Shir Ballaaran oo si heer sare ah ah loo soo qaban qaabiyey oo ay ka soo qayb galeen Dhammaan Bahda Ahlusunna waljamaaca ee Magaaladan London ee Waddanka Ingiriiska ayaa Xalay lagu qabtay Isla Magaalada tan London.
Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Culimaa,udiin ka kala yimid London iyo Gobollada ku xeeran iyo weliba Yurubta kale Dhallinyaro iyo Haweenka Bahweynta ahlusunna waljamaaca ayaa Culimada waxey halkaas ka soo jiidiyen Muxaadarooyin Diini ah oo ay kaga hadlayeen Dhibaatooyinka ay Ummadda Soomaaliyeed ee 100% Muslimka ah ku hayaan Firqooyinkan Cusub ee banneystay Dhiigga Islaamka haba ugu horeeyaane Kooxda la baxday Alshabaab.
Haddaba Bilaawgii Shirka waxaa lagu furay Aayado Quraan ah oo uu halkaas ka akhriyey Macallim Maxamuud Sheekh Cabdiraxmaan Waxaa Xiriirinayey Sheekheena Sheekh Axmed Cali Magrayn(Sheekh Axmed Fanax) isla markaasna Muxaadaradii ugu horreysay isagu halkaas ka soo jiidiyey taas oo uu uga hadlayey Cabsida alle SWT.
Sheekh Axmed Fanax
Waxaa sidoo kale halkaas lagu soo bandhigay Muuqaalo laga soo duubay Tacadiyada ay Alshabaab ka geysteen Waddank waxaana ugu darneyd markii ay dadku Xamili waayeen Nin Maskiin ah oo ay Sidii Xoolihii u Gowracayaan taas oo ay ka qaybgalayaashii Shirka aad iyo aad uga Xumaadeen.
Intaa ka dib waxaa Muxaadaro ka hadleysa meeshii ay assalkooda ka yimaadeen Kooxdan Alshabaab ka soo jeediyey Col.Sheekh Axmed Mataan oo ku dheeradday iyada oo uu sidoo kale Sheekh Cali Nuur Cilmi uu isna halkaas ka soo jeediyey Muxaadaro aad iyo aad loo jecleystay oo ka hadleysay Xugunka Jihaadka Shirkuna wuxuu ku dhammaaday Jawi wanaagsan Ka soo qayb galayaashii oo Boqolaal ahaana Halkaas ay ku wada Casheeyeen Cashadaas oo aheyd Lacag la.aan dhallinyarada ahlusunna ay qof waliba meeshii uu fadhiyey ugu geynayeen Cashadiisa Waana sifadaii iyo Soorya wanaagii lagu yiqiinay Culimada Ahlusunna waljamaaca
Col. Sheekh Axmed Mataan
Sheekh Cali Nuur Cilmi
sidoo kalena waxaa ka soo qayb galay Warbaahino Caalimi ah sida Chenal4 iyo UniversalTv iyo kuwa kale oo fara badan.
Ugu dambeyntii Waxey Culimada Ahlusunna waljamaaca ay si buuxda u taageereen waliba iyagoo ku faraxsan ka bixitaanka Ciidamada Cadawga ah ee Ethiopia ka baxeen Dhammaan waddanka soomaaliyeed waxeyna ilaa ka baryeen in uusan dib dambe ugu soo celin.
Owliyo Dadweyne Afhayeenka Ahlusuna Uk
Qaar ka mid Dhalintii Ka shaqeyneysay shirka ahlusunna
Culimada Ahlusunnah Oo Uk Ku Yeelatay Kulan Balaaran (Daawo Sawirada Kulanka)
Shir Lagu Canbaareynaayey Dhaqan xumada alshabaab laguna Taageerayey ka bixitaanka Ciidamada Ethiopia ka baxday somaliya ayaa xalay lagu soo gebagebeeyey Magaalada London ee Waddanka Ingiriiska Axad