Hadaba wixi la sugaa waxa uu dagaal lagu hoobto ka dhacay Degmooyinki kaliya ee ka bad baaday dagaaladi Muqdisho kuwaasi oo ay ku noolaayeen Shacabki ka qaxay magaalada inteedi kale, Dagaalkaani ayaa waxa uu dhaxeeyay sida la sheegay Ciidamo katirsan Dowlada Federaalka iyo Koox ka mid ah Kooxaha Kacdoonka.
Hadii aan ku hor maro Dagaalki ka dhacay Degmooyinka Makka iyo Madiino ayaa wax auu udhaxeeyay Maleeshiyooyin ka amar qaatay Gudoomiyaha Degmada Dharkeenley Mudane Daaci iyo Maleeshiyada kooxda lagu Magacaabo Jihaadu Islaamiya.
Dagaalkaan ayaa ahaa midki ugu qasaaraha badnaa marka loo eego kan ka dhacay Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan kaas oo isna udhaxeeyay koox katirsan Midowga Maxaakiimta oo fariisin ka dhigatay Isgoyska iyo Ciidamo katirsan Kuwa dowlada gaar ahaan Ilaalada Mas’uul katirsan Gobolka oo lagu magacaabo Mudane Nuur Diqle.
Hadaba qasaaraha labada dhinac eek u dagaalamay degmooyinkaan ayaa waxa bar barsocdo barakici ugu badnaa ee dadka deegaanka kuwaasi oo marki horeba la daalaa dhacaayay martidi kazoo qaxday degmooyinka Gobolka Banaadir intiisa kale .
Inkastoo Dagaalada udhaxeeyo kooxaha ku kacsan Dowlada iyo Ciidamada Dowlada ay yihiin kuwo caadi ka ah gobolka Banaadir ayaa hadana waxa dagaalkani dhaliyay guux aad ufara badan kaasi oo laga dheehan karo sida ay Iminka wax usocdaan.
Aabe Soomaaliyeed oo ku nool Degmooyinka Makka iyo Madiino ayaa waxa uu shabakada Warsheekh usheegay in Dagaalka iminka ka socdaa Deegaanadaasi ay yihiin Dagaal qorsheesan oo runtii oo ka mugweyn waxa iminka la sheegayo isagoo yiri hadii Dowlada iyo Mucaaradka heshiiyeen Ciidamada Dowladana gobo badan ay kaga sugan yihiin Gobolka Banaadir ma aqaano sabab lagu barakiciyo oo loogu diriro dusheena .
Hadaba Xaafadaha Afarta Jardiino, Geed Qalooc, Furqaan, Buulo Shiidle, Tabeelaha Jaceelka, Seylici, iyo Nasiib Buundo oo dhamaan ka wada irsan Degmooyinka Yaaqshid,Boondheere,Shibis iyo Kaaraan ayaa waxa ay dadka ku dhaqani muujinayaan wal wal fara badan kaasi oo ay ka cabsi qabaan in ay ka qaxaan guryahooda kadib dhufeesyo ay kaga jiraan ciidamo is diidan oo ku kala sugan xaafadahaani .
Hadaba shabakada warsheekh oo maanta ukuurgashay xaalada dhabta ah ee ka jirta Deegaanadaani ayaa waxa ugu horeen arkeesaa marka aad taagantahay Isgoyska Sanco Dhalinyaro ku labisan Cimaamado da’dooana udhaxeeso 16-30 oo ku hubeesan Qoryaha loo yaqaan Ak47 iyo Qoriga loo yaqaan Daba Miishaarka kuwaasi oo fariisin ka dhigtay dhamaan wadooyinka soo gala isgoyska haba ugu badnaatee Sarta Dheere ee Xaji Maxamud Mcalin oo ay ka saran yahay Dusha sare.
Sidoo kale marka aad sii eegto dhankaa iyo wadada aado Mowlaca sheikh Muxidiin ilaa Xaafaa Beexaani ayaa waxa arkeesaa in wax baabuur ahi aysan mareen marka laga reebo dad sit eel teel ah ugoynayo wadada.
ISgoyska Sanca ilaa iyo Isgoyska kale ee Caanka jardiinka waxa iyana jid waliba fadhiyo Dhalinyaro afka uduuban oo qoryaha keebka Haya kuwaasi oo fadhiyo Albaabada Shacabka taa oo cabsi iyo argagaxba ugu filan hooyooyink iyo Caruurta ku dhaqan Guryahaasi.
Hadaba marka aad lasoo noqoto dhanka iyo Suuqa Baanabolyo, Wadada Nasiib Buundo, XaaFada Maalkalooyooni , Shirkada Nationlink, Hotel Global iyo dhamaan goobaha ku teedsan ayaa iyagana waxa dhooban ciidamada Dowlada Federaalka gaar ahaan kuwa loo yaqaan Kobiga.
Hadaba hubaruursiga iyo diyaargarowga Dagaal ee deegaanadaani ayaa waxa uu ka dhigayaa Uwanqalida Dagaal Hor leh oo ka dul qarxa Shacab ku dhaqan Deegaanadaani.
Inkastoo ay aad uyartaha dadaalada socda ee lagu hakinayo Dagaalada Iminka socda ayaa Mas’uuliyiinta ukala hadashay labada dhinac waxa midba mid ka kale ku eedeeyay weeararka in uubilaabay .
Mudane Axmed Daaci oo ka jawaabayay Su’aal aheyd in ay wili wadaan Isbaaradi ay dadka ka qaadayeen taasna keentay kooxaha wax iska caabinta in ay weerar kusoo qaaday degmadiisa ayuu yiri “ Hada waxa la yaab leh in dadkii laayay Aqoonyahankii, Saraakiishi, Dhaqankaa iyo dhamaan cid kasta oo dhaxal gal u ah Bulshadaan soomaaliyeed waa ayaan daro in ay maanta dhahaan waxa diidanahay Isbaaro waayo Isbaarada iyo baneesashada Dhiiga Shacabka Soomaaliyeed teeba dhib badan”
Inkastoo Mudane Axmed Daaci oo beeniyay in ay maamulkiisa duulaan yihin Isbaarana utaalo deegaanadaasi balse ay difaac kaga jiraan isaga iyo shacabka Deegaanadaasi waa sida uu hadalka udhigaye,
Mas’uul u hadlay Jabha Islaamiya ee ka howlgasha Degmooyinka Makka iyo Madiina ayaa waxa uu ku nuux nuuxsaday in aysan diyaar u aheyn dagaal kasii socdaa gobolka banaadir dagaalka iminka dhacana uu yahay dagaal lagu kalifay ay ugu qidmeenayeen Diinta Islaamka.
Mas’uulka ayaa sidoo kale waxa uu iska fogeeyay in ay duulaan ku yiihiin shacabka ku dhaqan degmooyinkaan isagoos idoo kale sheegay in ayba garab taagan yihiin dadka ku dhaqan degmooyinka Mako iyo Madiino Bacdamaa aan suulineenay Isbaarooyin uyiilay kooxaha dirirta la galay oo difaacanayo Isbaarada.
Si kasta oo ay ahaataba inkastoo kooxaha Muqaawamada ay iminka umuuqdaan Tobankii meel isugu timaado in ay la baxayaan magac Carbeed daqiiqad kastaana la maqlo qilaaf kasii dhax qarxo tobankii isu tagtay ayaa hadana waxa wax jira ah in Isbaarooyin wili yaalaan degmooyinka Makka, Madiino iyo Kaaraan kuwaasi oo wili laago sharci daro ah looga qaado Dadka Deegaanka taa oo marna taageero ku helenin Mas’uuliyiinta Degmadaasi marka laga soot ago weerarada ay sheegayaan in lagu soo qaado.
Xog-Aruurin, Dagaalada Ka Curtay Degmooyinka Mako/Madiino iyo Kaaraan.
Tan iyo Ka bixitaanki Ciidamada Ithiopia ee Kowfurta Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho, ayaa waxa cabsi xoogani ka jirtay bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir taasi oo ay ka cabsi qabaan in dagaalka sii socdo wajiyo badana yeesho, Sida Muqaawam