee sida dhalaal dheeh ma uga qaaday
Dhuuxeeda suugaanta iyo dhumucda mow sheegay
Dhedo roob ma noqotee sidii dhibicda mow hooray
Dhega taag sidiisii murtida dhidibka mow aasay
Xayliyo dhigiisii tixdii ma ugu dheeraaday
Dhirta geedahoo kale murtida ma isu dhaadhaafshay
Dharkaynkiyo cadaadkiyo sidii dhirindhir caanoodka
Ama qurac dhidhiban iyo maray qodaxdu dheeraatay
Dhuunkaalkiyo mareer iyo sarmaan amase dhiigtaarka
Dhamaan geedahoo idil intii xabagta soo dhiinsha
Ama miraha dhala ee dhulkii lagula noolaado
Dhilowyahanka jeer ay kutahay dhaaf ismaan orane
Ma dhameeyay hadalkaan wax badan dhararay sheegiisa
Maku dhaabay meeshii inbadan lagala dheeraaday
Dhoonyaha sidoodii xargaha ma ugu dheeraarshay
Dhafar iyo hogaan ma uga dhigay awrka dhaladiisa
Dhigihiyo aglooshii udbaha dhinaca mow saaray
Nikii dhowrayoow hadalku waa kaan wax kuu dhimine
Dhug uyeelo maansada aday kugu dhacaysaaye
Sharaxa erayga '' Xayle'' = SuldaanAxmedWardheereXayle
'' Dhegataag''Waa Abwaan JimcaaleDhegataag"
Waa Hal abuurkii
Yaxye Xaashi MaxamEd
asad75love@hotmail.com
Gabaygii Dharaar( oo Gabay xigmad badan oo dhinacyo badan taabanaya )
Gabay Dharaar Gabaygani waxaan doonayaa inaan ugu caqli celiyo oo aan ku baraarujiyo bulshada soomaaliyeed iyo inaan sida dharaarta u cadeeyo waxyaabaha muruga keenaya ee laysku haysto iyo inaan sidoo kale ku falanqayn dooda dooda ku saabs