Faah-faahinta kulanka Norwich v Chelsea
- Visits: 2229
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Chelsea ayaa raadineysa guusheedii ugu horeysay ee ay ku gaarto garoon ay marti ku tahay xilli ciyaareedkan Premier League marka ay maanta booqanayaan kooxda Norwich City, kulanka maanta ayaana u ah kulankoodii afaraad ee Premier League ee ay marti noqonayaan xilli ciyaareedkan.
Seddexdii kulan ee hore ee ay marti soo noqdeen waxaa ay la kulmeen labo barbaro oo ay kala kulmeen kooxaha Man United iyo Tottenham, halka Everton ay ku badisay kulankii ka dhacay Goodison Park.
Tababare Jose Mourinho ayaana rajeynaya maanta inuu meel isaga yeelo dhaleeceyntii uu la kulmayay isbuucyadii u danbeysay isagoo doonaya inay seddex dhibcood ku soo qaataan Carrow Road.
Kulanka: Norwich City v Chelsea
Garoonka: Carrow Road
Waqtiga: 3:30pm Saacada Geeska Afrika
Garsoore: Neil Swarbrick
MAXAA KA CUSUB?
Daafaca Norwich City Sebastien Bassong ayaa wajahaya inuu maro tijaabo dhanka caafimaadkii ah xilli danbe maanta ka dib markii dhaawac muruqa ah ay u diiday inuu ciyaaro isbuucyadii u danbeysay.
Javier Garrido iyo Nathan Redmond oo dhaawac ku seegay kulankii ay ka badiyeen Stoke City dhaawac darteed ayaa haatan taam u ah inay wajahan Chelsea.
Weeraryahanka Chelsea Fernando Torres ayaa isna ganaax iyo dhaawacba ku maqan, waxaana la filayaa inuu garoomada ka maqnaado muddo seddex isbuuc ah.
Eden Hazard ayaa isna shaki dhaawac uu ku jiraa isagoo dhibaato ka qaba canqowga, sidaasi darteed Andre Schurrle iyo Juan Mata ayaa ciyaari kara.
LINE-UPKA MACQUULKA AH:
Norwich City (4-3-3): Ruddy; Martin, Turner, Bassong, Garrido; Howson, Fer, Johnson; Snodgrass, Van Wolfswinkel, Pilkington.
Chelsea (4-2-3-1): Cech; Ivanovic, Terry, David Luiz, Cole; Lampard, Ramires; Schurrle, Mata, Oscar; Eto’o.
MA OGTAHAY?
Norwich ayaan garaacin Chelsea sagaalkii kulan ee ugu danbeysay ee ay ku kulmeen tartamada oo dhan.
Markii ugu danbeysay oo Norwich City ay garoonkeeda kaga badiso Chelsea waxa ay aheyd 3-0 kulan Premier League ka tirsan December 1994.
Chelsea ayaa 1-0 ku badisay kulankii Carrow Road xilli ciyaareedkii hore, iyagoo guushaas uga mahadceliyay Juan Mata.
Midkoodna gooldhaliyayaasha Chelsea shabaqa ma aysan soo taaban xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League. Xaqiiqdii 26kii gool ee ugu danbeysay ee ay Chelsea ka dhaliso Premier League kaliya hal gool ayaa waxaa dhaliyay gooldhaliye la aqoonsan yahay Fernando Torres bishii May kulan ay la ciyaarayeen Everton.
Chelsea ayaa rikoor la mid ah kii xilli ciyaareedkii 2007-08 ku bilaabatay Premier League, seddex guul, labo barbaro iyo hal guuldarro, waana xilli ciyaareedkii uu Mourinho Chelsea ka taay.
Laacib.net
Faah-faahinta kulanka Norwich v Chelsea
Chelsea ayaa raadineysa guusheedii ugu horeysay ee ay ku gaarto garoon ay marti ku tahay xilli ciyaareedkan Premier League marka ay maanta booqanayaan kooxda Norwich City, kulanka maanta ayaana u ah kulankoodii afaraad ee Premier League ee ay marti n