Gabaygii Sahan 12aad ee Silsilada Sallaamaley, Abwaan Bashiir C/raxmaan Diiriye (Quule)
- Visits: 2620
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Marka hore waxaan salaamyaa , abwaankii bilaabay Silsiladaan cusub Sallaamaley Abwaan Xasan Faarax (xasandaaci ) iyo dhamaan Abwaaniinadii ka qayb qaadatay , sida AbwaAn Khaliif Faarax Xayir , Abwaan Cabdiraxiin Hilowle galayr . Isku xiraha Silsilada iyo Kaydiyaha Abwaan Bashiir XIrsi iyo dhamaan abwaanadii kaloo ka qayb qaatay waxaan jeclaan lahaa inaan halkaan ku soo bandhigo tix kooban oo aan ugu tala galay Silsiladaa inaan kaga qayb qaAto tixdaas oo mageceeda layiraahdo (Sahan) waxaana ka cudur -daaranayaa hadii ay ku jiraan ama cid taabanaya in la iga raali ahaado waxaanan isku dayayaa waxii i seega maahee inaan ilaaliyo xeerka iyo xuquuqda Silsilada iyo gebi ahaan suugaantaba Haddana waa kan Gabaygii ee ka bogasho wacan :
1. Siinlayda gabay waayadaan ,waan ka saahidaye
2. Ma samaynin maansooyinkaan, saaxi ku ahaaye
3. Sugaanta kuma aannan larin, sadaradaydiiye
4. Annigoo ka soomay mar kale, igu sallaameene
5. Aan sifeeyo waataad in badan, iga sugayseene
6. Sooyaalka taariikhdu waa ,surin la raacaaye
7. Sinjigiyo waxaa lagu bartaa ,suuradii hore e
8. Sax waxaad u baran meesha aad ,sal u lahaydeene
9. Sugaana waxaa lagu bartaa ,seerihii lumaye
10. Sammaantiyo xumaantay mar qura, kala sifaysaaye
11. Socod waxay ku gaadhaa halkaan, soofku marahayne
12. Samaan iyo xumaan wixii jiray, sax u abaartaaye
13. Mar bay samaha kaa caawisaa ,amase sooyaalka
14. Marna seed xun bay kugu ridaa ,ama sun meel taale
15. Seedaamo doogliyo marbay, nabada soohdaaye
16. Marna suluf colaadeed ayey, sahay uqaadaaye
17. Habda waa sidii loo dhigay ,sax u abaaraaye
18. Surinkaad u qaaday murtidu, kuula socotaaye
19. Nin waliba safkuu galo ayaa, laga su`aalaaye
20. Anna taydu waa sammaha iyo, eray sokeeyaade
21. Afartaa murdida socota iyo ,sawdka maansada dheh
22. Sifahaan ka geeraaro iyo ,sadaradaydii dheh
23. Afar kalana waa sahanka guud ,midaan ku saadashay
24. Sallaamaley murtida loo baxshee .socotay waagaanba
25. Saxan saxa udgoonay midaan, nabada saadaalin
26. Saaxiibadaydiyo ragii , saafay miraheeda
27. Seemaalka guud iyo naxwuhu, waa mid saafiya e
28. Hadii aan sarbeeb hoose jirin, soofku waa nabade
29. Sidaan urko maansada hadaan, anigu saadaasho
30. Sabaankii lasoo maray wixii ,shacabka saameeyey
31. Sakhmigii ka dhacay nooradkiyo ,soodka badidiisa
32. Kala soocankii dhacay markay ,taladu seerawday
33. Sabi iyo dhalaankii wixii ,seefa lagu boobay
34. Saakaba kanooline waxaan, subax usoo joognay
35. Inaan samiro mooyee si kale ,saaka may laha e
36. Hadii qaranka soomaaliyeed uu ,saldhigan waayey
37. Sodan sano iyo dheeraad haday ,socotay luubaantu
38. Nin waliba siduu rabo haduu, saca u maaalaayo
39. Sirtuu rabay shisheeyuhu haday ,sahal ku gaareene
40. Nin waliba salaan gaara baa ,lagu salaamaaye
41. Annigaa ku saacidahayee, soo dag bay orane
42. Adaan kula socdaa iyo sirbay ,kugu la meeraane
43. Sinji guurku aayaha danbay buu, saxal ku beeraaye
44. Ma sir yara ajaaniib hadaad ,sahashanaysaane
45. Sawdkaad ka garan sheekaday ,nagu sameeyeene
46. Soomaali waynay waqtiga ,waad lasocotaane
47. Halo saxo wixii kala dhexgalay ,labadan soomaali
48. Seeraha gumaystuhu dhigiyo ,sumadan waa beene
49. Sokeeyuhu makala maarmi karo ,suur kastoo dhaca e
50. Seddexda iga maqan baan rabaa ,inaa sal gaaraaye
51. Somaalidoo kala go,daa ,waa suaal adage!
52. Sidaa ma ahan kala guuristiyo ,seetadaan furane
53. Safar aan qorshaysnay bulshadu, way ku salshaaye
54. Soco tadu waxay qaadataa ,sahay ay quutaane
55. Sibraar caano geel iyo biyey, garabka saartaane
56. Adigoon salaameyn kuwaad ,sabad wadaagteenba
57. Adigoon u sababayn halkaad, uga sadcaalayso
58. Saxdu maahan inaad uun dhahdaa ,waan safrahayaaye
59. Sahan baa umaqan reerahoo ,saadanbay dagine
60. Sarac meel leh oo doogle baa ,suuban loo rarine
61. Inta qaranki soomaaliyeed, sax u imaanaayo
62. Saadaashu way wacan tehee, suga ayaan kooban
Waxaa Tiriyey
A bwaan Bashiir C/raxmaan Diiriye (Quule)
Quule252@hotmail.com
Fadlan waxii talo iyo Tusaale ah ee Silsiladan ku saabsan iyo ka qaybqaadashadeedaba waxaan kala xidhiidhi kartaa addigoo mahadsan
Ab Xasan Faarax Abiib (xasandaaci) daaci77@hotmail.com
Cabdiraxiin Hilowle Galayr galayr1977@hotmail.com
Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com
Gabaygii Sahan 12aad ee Silsilada Sallaamaley, Abwaan Bashiir C/raxmaan Diiriye (Quule)
Marka hore waxaan salaamyaa , abwaankii bilaabay Silsiladaan cusub Sallaamaley Abwaan Xasan Faarax (xasandaaci ) iyo dhamaan Abwaaniinadii ka qayb qaadatay , sida AbwaAn Khaliif Faarax Xayir , Abwaan Cabdiraxiin Hilowle galayr .