Yaa ashahaada la dirir ah W/D: Sh.Cabdi risaq Yusuf Adan

0
Saturday January 10, 2009 - 20:34:41 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1518
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa ashahaada la dirir ah W/D: Sh.Cabdi risaq Yusuf Adan

    Waxaa sanadahan danbe dhegaha soomaalida ku batay erayga Ashahaada la dirir , waa danbe weyn oo xaaraam ah in dad muslimiin ah lagu magacaabo Asahaado la dirir, waana takfiir garasho hooseeya qofkii isaga ahdaaqa isagoon garanayn xukun-kiisa iyo u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sanadahan danbe dhegaha soomaalida ku batay erayga Ashahaada la dirir , waa danbe weyn oo xaaraam ah in dad muslimiin ah lagu magacaabo Asahaado la dirir, waana takfiir garasho hooseeya qofkii isaga ahdaaqa isagoon garanayn xukun-kiisa iyo ujeeddada ka danbeysa.



 Eraygan waxaa si khaldan u isticmaala Bidcooyinka ku ganbada magaca diinta Islaamka . waxay ka dhigteen  hub ay kula dagaallamaan ciddii aan iyaga ahayn, waxayna ku xalaalaystaan dhiigga muslimiinta.

Taas awgeed, waxaa ku waajiba culammada caqiiddada wanaagsan, aqoontana u leh diinta Islaamka in ay caddeeyaan khatarta eraygan iyo ulajeeddada ay ka leeyihiin kooxaha adeegsada

Eraygan takfiirka ah ee  ashahaada la dirir wuxuu soo shaac baxay dagaalladii dhex maray   kooxihii la kala baxay midowga Maxaakimta iyo la dagaallanka argagixisada .

Magacaan waxaa dagaalka uga faa’iidaystey kooxihii maxkamadaha, waxayna ku heleen taageera badan oo ay kaga adkaadeen  qabqablayaashii la baxay magaca baadilka ah ee la dagaalanka argagixisada.

Kooxdii maxaakimta ee ku macaashtay eraygan Ashahaada la dirir , aad ayey ugu bogeen magacan waxayna ka dhigteen halku dhig aanay afka ka qaadin.
Kooxda Al-shabaab qofkii diida fikirkooda ama iska difaaca weerarkooda waxay ku magacaabaan Ashahaada la dirir. Waxaana xaqiiqa ah in Shabaabku yihiin kuwa ugu dhow ee u qalma in lagu  yeero magacaas maadaama ay yihiin muslim la dirir gala ku sheegay muslimiintii ashahaadayneysey dadkii noolaa laayey kuwii dhintayna ka soo qufay qabriyadoodii .

Fashalka 1-aad
Waxaa xaqiiqa ah in adeegsiga eraygani yahay mid fashalan, ayna ceeb tahay In weli lagu sii hadaaqo. Waxaan soo ogaannay in magacaan ashahaada la dirir ay soo isticmaaleen midowgii maxaakimta ayna Ashahaada la dirir ku magacaabeen Qabqablayaashii ay la dagaallamayeen iyo kooxdii isku magacawday dawladda ku meel gaarka.

Is weydiintu waxay tahay xagee ku danbeeyeen madaxdii maxkamadaha ee magacan u adeegsaday sida khiyaanada ah? Waxaan filayaa in jawaabtu caddahay .

Guddoomiyihii ururka maxkamadaha, ku xigeennadiisii iyo rag badan oo ka mid ahaa saraakiishii maxkamadaha waxay ku biireen kooxihii ay ku magacaabeen Ashahaada la dirirka       

Guddoomiyihii golha shuuurada ee maxkamadaha iyo qaar ka mid  gacanyarayaashiisii waxay hoos fadhiyaan raggii ay ku sheegeen Ashahaada la dirirka , waxayna marti u wada yihiin   Afaworkiga Eretereya ; weliba Xasan daahir wuxuu warbaahinta ka sheegay in Qabqablayaasha la jooga  ay yihiin Awliya Ilaahay , wuxuuna si gaara u magacaabay Xuseen Caydiid.

Fashalka 2-aad
Waxay maanta Ashabaabku ku magacaabaan Ashahaada la dirir :
1.    Madaxdii maxkmadaha gaar ahaan kuwii ururka ku samaystay magaalada Casmara, ka dibna u kala jabay garabka Jabuuti iyo garabka Casmara.

2.    Qabiilooyinkii dacadda u maleeyey ee la garab istaagay hiilka iyo hooga siiba reer Gal-guduud iyo Reer Dhoobleey.

3.    Idaacadihii u faadiyey taageerada aan kala harka lahayn , taasoo la oran karo waxay la mid ahayd wax aan jirin oo laga dhigay libaax geesa leh
Tan waxay kuu caddaynaysaa in eraygani uu dhinac kasta ka fashalmay mar waa kaar gubtay horay loo isticmaalay, marna kooxihii isticmaalay ruuxooda ayaa isku magacaabay Ashahaada la dirir

 Fashalka 3-aad
  Xaqiiqooyinka caddaynaya in ereygani yahay mid ay bidcooyinku u isticmaalaan dana gurracan oo ka fog diinta Islaamka waxaa ka mid ah waxay Al-shabaabku Ashahaada la diri ku magacaabeen ururka ONLF  oo ah jabhad la dagaallanta itoobiyanka .

Kooxahan sheegtay Islaamiyiinta  waxay sheegi jireen  in ay Ashahaada la diri tahay ciddii la dagaallanta dad gala la diriraya   haddaba haddii aan qaadanno hadalkooda, Shababku waa Ashahaada la dirir, maadaama ay la dagaalamayaan gaalana ku sheegeen ONLF oo muddo aad u dheer la dagaallamayey gaalada Ithiopianka ah.

Fashalka 4-aad
Fa shallada eraygan wuxuu sii caddaaday markii Shabaabku ay Ashahaada la dirir ku magacaabeen Culammaa’udiinka Ahlu-sunna wal-jamaaca.
 
Ahdalkaas waxay sheegeen markii ay weerar ku qaadeen Culammaa’u-diinka  deggan magaalada gurceel , ka dib ay difaac iyo jab kala kulmeen culammada iyo dadkiidegaanka.

Wax laga xumaado ayey noqotay  in Caalaimmiinta ahlu-suna ee la garanayo ay Ashahaada la dirir ku magacaabaan dbley ay  dagaal yahanno u yihiin qaar ka mid ah gaandheriyaashii Qabqablayaasha iyo koobigii ay soo tababareen  itoobiyaanku.

Fashalka 4-aad  Fashalkan waa kan ugu muhiimsan oo aan doonayo in aqoonyahamiinta iyo wax garadku ogaadaan  diin la’aanta iyo jiha wareerka ay  ku suganyihiin kuwa adeegsada  magacan fashalmay ee takfiirka ah.

Waxaan soo ogaannay in Ashahaada la dirir  ay ku magacaabeen ciddii sheegata ama ku shaqaysa barnaamijka loo yaqaan Argagixisa la dirir .  haddaba waxaa magacan ku shaqeeyey sheekhyada ugu waawayn wahaabiyada caalamka  oo ay ugu horreeyaan Cabdul-Casiis Bin Baas , Cabdul-Casiis Aala sheekh oo ah ninka beddeley Bin Baaz isla markaana ku abtirsada Sheekhooda Maxamed C/Wahaab, Muqbil bin haadi Al-Waadici , Al-Baani, Axmad Najmi , Cafiifi , Cusaymiin iyo kuwa kale , sheekhyadan wahaabiyada waxay qoreen kitaaba iyo risaalooyin ay ku  iftoonayaan in la laaayo lalana dagaallamo argagixisada uu usaama u yahay hormuudka  , waxayna caddeeyeen inay yihiin ahlul-baadil wax shuqul ah ku lahayn diinta Islaamka . haddaba manta aan Isla saxiixno in Sheekhyadiinnan  lagu magacaabo Ashahaada la dirir.

Haddana aan isla aqrinno   warbaahinnada wahaabiyada ee faafiyey iftaha sheekhyadan argagaxisa la dirirka ah iyo wixii ay ka dheheen Usaama Binlaadin iyo kooxdiisa.

Websit-ka wahaabiyada www.sahab.net wuxuu soo xigtay iftaha sheekhyada wahaabiyada oo caddaynaya in Usaama Binlaadin yahay Bidci khawarij ah oo argagaxisa ah ayna tahay in lala dagaallamo.

Bin Baaz oo u hadlaya hay’adda ugu sarreysa wahaabiyada adduunka ee uu madaxda ka ahaa wuxuu yiri: “Usaama arlada ayuu fasaadiyaa, wuxuu ku dadaalaa dariiqa sharta, wuxuuna ka baxay daacadii waliyul amriga ( boqor fahad). Sidaas waxaa qoray Majallada  Al-Muslimuun  iyo Sharqul-Awsad tariikh da 9-kii jamaadul awal 1417 .

Sheekha wahaabiyada Axmad Najmi wuxuu yiri: Usama iyo Daalibaan waa Bidcadii uu Nabiga CSWS yiri “Lacnaddii Ilaahay ha ku dhacdo qofkii bidcada xiriiriya.

Muqbil ibnul-haadi Al-Waadici oo ka mid ah garabyada ugu waawayn wahabiyawda adduunka wuxuu yiri : Ilaahay hortiis ayaan beri uga ahay  Binlaadin, wuxuuna ummadda ku yahay shu’mi iyo balaayo. Shaqadiisuna waa shar. sidaas waxaa qortay Jariidada Ra’yul Caaam ee Kuweyt cadadkeedii 11503.

Majallada Al-Buxuuthul Islaamiyah cadadkeedii 50-aad waxay qoratay Bin Baz oo mar kale iftooday in Usaama iyo kooxdiisu yihiin shar iyo fasaad weyn, ayna waajib thay in la cirib gooyo lagana digo qoraalladooda iyo oraalladooda. Sidaas oo kale waxaa faasidnimada Usaama iftooday saalax aala sheekh iyo hogaaamiyasha wahaabiyada. 18/11/2001

Waxaa la yiri:  “dugaaggu meeshii uu baruur uga barto macluul ayuu ugu baqtiyaa”. Hadallada lagu qaldo caamada sida ereygan ashahaada la dirir, waxay Shabaabka iyo xulafadoodu uga adkaadeen qabqablayaal jahligu halakeeyey, ummaddu nacday, wax xiriir ahna aan lalahayn culammada aqoonta u leh diinta Islaamka ;  waxay ku khaldeen shacab aan fahmin xaqiiqada kuwa diinta u sheegtay, laakiin maanta waxay soo fara gashteen dad uga aqoon  badan diinta Islaamka , ka taageera iyo sumcad badan ,  diyaarna u ah inay caddeeyaan eray kasta oo ay kaga been sheegaan diinta Islaamka.
w/Q: Sh.Cabdi risaq Yusuf Adan (Xafidahu allaah)

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip