Gunta hoose ee bur burka wadahadaladi Kismaayo (Warbixin)

1
Friday March 29, 2013 - 11:29:33 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1038
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gunta hoose ee bur burka wadahadaladi Kismaayo (Warbixin)

    Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ay ka soconayeen kulamo u dhaxeeyay wafdi uu hogaaminayo raysal wasaaraha xukuumada federaalka soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo maamulka ku meel gaarka magaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ay ka soconayeen kulamo u dhaxeeyay wafdi uu hogaaminayo raysal wasaaraha xukuumada federaalka soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo maamulka ku meel gaarka magaalada Kismaayo iyo sido kale qaybaha bulshada ee ka jira Kismaayo ayaa kulamadaasi waxaa la shaaciyay in wax natiijo ah laga gaarin.
Waxaa xalay soo baxay qodobo dhawr ah oo ay dawladu u soo jeedisay inay qaataan maamulka uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ) ee haatan ka arimiya magaalada Kismaayo, qodobadaasi oo ahaa maamulka garoonka iyo dekada Kismaayo wax soo baxa lagu soo wareejiyo Dawlada federaalka soomaaliya ,isla markaana Kismaayo iyo gobolka Jubada Dhexe loo magacaabo maamul ku meel gaar ah oo shaqayn doonaa mudo lix bilood ah kaasi oo gudoomiye looga dhigayo Axmed Madoobe .

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ) ayaa waxa la sheegay in arinkaasi uu ku garan sayray oo uu ka soo qaaday waxba kama jiraan waxaana u tilmaamay in arinkaasi waxba kama jiraan oo uusan qaadan doonin.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xussen Guuleed oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay in kulamadii halkaasi ka socday aysan wax natiijo ah oo la taaban karo ka soo bixin.

Kulamadii maalmihii ugu danbeeyay ka soconayay magaalada Kismaayo ee ay lahaayeen maamulka ku meel gaarka Kismaayo iyo wafdigii uu hogaaminayay raysal wasaare Saacid ayaa waxaay ku soo idlaadeen guul daro iyo is mari wa’aa ,iyadoona arinta Kismaayo dadka siyaasada ka faalooda ay sheegayaan inaysan arintan dhex uulin soomaaliya aysan ku jiraan gacmo kale oo adeegsanaya dad soomaali ah oo ka soo jeeda deegaanadaasi.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip