Faah-faahinta kulanka xisiaha badan ee Liverpool vs Arsenal?

0
Saturday March 03, 2012 - 13:38:12 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah-faahinta kulanka xisiaha badan ee Liverpool vs Arsenal?

    (Soomaalida Maanta) Waxaa galabta aduunka laga dawan doonaa mid kamida kulamada ugu adag ee lagaciyaaro aduunka waana ciyaarta dhex mareysa kooxaha Arsenal iyo Liverpool ciyaar ka dhici doonta Anfield.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Soomaalida Maanta) Waxaa galabta aduunka laga dawan doonaa mid kamida kulamada ugu adag ee lagaciyaaro aduunka waana ciyaarta dhex mareysa kooxaha Arsenal iyo Liverpool ciyaar ka dhici doonta Anfield. Kulankan oo si kale markii loo yiraahdo waa dagaal dhex maraya magaalooyinka London iyo Liverpool waxaana geeska Afrika laga dawan doonaa saacadu Markey tahay 3:45 galabnimo.

Liverpool koox ahaan waa kamagac weyn tahay Arsenal waana kooxda labad ee ugu guulaha bdan wadanka ingriiska kadib United.

Warbixinta labada koox

Liverpool ayaa sugeysa in ay ogaato xaalada caafimad ee kabtanka kooxdaas Steven Gerrard kaas oo dhawacmay kulankii England iyo Holland .

Daafaca garabka Glen Johnson ayaan xaaladiisu wanaagsaneyn kaas oo dhawac ku seegay kulankii Holland iyo England waxaana siodoo kale kulankaan dhawac ku seegi doona Daniel Agger waxaana ay taasi fursad siineysa daafaca waaya araga ah Jamie Carragher.

Arsenal ayaa kawal walsan xaalada kabtan Robin van Persie iyo daafaca Thomas Vermaelen oo dhawacyo qaba iyadoo uu kulankaan seegi doono Aaron Ramsey tiiyo ay jirto in uu tababarka ku soo laabtay Abou Diaby.
Hadalada macalmiinta

Kenny Dalglish: ” wax walba waa ok waxaan udagaleynaa booska 4 aad iyaguna sidoo kale taas ayaa ciyaarta ka dhigi doonta mid adag”

Arsene Wenger: " marabno in aan mar kale galno walaac waa in aan udagaalnaa sidii kulankii Tottenham waxaan rajeynaya in aan galabta adkaano”

Dhado gooni ah

Tababaraha kooxda Liverpool Kenny Dalglish ayaa kulankiisii 450 aad kaqeyb gali doona kulan katirsan Premier League waayihiisii Liverpool, Blackburn iyo Newcastle

Theo Walcott oo ka tirsan kooxda Arsenal ayaa ku soo bilaaban doona kulankiisii 100 ee Peremier League.

Xidigaha laga yaabo in lagu soo bilabo labada koox .

LIVERPOOL

Reina
Kelly, Carragher, Skrtel, Enrique
Gerrard, Spearing
Henderson, Suarez, Downing
Carroll

ARSENAL

Szczesny
Sagna, Koscielny, Vermaelen, Gibbs
Arteta, Song
Walcott, Rosicky, Benayoun
Van Persie



W/D: Abdi Shiine Moalin
E-mail: shiine173@hotmail.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip