Kooxda qaranka reer Jabuuti ee Deegaan ayaa maalinti shalay waxa sidiiran loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Kooxdaani ayaa waxa hogaaminayay abwaaniin caan ah oo kamid yahay abwaanka Soomaaliyeed ee Maxamud Cabdulaahi Ciise (Sangub) iyo abwaanka reer Jabuuti C/raxman Cows.
Kooxda Deegaan ee soo gaartay magaalada Muqdisho ayaa waxa kamid ahaa Fanaaniin uu kamid yihiin Qaliif, Rowdo, Nimco hindiyo, iyo musikiistaha caanka ah ee Soomaaliyeed Siidii Cali Wiinkey.
Kooxda Deegaan iyo abwaanka Sangub ayaa waxa loo galbiyay guriga Hooyooyinka oo kazoo horjeeda Golihi muritda iyo madadaalada Soomalaiya halkaasi oo qado loogu sameeyay wafdiga reer Deegaanka.
Abwaan Sangub oo warbaahinta lahadlay ayaa ugu horeyn waxa uu qiray isbadalka Muqdisho tan iyo xiligi ugu dambeesay ee dowladi Carto isagoona taa uga mahad celiyay dowlada xilka wareejineeso e uu hogaaminayo Sheekh Shariif.
Abwaaniinta reer Jabuuti ayaa dhankooda sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin imaanshaha Muqdisho oo ay uga dhigantahay dhamaadki halganki ay usoo galeen baraarujinta shacabka Soomaaliyeed iyagoona kufaanay in manta la joogo maalinti laharsan lahaa ducada ay had iyo jeer usoo hibeen jireen shacabka Soomaaliyeed.
“Runti nabada manta aan kujoogno muqdisho waxa mahadeeda leh Madaxweyne Sheekh Shariif waxana nagu waajib ah manta inaan qosolno qosol qala ah “, ayuu yiri Mid kamid ah abwaaniinta reer Jabuuti oo isaga oo faraxsan kula hadlayay warbaahinta magaalada Muqdisho.
Kooxda Deegaan eer Reer jabuuti ayaa lagu xasuustaa had iyo jeer heeso qiiro badan oo wadaniyadeed kuwaasi oo ay kutaageeri jireen dadaalada nabada Soomaaliya ee kasocda shirki Jabuuti iyagoo sidoo kalena mar walba soo saara heeso dhiiro galena h oo muujinayo inaan laga quusan dadaalada nabada Soomaaliya.
Heesaha lagu xasuusto kooxda deegaan ee reer Jabuuti ayaa waxa kamid ah
-Heesta Soomaaliye Toos
-Cana daatay baa dabadood laqabay
-Faras intuu talaabsado
-Dayaay Afirkaay Dayaa
-Soomaali magaca kamudneed aduunyada
Iyo heeso kale oo fara badan oo quluubta shacabka Soomaaliyeed aan ka go’I doonin.
Kooxda Deegaan ayaa manta usoo xaadirtay magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaadato munaasabada caleema saarka madaxweynaha cusub e Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamud oo ah madaxweynaha ladoortay ee Soomaaliya.
Hadaba wacdaraha kooxda deegaan ee munaasabada caleema saarka halkaan ayaa idinkugu soo gudbin doonaa
Kooxda Qaranka Jabuuti ee Deegaan oo si yaab leh Muqdisho loogu soo dhaweeyay
Kooxda qaranka reer Jabuuti ee Deegaan ayaa maalinti shalay waxa sidiiran loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.